HomeCaqabadaha laxaadka leh ee haysta wadanka Guunka ah ee Masar

Caqabadaha laxaadka leh ee haysta wadanka Guunka ah ee Masar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

mukhtaarWaxaan ku bilaabayaa qoraalkaygan magaca Illaahay.
Sidaynu la wada socono sanadkii 2011 waxa wadamada Carabta ka bilaabmay kacdoono shacab oo aad uxoog badan oo dadku kaga soo horjeedaan xukuno mudo dheer ka talinayey wadamadooda taas oo dadku tirsanayeen cabudhin,caga juglayn iyo cadaadis xad dhaaf ah oo aan loo meel eegayn taasoo ay maarayn kari waayeen dawlihidii uu ka bilaabmay kacdoonkaasi waxaa ka mid ahaa
wadamadaa:

*1)  *Tunisia
*2)  *Masar
*3)  *Libiya
*4)  *Yemen
*5)  *Siiriya
Kacdoonkaa wadamada Carbeed mar kaliya ka qarxay oo lamagac baxay GUGA CARABTA Maaha mid ku kooban oo kaliya wadamadaa uu ka qarxay mana aha mid ilaa hada dhamaaday ee waa wax dhacdo ah oo wali sii socota oo aan xad loo helin laakiin xadka kaliya ee ugu dhawna uu ku xidhanyahay dadka
siyaasiyiinta ah ee dalka maamulaa hadba siday ula dhaqmaan dadkooda iyo xidhiidhka ay la leeyihiin umadooda ay masuulka ka yihiin.
Hadaba wadankan Guunka ah ee Masar oo ahaa wadan ka yaabiyey caalamka intiisa kale, sida dadkiisu ukala duwanyihiin diin ahaan iyo fikir ahaan iyo siday kala duwanaantaasi aanay unoqon mid fashilaad ku keenta horumarkii wadanka mudada dheer ka socday  waayo waa wadan ku xeel dheer xaga wax qabadka iyo xadaarada dhaqaalihiisuna meel fiican marayey wuxuu ka mid ahaa wadamadii uu ka dilaacay kacdoonka shacabka oo  loogu magac daray GUGA CARABTA oon ilaa manta istaagin ee uu marayo meel la odhan karo waxa soo dhawaaday Burburkii iyo baabi’i MASAR waayo wadanka masar intuu jiray hal mar ayey doorasho dadku soo doortaan qofkay doonayeen oo si xor ah loo doortaa ay ka dhacday waxaana ka dhacay waxaan wali aduunka ka dhicin oo inagu cusub oo ah in qofkii dadku soo doorteen inta la inqilaabo oo xilka laga tuuro waliba xadhig loogu daro hadana maxkad loogu diriro, dadkii dareenkooda cabirayeyna si toos ah xabad nool loola dhaco oo dhimashadoodii iyo dhaawacoodii meel walba buuxiyo.
Waxaan uga danleeyahay kacdoonadaasi iyo dhacdooyinkaasi maaha mid ku kooban oo kaliya Wadanka Masar iyo meelaha kale ee uu ka socdo laakiin waxa hubaal ah inuu meelo badan ka bilaabmi doono mid la mid ah iyo mid ka baaxad wayn, waayo manta dalal badan oo Africa ka tirsan waxa si toos ah uga jira wixii ay Masar iyo wadamada Carbeed ka cadhoodeen laakiin waxa la sugayaa xiliga uu ka dhici lahaa GUGA AFRICA hadaan laga gaashaaman oon dadka lyo dadkaba daacad loo noqon umadana sideeda loogu adeegin, hadaan dhaliinyarada la jihayn oo aan lala iman Barnaamij hor umarineed.
Dhinaca kale Wadanka MASAR wuxuu marayaa xaalad aan la saalaadin Karin meel uu ku danbayn karo waayo wadanka waxa si guud u ilaalin jiray Ciidamada Milatariga laakiin manta iyagaaba kacdoonka bilaabay iyagaa ubadheedhay inay Madaxwayne ku fadhiya codkii shacabka aayar xilkii ka qaaday oo
kacdoonkii shacabka ee loo bixiyey GUGA CARABTA ee Masar kasoo kabanaysay ugu badalay kacdoon aan ku cusbayn wadamada qaarada Africa oo ah in milatarigii xilkii Madaxwaynaha ka qaado oo waliba xadhig loogu daro taasoo daaqada ka saaraysa dimuqraadiyadii wadamo badani ku faani jireen.
Waxaa bal is waydiisaa dalkeena Somaliland xaalkiisu halkuu manta marayaa?
Dhaliinyaradiisii oo lagu qiyaaso 75% xaaladee bay ku suganyihiin?
Siyaasadeenu may tahay mid udooda danta shacabka mise waa mid ka dooda oo dano gaara lagu fushado?
Su’aalahaasi waxay ubaahanyihiin in si ka fiirsashole looga baaraan dago oo lagu eego fikir caafimaad qaba oo ka xor ah caadifad si markaa loo ogaado marxalada rasmiga ah ee dalkeenu marayo.

Mahadsantihiin
Mukhtar Abdi Jama
4406123

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories