HomeCantuuguu Ka Tagay Oo Calaf Xalaala Helay.

Cantuuguu Ka Tagay Oo Calaf Xalaala Helay.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Masjid ku yaala magaalada Dimishiq oo xilligaas ka mid ahaa masaajiddada ugu weyn oo loo yaqaanay Al-tawbah 100 ka hor ayaa waxa iimaam ka ahaa Shiikh dadku aad ugu kalsoonaayeen arrimahoodana u soo bandhigan jireen hadba wixii ku cusub.

Waxaana masjidka ku xidhnaa oo Shiikha ardaydiisa ka mid ahaa nin dhalinyaro ah oo dadku wanaagiisa iyo dhawr sanaantiisa tilmaam loo soo qaato, wuxuuna ahaa nin dhawr-san oo faqiir ah, wax shaqo ahna aan hayn, wuxuuna u hooyan jiray qol masjidka u dhaw.

Laba maalmood ayaanu waxba cunin , lacag uu wax ku iibsadana ma uusan haysan ,maalintii sadexaad markuu nafta u yaabay ayuu naftiisa kula sheekaystay waxaad gaadhay xilligii laguu baneeyey bakhtiga in aad cunto, ama aad wax aad nafta ku qabatid aad xaddid, wuxuu u baxay masjidkii dushiisa, guryaha Dimishiqdii hore way isku dhegan yihiin waana laysaga gudbi karaa , gurigii ugu horeeyey ee uu halacsaday ayuu arkay dumar dhextaagan dib ayuu uga noqday, wuxuu haddana jaleecay guryihii dhinaca kale , wuxuu arkay guri aanu qof ka dhex muuqan cunto udgoona ka soo kankamayso , gurigii ayuu u dhacay jigadii cuntadu ka soo carfaysay ayuu galay, dherigii oo dabka markaa laga qaaday oo kulul ayuu gacanta galiyey, digsiga waxaa ku jiray khudaar lagu magacaabo Badenjan oo dhexdeeda bariis iyo hawlo kale lagu guray.

Markuu mid labaxay ee uu cantuug is yidhi gaajadii haysay awgeed ayuu is xasuustay in waxan uu samaynayaa aanay u banaanayn , markiiba dharagii ayuu ku celiyey gurigiina degdeg uga baxay, isaga oo shaydaanka iska naaraya , Arday ayaad tahay, cilmi soo doontay masjidna ku xidhan,guryaha reerahaad u dhacaysaa waadna xadaysaa , isku canaanaya.

Masjidkiisii ayuu ku noqday wuxuuna iska fadhiistay casharadii shiikhu bixinayey isaga oo baahida haysa awgeed indho madoobaad ku dhow ayaa waxa kadinka masjidka isa soo taagtay qof haweena oo niqaaban shiikhii ayey la hadashay , markii uu shiikhii ka soo jeestay gabadhii ayuu hareerihiisa eegay, ardaydiisiina isha mariyey , wiilkii ayuu u yeedhay wuxuu ku yidhi: xaas miyaad leedahay?,

maya ayuu wiilkii yidhi

Ma rabtaa in aad guursato ayuu Shiikhii ku celiyey?, wiilkii wuu aamusay.

Mar labaad ayaa Shiikhii ninkii dhalin yarad ahaa ku yidhi ma doonaysaa in aad guursatid?. Wiilkii wuxuu ku jawaabay Shiikh ma haysto waxaan ku iibsado waxaan cuno , sidee u guursan karaa?.

Shiikh ayaa ku yidhi , gabadhaas hadda inoo timi waxay iisheegtay in uu ninkeedii ka geeriyooday , ayna tahay qof aan reer Dimishiq ahayn, ehelkeedna oday adeerkeed oo duq ahi ka nool yahay, isagiina uu la nool yahay , waxayna tidhi waa shiikha halkaa fadhiya ee masjidka casharka ka dhagaysanaya, waxayna ii sheegtay in ay ninkeedii ka dhaxashay guri iyo mushaharkiisii, waxayna ii sheegtay in ay jeceshahay in ay guursato nin wanaagsan oo ay ka dugsato nolosha si ay u asturnaato, marka ma doonaysaa in aad guursato, wiilkii wuxuu yidhi Haa .

Gabadhii ayuu iyadana weydiiyey wuxuu ku yidhi ninkan ma guursan, iyana waxay tidhi Haa.

Adeerkeed ayaa isagana loo yeedhay iyo laba markhaati, waana laysku meheriyey, meherkii gabadhana Shiikhii masjidka ayaa bixiyey, gacantay qabatay gurigii ayey isu raaceen, markay galeen gurigii ayuu arkay in gurigu yahay kuu u soo dhacay , niqaabkii ayey iska qaaday , qurux iyo yaraan aanu filayn ayey indhihiisu qabteen, wiilkii oo fajacsan , ayey ku tidhi ma qadaysay oo wax ma cuntay? markaasuu yidhi Haa waan qadeeyey, jikadii ayey la gashay waxa daboolkii ka qaaday dherigii, waxay aragtay xabad Badenjan ah oo la cantuugay, way yaabtay oo tidhi yaa digsigii farafareeyey?.

Wiilkii ayaa is hayn waayey isaga oo ilmaynaaya ayuu qisadii uga sheekeeyey, waxay ku tidhi ilaahay wuu kuu abaal guday xabad Bedenjan ah ayaad ilaahay dartii uga tagtay ilaahayna wuxuu kuugu abaal guday gurigii iyo gabadhii xalaal ah.

Qisadan waxaan ka soo xigtay Xasuus Qorka Shiikh Cali Al-dandaawi ilaahay haw naxariistee, waxayna ina tusaysaa iyada iyo qisoon badan oo caan ahi, qofka ilaahay dartii wax xun uga taga in ilaahay wax wanaagsan ugu abaal gudayo.

Shiikh Cali Al-dandaawi wuxuu sheegay in uu dadkan dhamaantood garanayo.

Shiikh Cali wuxuu ku dhashay Dimishiq 1909 wuxuuna ku geeriyooday Makka 1999.

Asad Cadaani

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories