HomeCan You Hear Me MR PRESIDENT, Madaxweynow may Maqlaysaa..Mr PRESIDENT, Are You...

Can You Hear Me MR PRESIDENT, Madaxweynow may Maqlaysaa..Mr PRESIDENT, Are You Clean Of Corruption, Mudane Madaxweyne Nadiif Adigu Ma Ka Tahay Musuqmaasaqa? Hadii aad ka Tahay WHY..? -by Dacar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankSu’aasha aan ku Bilaabaayo Qoraalkayga, Waxa ay tahay Ma waxa Haboon in La xidho, Wasiirada ay Madaxweynaha aadka isugu Dhow Yihiin ee Lagu tilmaamay Musuqmaasaqa, Malaayiinka Doolar Lunsaday, Mase waxa haboon in La Xidho nin Cunto ama Bariis Lunsaday.?

Hadii Mid La xidhaayo waxa haboon in La xidho ama baadhis lagu sameeyo Raga Doolarka Lunsaday ee ay madaxweynaha iyo Famaliga Madaxweynaha Qaraabada iyo Tolka Yihiin.

Raga Qurbaha Ka Yimi ee Malaayiinka Doolar la sheegay inay Lunsadeen, Waxa ay Familiyadoodii kaga yimaadeen Qurbaha, Waa inay bixiyaan Mooregatekii Guriga, (Rent) Waa inay Bixiyaan Masaariiftii reerka iyo Caruurtii ay Qurbaa kaga yimaadeen, waa inay reerkii u Sameeyaan nolol Cusub oo heersare ah, Sidaa Daraadeed Waxa Culays ku Saaran yahay inay Bixiyaan Bil-walba Lacag ku Dhow ilaa Sadex Kun oo Dollar, oo ah Kharashkii reerka iyo Guriga ah, Xagee Lacagtaasi Ka imanaysaa.? Sababtaas ayaa Keentay in Wasiirada iyo Gudoomiyaayaasha uu Siilaanyo Doortay in lagu Tilmaamo Musuqmaasaq ileen Meesha baahi ayaa taala ninkani Waxa uu ahaa (Bread Winner) ninkii Reerka u Shaqaynaayey, Markaa waa inuu daboolaa Masaariiftii reerka.

Khasaaraha Labaad, ee ay Leedahay Lacagtaa La Lunsanaya ee Qurba Joogu Lunsanayaa, Waa iyada oo uu Lacagtii dalka Dibada uga soo saaraayo, oo aanay Manaafacaadsanayn dadkii reer Somaliland, Tusaale, Hadii uu Lacagtan Baayac mushtar uu ku Geli lahaa ama uu Somaliland Gudaheeda gelin lahaa Lacagtan, waxa Munaafacaadsan lahaa dadwaynaha, Munaafacaadsigaa ay dadwaynuhu u Munaafacaadsan lahayeen lacagta si toos ah ama si aan toos ahayn ayaa meesha ka Baxaya marka lacagtii loo soo dhoofiyo Qurbaha, Sida Dardeed ayaynu Laba jeer ugu khasaarnay Wasiirka ama Gudoomiyaha Musuqmaasaqa ah ee ka Tegay Qurbaa (1) Mar uu Lacagtii Lunsaday, (2) Mar uu Lacagtii Wadanka aanu ku isticimaalin ee uu Dibada u Diray.

Ninka Wadaniga ah ee Somaliland Joogaa waxa uu u Baahan yahay, Sadex Boqol oo Doolar oo Biil ah Bishiiba, Hadii uu is yidhaahdo reerkaagii aqal u dhisna waxa uu u baahan yahay, ilaa Afartan kun oo Doolar. Marka ka qurba jooga ahina uu u baahan yahay Sadex Kun oo doolar inuu ku Masruufo Xaaskiisii, Marka hadii uu is yidhaahdo aqal u iibina uu u baahan yahay, ilaa Afar-boqol oo kun oo Doolar.

Su,aasha Labaad ee Meesha Taalaa waxay tahay, Waa Maxay Sababta Qof wal oo ay Madaweynaha ama familiga Madaxweynaha ay aadka isugu Dhow Yihiin Loogu Tilmaamaa Musqmaasaq, Muxuuse Madaxweynuhu u Daboolaa Musuqmaasaqaa.?

Jawaabtu, Waa Madaxweynaha Xiligii uu u Ololaynaayey Kursigan uu ku fadhiyo ee Lagu Ciilay ama Layska Hortaagey inuu Noqdo Madaxweyne ayaa Raga Qaar u hagarbixeen Madaxweynaha oo ay Gashadeen Maalgelin (Investment, Loans, Credit ). Kuwaas Ma laga yaabaa in Madaxweynuhu uu iska indha tiraayo Musuqmaasaqa lagu Sheegay Si uu Madaxweynuhu u Bixiyo amaahdii (Cridit, Loans) kii Lagu Lahaa.  MR PRESEDENT Are you Clean on Correption.

Muasuqmaasaqa, ayaa ah, mid Kuwa Had iyo Jeeraale Ku dhaqmaa, ay ka hadlaan, iyaga oo aan Ogeynba, inay Musuqmaasaq, Ka Hadlayaan ama Ficilada ay Samaynayaan aan uba Aqoon Musuqmaasaq, Sababtoo ah Waxa ay u noqotay Wax caado ah oo Lagaga Dhaqmo Wadankaas ama Degaankaas.

Waxa Musuqmaasaqa inaad Kursiga Ugu hiiliso, Tolkaa ama Xigtadaa, ama taageerayaashaada adiga oo eegaaya Loyalty not Abililaty.

Waxa Musuqmaasaqa inaad Erido Shaqaalihii waayo aragnimada lahaa (Productivity) Adiga oo Ku Badelaya shaqaale Cusub oo aan Wax Waayo aragnimo ah aan hawsha u lahayn Si aad u Raali geliso Xigtadaa, iyo Taageerayaashaadii.

Waxa Musuqmaasaqa inaad iska indho tirto ama aad wajiga ka leexiso Xigtadaa, tolkaa iyo Taageerayaashaada marka lagu Tilmaamo Musuqmaasaq.

Waxa Musuqmaasaqa marka Wasiirada Xalaasha ah Sida Maxamed Xaashi aad uga Hiiliso ama Ka doorato kuwa Lagu tilmaamay Musuqmaasaqa.

Waxa Musuqmaasaq ah, in Madaxtooyada  (Membership Cards) Looga sameeyo  Dadka Ku tilmaaman Musuqmaasaqa oo halkaa lagu soo dhaweeyo ama lagu dhiiri geliyo..

Waxa Musuqmaasaq ah, inaad Doonato Halka Jiclicsan(Soft Taget) Adiga oo ka Warwareegayaa Halka Adag, Sida iminka lagu xidhxidhay rag Raashin lunsaday marka indhaha laga jeediyey kuwa dollarka Lunsaday.

Waxa Musuqmaasaq ah in ragii Kula soo Ololeeyey , Abaalka iyo Amaahda, kugu lahaa inaad ugu abaal Gudo Xoolaha Qaranka iyo Kuraasi.

Madaxweynow May Maqlaysaa, Madaxweynow are you Clean on Correption.??

Cabdi Qadir Jama Ismail Dacar

USA, California
Political Science Educator. 
Gobanimodoon@sbcglobal.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories