HomeCambaareyn iyo codsi is-casilaad Deg-deg: Md. Dahir Riyaalle Kaahin

Cambaareyn iyo codsi is-casilaad Deg-deg: Md. Dahir Riyaalle Kaahin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(Soomaalidu waxay  tidhaahdaa–Ilayn  adhigu Qulux  Quluxda kama ilbaxo—Dahir Riyaalle miyaanu  ka ilbixin afarta  hareero fadhiya —oo ogayn in ay yihiin kuwii riday)

 INOOGU QAYBIYA XISBIGA  UDUB-  URURKA  DIMUQRAATIGA(UD)   IYO  UMMADA BAHAWDAY (UB), QOLABA INAY JECESHAHAY HA QAADATO”

blankWaxaa runtii wax laga naxo ah–laga xishoodo—  sharaf dhac iyo Dictatooriyadna ah  hadaladii ka soo yeedhay Md Daahir Riyaalle Kaahin , Madaxweynihii hore ee Somaliland, oo xilligan ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ,05 June 2012 ,mar uu gurigiisa Shir jaraid ku qabtay,isagoo ka hadlayey Go,aankii Maxkamada Sare iyo sida uu u arko mustaqbalka Xisbiga UDUB ee uu Gudoomiyaha ka yahay Xilligan:

Haddaba waxaa si nasteexo leh ugu sheegayaa Md.Daahir Riyaalle Kaahin   qodobadan hoos ku qoran:-

  1. Md. Daahir Riyaalle waxaan  si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad sida ugu dhaqsaha badan ugu dhawaaqdo iska-casilaada Gudoomiyaha Xisbiga UDUB,waa sida kuu sharaf badan,waa sida ay UDUB ku badbaadi karto, waa sida u wanaagsan dhamaan bahweynta UDUB .
  2. Md. Daahir Riyaalle Kaahin –UDUB waxaad ku gaadhay/ ku noqotay Madaxweyne ku Xigeen iyo Madaxweyne—waad ka xoogsatay oo ka xoolaysatay —ee maxaa  derajo kuugu hadhay oo aad ka doonaysaa, marna ha ku fekerin in aad mar kale ku soo noqoto Madaxweynenimada.
  3. Md.Daahir Riyaalle Go,aanka Maxkamada Sare sidii aad doonto uma macneysan kartid,ee Maxkamada ayaa  macnaysay,ee waa in aad u hogaansantaa.
  4. Md.Daahir waa in aad fahantaa in aadan weli ahayn Madaxweyne,ee aad tahay Gudoomiye Xisbi Mucaarid ah, mana lihid awood aad Xisbiga cidii aad doontana ka eryi karto cidii aad doontana aad ku darsan karto.
  5. Md.Daahir kuwa ku hareero fadhiyaa waa kuwii  ku riday,ee kaa tuuray Madaxweynanimadii aad haysatay,mana filayo in ay dib Madaxweyne kuugu celin karaan,waa kuwii u sabab ahaa guul daradii UDUB ku dhacday Doorashooyinkii Madaxtooyada ee ugu dambeeyey,haddana waxba kugu tari maayaan ee iskaga fogoow.
  6. Md.Daahir Riyaalle  waxaa  fiican in aad iska ilowdo hanjabaadaha aan  meela haysan ee maalin kasta oo aad hadasho aad ku celceliso,waxaana kuu sharaf badan in aad ku ekaato wixii Xeerka Xisbigu kuu ogol yahay oo keliya.
  7. Md.Daahir Riyaalle miyaadan ogayn in dhamaan Xafiisyadii Xisbiga UDUB ay xidhan yihiin,miyaadan  ogeyn in aad weyday Xafiis keliya oo UDUB leedahay oo aad Shir Jaraaid ku qaban kartaa –kana door biday in aad Gurigaaga maalin walba ka soo hadasho- meeday UDUB-ta aad ka hadlaysaa xagee bay joogtaa ?

Ugu dambayntii Md. Daahir Riyaalle Kaahin yaa xibin firfircoon  oo Xisbiga UDUB ah   “  Ma adiga oo 2 sanadood ee ugu dambeeyey  Paris ku noolaa oo aan bixin   hal  dollar  oo qaadhaankii UDUB ah,mise waxaa xubin firfircoon ah Jamal Cali Xuseen oo  UDUB siiyey    saddex boqol oo kun oo dollar oo lagu howl geliyo Xisbiga UDUB” runtii waa wax lala yaabo  sida aad u taqaan xubin firfircoon”

Hadal iyo dhamaan Md.Daahir Riyaalle  loo kala tegi mayo UDUB,mana jirto cid aad ka eryi kartaa ,ma jirto cid meel kale aadaysaa ee soo qaado Majarafadaa oo dumi intaada”

ALLAA  MAHAD LEH

Abdi M .Saleiman(Mingiste)

Golaha dhexe ee Xisbiga UDUB

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories