HomeCambaarayn go’aankii ka soo baxay Guriga Dahir Riyaale Kaahin(Gudoomiyaha Xisbiga UDUB...

Cambaarayn go’aankii ka soo baxay Guriga Dahir Riyaale Kaahin(Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee uu kaga soo horjeestay tartanka Musharaxnimada Xisbiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Runtii waxaa wax laga naxo/laga xishoodo  ah go,aanka la sheegay in uu ka soo baxay  shir ka dhacay  Guriga Gudoomiyaha Xisbiga UDUB,Md.Daahir Riyaale Kaahin  29/03/12,shirkaas oo la sheegay in  dib loogu dhigay  Murashnimadii Madaxweynenimada ee Xisbiga UDUB,laguna laalay go,aan ay guddida fulinta ee Xisbiga UDUB hore u gaadheen,oo ahaa in Jamal Cali Xuseen loo doortay in uu noqdo Musharax Madaxweynaha ee Xisbiga  UDUB Doorashooyinka  soo socda .
Haddaba anigoo  ah Abdi M.Saleiman(Mingiste) iyo Xubno badan oo kale kana  mid ah Golaha dhexe Xisbiga UDUB,waxaanu u aragnaa Go,aanka ka soo baxay Guriga Gudoomiyaha Xisbiga sidan:-

  1. Xeerka Xisbiga UDUB meelna kagama jirto in Guddida fulinta  ee Xisbigu ay  shirku qabsadaan Guriga Gudoomiyaha ,kana soo saaraan Go,aano quseeya howl maalmeedka Xisbiga,Guriga Gudoomiyuhu waa goob deganaasho u gaar ah qoyska Gudoomiyaha.Guddida fulintu waxay ku shiri karaan oo keliya Xarunta

            Xisbiga,Xafiisyada kale ee Xisbiga iyo goob la kireeye sida hoolalka hotel-da iwm.

  1. Meelna kagama jirto Xeerka Xisbiga UDUB in Gudoomiyaha Xisbigu uu laali karo go,aan ay gaadhay G.fulinta ee Xisbiga UDUB,awoodna uma laha  laalista go,aanada G.fulinta.Xiligii Guddida funtu ay gaadheen goaanada Musharaxiinta, Dalka wuu ka maqnaa Gudoomiyaha UDUB,shirka waxaa shirgudoominayey G.ku.xigeenkaa Xisbiga, Doorashada Musharaxnimaduna waxay u dhacday si waafaqsan Xeerka Xisbiga.
  2. In u dhaxaysa laba shirweyne ee Xisbiga waxaa awooda hawl maalmeedka Xisbiga iska leh Guddida fulinta,cida burin kartaana waa Golaha dhexe oo keliya,Gudoomiyahana waxaa fiican in uu tixgeliyo Xeerarka Xisbiga uu Gudoomiyaha u yahay.
  3. Xisbiga UDUB ,waxaa XUBIN firfircoon ah,xubinta u hurta maal—maskax iyo mabda.
  4. Xunin firfircoon kama aha UDUB,  shaqsiyaadkii Xisbiga ku soo galay Xilalkii ay ka hayeen Dowladii ugu dambaysay ee ay UDUB  madaxda ka hayd,Xilka  aad ka qabatay  Dowladii hore UDUB kuma noqon kartid.

 

Waxaa la gudboonaa Gudoomiyaha Xisbiga UDUB qodobadan:-

  • In uu isgu yeedho Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB si ay go,aan uga gaadhaan muaranka ka dhashay goaanka G.fulinta ,sababtoo Golaha dhexe  waa  Golaha iska leh awooda goaan  ka gaadhista arimaha  murugsan ee Xisbiga.
  • Gudoomiyaha Xisbigu wuxuu isgu yeedhi kari lahaa labada garab,wuxuuna isugu keeni kari lahaa meel dhexe si loo badbaadiyo Xisbiga UDUB.
  • Gudoomiyaha wuxuu raaci kari lahaa cidda  uu u arko in ay shuruudihii buuxisay,(Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa gari laba kama wada qosliso),ceebna may ahaateen haddii  koox garta laga helo.
  • Gudoomiyaha Xisbiga UDUB waxaa la gudboonaa in uu badbaadiyo Xisbigii uu Madaxweynaha ku noqday,taariikhda ku galay,ahaadana odaygiisi,dhexdhexaadna u ahaado dhamaanba bahweyna Xisbiga UDUB.
  • Ugu dambayntii waxaa  ku haboonayd Gudoomiyaha Xisbga UDUB Md.Daahir Riyaale Kaahin,dhowrsta Xeerarka Xisbiga—- ururinta bahweynta Xisbiga UDUB—- badbaadinta Xisbiga UDUB iyo talo ka fiican tii uu kaga dhawaaqay Gurigiisa 29 March 2012.

Tallo soo jeedin:-

  1. Waxaa la gudboon  cid kasta oo danaynaysa Xisbiga UDUB in ay u  guntato sidii loo badbaadin lahaa Xisbiga UDUB .
  2. Waxaa la gudboon Guddida  fulinta ee Xisbiga UDUB in ay sida ugu dhaqsaha badan  fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadaan  Xilkana ka qaadaan Gudoomiyaha iyo  ku Xigeenkiisa  lana doorto GUDOOMIYE IYO KU XIGEEN CUSUB si loo badbaadiyo Xisbiga. UDUB.
  3. Waxaa aad  iyo aad  u mihiim ah in lagu dhaqmo go,aankuu Gudida  fulinta ee  hore loogu doortay Musharax Xisbiga UDUB.
  4. Haddii  Guddida fulintu ay ogolaato  go,aan ku sheega ka soo baxay Guriga Gudoomiyaha Xisbiga UDUB,waxaan qabaa in ay UDUB dhimatay,Dimuqraatiyadii  ay UDUB mudad dheer soo hogaaminaysayna ay hogdheer ku dhacday.

Hadal iyo dhamaan mushkilada UDUB haysataa xilligan waa Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku Xigeenka ee sida ugu dhaqsaha badab ha isu casileen amase Guddida fulinta talaabo cad ha ka qaadeen.

ALLAA       MAHAD   LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories