HomeCali Waran-cadde oo Madaxweyne Siilaanyo Hortiisa kaga faanay inuu ka Abtiyaal Wanaagsan...

Cali Waran-cadde oo Madaxweyne Siilaanyo Hortiisa kaga faanay inuu ka Abtiyaal Wanaagsan yahay Wasiirro Dhiggiisa ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Waxaanan jeclahay mudane Madaxweyne inaan halkan maanta maanta ka faano oo aan u faano wasiirrada ina weheliya oo aan leeyahay waxaan ku faanayaa maanta halka ay abtiyaashay kaga fooggan yihiin soo-dhawaynta Qaranka iyo ragga ila socda ee shalay abtiyaashood ku foogganaayeen inay waddooyinka gubaan”

DSC_0398Sallexley (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Waran-cadde oo ka mid ahaa xubno wasiirro ah oo madaxweyne Siilaanyo ku wehelinayey munaasibad uu xadhiga ka jiray 5-KM oo ka mid ah Waddada Cad ee Sallaxley iyo Hargeysa Isku xidhaysa oo dhismaheedu socdo, ayaa sheegay inaanay jirin cid qabyaalad iyo reernimo ku hanan karta Madaxtinimada dalka, waxaanu shacabka Somaliland u soo jeediyey inay wax-qabadka nidaamka dawladeed ee jira iyo wax-tarkiisa kaga faa’idaystaan wada-shaqaynta iyo wanaag loo muujiyo.

Wasiirka Waran-cadde oo daba-socda bannaan-baxyo khasaare nafeed iyo dhaawacyo sababay oo shalay ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, laguna taageerayay guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu madasha uu hadalkiisa ka jeedinayey oo ahayd munaasibad lagu qabtay goobta dhismaha Waddadu ka socoto ee duleedka magaalada Sallaxley ugu faanay wasiirro xukuumadda ka tirsan oo socdaalkooda ku wehelinayey, kuwaas oo uu ugu faanay inuu ka abtiyaal wanaagsan yahay, isaga oo ujeeddadiisu ahayd lana hadlayey wasiirrada la socday ee ay Abtiyaahsood yihiin Beelaha Habar-Yoonis oo hadalkiisu ku aroorayey.

Wasiir Waran-cadde oo Abtirsiinta dhinaca hooyada ku abtirsada beesha Sallaxley (Ciidagale), waa uu ku faanay inuu ka abtiyaal wanaagsan yahay Wasiirro aanu carrabaabin oo socdaalka ku wehelinayey, isaga oo tusaale ugu soo qaatay isla markaana is-barbar dhigay dhismaha Waddadan xadhigga laga jaray iyo bannaan-baxyada shalay magaalada Burco iyo Ceerigaabo ka dhigeen taageerayaasha Guddoomiye Cirro.

“Waxaanu farxad noo ah inaanu idinkala soo qayb-galno mashruucan ballaadhan iyo fantasiyaha halkan maanta ka muuqda. Waxaanan jeclahay mudane Madaxweyne inaan halkan maanta maanta ka faano oo aan u faano wasiirrada ina weheliya oo aan leeyahay waxaan ku faanayaa maanta halka ay abtiyaashay kaga fooggan yihiin soo-dhawaynta Qaranka, marxabbaysiinta madaxdooda, taageeridda qarankooda, horumarinta waddanka oo ay ka mid tahay waddada aynu maanta soo marnay iyo halkay hiigsanayaan iyo ragga ila socda ee shalay abtiyaashood ku foogganaayeen inay waddooyinka gubaan, ayaan madaxweyne u faanayaa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiir Waran-cadde oo beel ahaan ka soo jeeda Beesha uu Abtiyaashood dhaliilayo Wasiirrada ay isku xukuumadda ka tirsan yihiin, waxa uu mahad-naq u jeediyey bulshada deegaanka Sallaxley oo uu sheegay inay dhegaha ka furaysteen wax uu ugu yeedhay ‘ILMADA YAXAAS’ oo uu uga jeeday habar-wacashada taageero ee Siyaasiyiintu ku kiciyaan xaraaradda qabyaaladda.

“Waxa kale oo bulshadan Hargeysa ilaa Sallaxley degta uga mahad-celinayaa sida qiimaha badan ee shalay ay uga dhega-adaygeen ilmada Yaxaaska ee siyaasiyiintu caanka ku tahay ee markay wax garan-waayaan dadka isla soo hortaaga, inay shalay ka dhega-adaygeen oo ay yidhaahdeen ilmadaada qarso. Maadaama madaxweyne aan ahay ninka aad u dhiibtay Meeriska Nabadgelyada ama kaalintaas ku qaybsan, waxaan beeshan (Daa’uud Garxajis) uga mahad-celinayaa sidaa qiimaha leh ee Odayaashoodii halkan ka hadlay wixii aan anigu ka odhan lahaa uga yidhaahdeen, ee dhinacooda inala haya ee Saaka markaynu waddada soo maraynay farxadda iyo reyn-reynta ka muuqatay, ragga qaar badanna aad moodday inuu waranka ku taagan yahay.”

Ugu dambayntii, Waxa uu wasiirku baaq iyo talooyin u jeediyey Shacabka Somaliland, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan u sheegayaa bulshada reer Somaliland, madaxda iyo dawladaha waxa lagu maalaa wanaag la tuso iyo Kalgacal, waxa lagu maalaa waddaninimo, laakiin laguma maali karo Taayir qiiqaya iyo dhagax la tuuro. Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego, cid qabyaalad kursi ku fuuli kartaa ma jirto waddankan, waxa lagu fuuli karaa wanaag, waxa lagu fuuli karaa kalgacal, waxa lagu fuuli karaa aaminaad, waxa lagu fuuli doorasho,” Sidaas ayuu yidhi Md Cali Waran-cadde.

Wasiirrada Socdaalka ku wehelinayey madaxweynaha waxa ka mid ahaa Wasiirka Gashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories