HomeCali Waran-cadde oo fashiliyey Qorsheyaal Dhabar-jab ku ah Soomaaliya oo Farmaajo ku...

Cali Waran-cadde oo fashiliyey Qorsheyaal Dhabar-jab ku ah Soomaaliya oo Farmaajo ku Doonayo Sii-haysashada Hoggaaminta Dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Siyaasi Cali Maxamed Warancadde, ayaa soo bandhigay qodobbo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uga shidaal-qaadanayo Wax uu ku tilmaamay Talo-xumada iyo Damaciisa Siyaasadeed ee u ku wejahan hoggaaminta dalkaasi Soomaaliya.

Siyaasi Cali Waran-cadde waxa uu sheegay in talo-xumada Madaxweyne Farmaajo uu ku damacsan yahay hanashada hoggaaminta dalkaa gun-dhig u tahay heshiisyo qarsoodi ah oo uu la galay waddamo shisheeye, taasina ay dhabar-jab ku tahay madax-bannaanida iyo ammaanka Soomaaliya.

blankMd Cali Waran-cadde oo arrimahan kaga hadlay Qoraal uu baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu xusay in arrimaha ugu muhiimsan damaca Farmaajo ku doonayo gacan-ku-sii haynta hoggaaminta Dalkaas ka mid yihiin sidii uu awood ugu muquunin lahaa siyaasiyiinta mucaaridka iyo hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada dalkaasi Soomaliya.

Qoraalka Cali Waran-cadde ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan:-

“Tala Xumadii iyo Damacii Farmaajo oo laba midkood ku soo biyo shubaneysa

  1. In uu isticmaalo Cudud Milatary oo Dalkaasi u horseedda Burbur aanu Mahadin,
  2. In uu iscasilo oo uu badbaadiyo Naftiisa iyo Dalka Somaliya.

Waxaa kale oo ka mid ah Talo Xumooyinka iyo khiyaamooyinka uu Cayaarayo Farmajo in uu Dib u isticmaalo Ra’iisal wasaarihiisii Hore Mr Khayre oo tuhun badani hadheeyey kaalinta uu Cayaarayo Mr Kheyre, oo iminka dhex fadhiya shirarka Mucaaridka. Waxaase laga yaabaa halkii uu ugu Talo galay inuu Mr. Khayre uu Farmaajo wax uga taro in aan la isla gaadhin marka laga eego Jidka uu Iminka Doonayo Farmaajo in uu wax mariyo Oo ah mid ka fog in Dalkaasi ay ka dhacdo Doorasho la isla ogol yahay.

Tan labaad Maadaama la ogyahay in uu Madaxweyne Farmaajo La Galay Heshiisyo QARSOODI ah Dalal shisheeye ah , heshiisyadaa oo halis galinayo Madaxbanaanida Somalia iyo Amniga qaar ka mid Dalalka Khaliijka ee Carbeed.

Waxaa Farmaajo ka go’an in uu waddo kasta u maro sidii uu ugu sii nagaan lahaa Hogaanka Somalia oo ay ugu horeyso in uu Mucaaridka iyo Maamul Goboleedada uu ku muquuniyo Xoog, arrintaasi oo isaga iyo Xulafadiisu ay mudo dheer si weyn uga shaqeynayeen waxaase aad u fog sidii arrinkaasi ugu hirgali lahaa madaama aan xukunkiisa lagu wada kalsooneyn.

Sidaa awgeed Somaliya Maanta uma baahna in xoog iyo Boob la isku Muquuniyo ee waxay u baahan tahay in laga Taliyo sidii loo badbaadin lahaa Bulshada Reer Somaliya ee mudada aan helin Cid wanaag ugu talisa.” Sidaas ayuu Cali Waran-cadde ku yidhi qoraalkiisa.

Siyaasi Cali-warancadde oo dhawaan sidan oo kale uga hadlay siyaasadda Soomaaliya, waxa uu kaga dhawaajiyey in hirdanka siyaasadeed ee xilligan ka socda dalkaas oo badhtamaha sannadkan dambe inay doorashooyin ka qabsoomaan loo qorsheeyey, ay ku hirdamayaan waddamo shisheeye oo dabada ka riixaya siyaasiyiinta ku loollamaya xilka madaxtinimo ee dalkaas.

Cali Maxamed Warancade ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta waayo-aragga ah ee Somaliland, isagoo 25-kii sanno ee u danbeeyey xilal wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii u kala dambeeyey dalka, isagoo la soo shaqeeyey 5-tii madaxweyne ee isaga kala dambeeyey talada dalka ilaa xilligan, waxaanu ugu yaraan xilal Wasiirnimo ka soo qabtay ilaa 10 wasaaradood oo uu 4-tii madaxweyne ee hore kala soo shaqeeyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories