HomeCali Sugule Dun-Carbeed: Halgamaaggii Aan Hadh-Gelin W/Q: Axmed Nuur Guruje

Cali Sugule Dun-Carbeed: Halgamaaggii Aan Hadh-Gelin W/Q: Axmed Nuur Guruje

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Alle ha u naxariistee, Abwaan cali sugule dun-carbeed, wuxuu ahaa Abwaan, hal-abuur iyo suugaan yahan, afka iyo aqoonta maansadda ku talax tagay oo Ku feel-dheeraa.

Dhinaca kale, abwaanku wuxuu ahaa, halgamaa aan weligii ka hadhsan kana nasanin, u dagaalanka, cadaaladda, sinaanta, maamul wanaagga iyo la dagaalanka dulmigga iyo maamul xumidda afrika la hadhay.

Marxuumku waayihiisa suugaaneed oo ahaa kuwo uu hidaysanayay oo qoyska uu ka dhashay caan ku ahayeen, wuxuu kasoo bilaabay, dugsigiisii hoose iyo caruurnimadiisii.Ereyaddii suugaaneed ee ugu horeeyay ee cali sugule lagga maqlay, waxay ahaayeen, iskuulkii sheekh lagaga eryay shoobaro ay saaxiibaddii usoo jeediyeen, lkn ay kagga baxeen.

Cali sugule, iskuulkii markii lagga eryay, ayuu saaxiibaddii ku yidhi, sanduuqa magaaladda ila gaadhsiiya laakiin way ku diideen iyagoo ka cabsaday in kaggu qabsado, ka dibna wuxuu yidhi

Soomaaliddu waa suntii hargahoo,

Ninkii saddo haysta way ka saari jirtee,

Saaxiibadayoow intoo I sababteen,

Sanduuqiina ma ila qaaddi waydeen.

Cali sugule markaa ka dib, wuxuu kaalin wayn ka qaatay, halgankii gobonimo doonka, waxaanu ahaa abwaanaddii horkacayay, kicintii shacabka.

Heesihii xornimo doonka waxaa ka midda heesta uu ku luuqeeyo, maxamed Axmed kuluc, ee ay ka mid ahaayeen,

Guunyadda loddu way u garaad darantoo,

Gaajiyo ma ogola haraad gelina,

Hadaan la gunaynin looma galo,

Gaydhiyo usha way ka gubataa.

Siddoo kale wuxuu ka ka hor yimi, dawladihii soomaaliya, ee lasoo dooran jiray, oo uu ku dhaliili jiray, qabyaalad iyo musuq maasuq.

Dhinaca kale, wuxuu dagaal wayn kala horyimi, taliskii kacaanka oo uu si wayn uga soo hor jeestay, waxaanu in badan ku mutaystay xadhig iyo cadaadis.

 Geesta kale, wuxuu kaalin wayn ka qaatay, koncinta afka, suugaanta iyo ilbaxnimadaa masraxa soomaaliyeed.

Cali sugule wuxuu ahaa faylasuuf aqoon wayn u leh afka iyo suugaanta carbeed, iyo dhaqanka iyo sooyaalka soomaaliyeed, suugaantiisuna waxay dhabaha u jeeday, shaac bixii fanka casrigga ah ee soomaaliyeed, kaasoo kobcontiisa iyo kaalin gelkiisaba uu kaalin wayn ku lahaa.

Alle ha u naxariistee, cali sugule wuxuu ahaa, iftiin wayn oo ifkiisa si wayn loogu reeyay, geeridiisuna waxay ka dhigan tahay, dayax madoobaad.

Inaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories