HomeCali Maxamed Warancadde oo ka hadlay Isbahaysiga Mucaaradka iyo Loollanka Shir-guddoonka Golaha...

Cali Maxamed Warancadde oo ka hadlay Isbahaysiga Mucaaradka iyo Loollanka Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan isbahaysi ay Xisbiyada Mucaraadku sameeysteen, loolanka loogu jiro guddoonka Baarlamaanka iyo aragtidiisa ku waajahan Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay.

Laba xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo ku guulaystay aqlabiyadda kuraasta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, ayaa dhowaan ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeeed oo ay ku doonayaan sidii gacanta ugu dhigi lahaayeen Shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Goleyaasha Deegaanka dalka.

blankLa Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sheegay inaanay arrin siyaasadda dalka ku cusub ahayn isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradku oo ay hore u dhacday xilligii dowladdii Madaxweyne Daahir Rayaale, sidaas awgeedna aanay wax dhibaato ah ku lahayn dalka iyo dowladdaba.

“Anigu Xisbiyada iyo Dawladda wax badan baan ku soo jiray, wax imika inoogu horeeysa maaha, hore ayey u dhacday in Xisbiyo Mucaarad ah is bahaystaan, wax farqiya iyo mucjiso ay keentay midna ma jirin, Xisbiyaduna way jireen Dawladduna way shaqeeynaysey, imikana kuwa hore u jiray wax ay kaga duwan yihiin ma jirto, anigu waxaan qabaa wax alaale wax dhibaato ah oo ay leedahay iyo wax mushkilad ah oo laga baqaa midna in aanay jirin,” sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.

Mar uu ka hadlayey loolanka loogu jiro guddoonka Baarlamaanka waxa uu yidhi, “Waa la tartamaa ee wuxuu tartankaasi soo saaro ayaa lagu kala baxayaa, ee waxaynu sugi doonaa marka wax la kala gurayo, siday wax u soo baxaan ayeynu sugi doona haddii ILLAAHAY yidhaahdo”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka waxa uu yidhi, “Waxyaabaha aan runtii aad u bogaadinayo waxaa ka mid ah waxaa la damcay in lagu riixo qabyaalad, dad aan ogolayn horumarkeena iyo wanaaggeena ee dhegta wax u saara bulshada qaarkood, laakiin Doorahada waxaa ka soo baxay inay ummadda reer Somaliland nacday qabyaaladdii, oo ninka u codka badani uu noqday dadkii aan hore u iman jirin meesha, taasi markaas waxay keentay in Shacabka iyo umadduba ka guurtay qabyaaladda”.

“Waxaan qabaa Somaliland in aanay cidina u baqayn oo aynu ka baxayno qabyaaladdii, ceebihii iyo gobolalaysigii oo aynu u baxayno maxaa u dan ah qaranka, markaas anigu wax werwer ah oo aan ka qabaa ma jirto,” sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Wara-cadde.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories