HomeCali Khaliif Oo Sheegay Ka Inuu Hargeysa U Iman Doono Wada-hadalka Maamulkiisu...

Cali Khaliif Oo Sheegay Ka Inuu Hargeysa U Iman Doono Wada-hadalka Maamulkiisu La Yeelan Doono Xukuumadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post)  Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa faahfaahin ka bixiyey hasmai-u-socodka wada-hadallada aan weli bilaabmin ee la filayo inay u furmaan xukuumadda Somaliland iyo maamulkiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wada-hadalladaasi dhawaan bilaabmi doonaan.

cali-khaliif

 

Cali Khaliif oo ku sugan magaalada Buuhoodle arrintan ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inay wada-hadalladaasi furmi doonaan bishan aynu ku jirno ee November gudaheeda, waxana uu meesha ka saaray in waxqabado ahi soo waajaheen, marka laga reebo arrimo farsamo oo uu tilmaamay inay xagga Somaliland ka yimaadeen, “Wada-hadalkii Somaliland waxbaa ka dhin-dhiman, wuuna daahay, laakiin waa la qabanayaa, bishani inta aanay dhammaaninna waxan ku rajo weynahay inay wada-hadallada ugu horreeyaa ay qabsoomaan, wax xaggeena dib uga dhacayna kama iman, laakiin xagga qolada aynu wada-hadlayno arrimo farsamo ayaa yimi.”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Mudane Khaliif oo hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku ballaadhiyey cidda maamulkiisa wada-hadalladaas uga qaybgeli doonta, waxana uu dhaliil u jeediyey xubno deegaanada bariga kasoo jeeda oo hore xukuumadda Somaliland Hargeysa ugu qaabili jirtey, waxana uu yidhi,“wada-hadallada Dadka lagu darayaana dad xukuumadda iyo Baarlamaanka kamid ah ama nin doorka iyo dadka dibadda jooga ayaa inooga qayb gelaya, wuxuna ma aha dadkii intay sii hagoogtaan Burco iyo Hargeysa isa sii taagi jirey ee odhan jirey isin hebel baan ahay iyo siyaasi baan ahay iyo reer hebel baanu nahay ee Baabuur la siin jirey ee xoolo cadquudheed ah loo tuuri jirey.”

Waxa uu sheegay Cali Khaliif inay caasimadda Hargeysa iman doonaan, iyada oo ujeeddadoodu tahay inay wada-hadalladaas ka midho dhaliyaan,“Waar xataa haddii Hargeysa la tago meel lagu daahayo oo la joogayo ma aha, haddii ay Hargeysa dani na baddo oo aanu tagnana waxanu u tegaynaa hawshaas socota ee wada-hadallada ah oo wakhti qaadan doonta.”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore shaaca uga qaaday inay wada-hadallo la furayso madaxda maamulka Khaatumo, taas oo hordhaceeda loo ballansanaa 25-ka bishan oo berry ku beegan, balse xukuumaddu weli bulshada uma sheegin meesha ay wada-hadalladaas iyo ballantaasi ku dambeeyeen.

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories