HomeCali Khaliif Oo Sheegay Inay Wadahadal Nabadeed La Galayaan Somaliland

Cali Khaliif Oo Sheegay Inay Wadahadal Nabadeed La Galayaan Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Sool(SLpost)-Hoggaamiyaha kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inuu magacaabayo guddi ka kooban qaybaha maamulkiisa oo Somaliland wada xaajood la gasha.

Hadalkaasi ayuu ka sheegay Shir kooxdiisa uga socday degmada Balicad oo uu dhawaan fadhiisin ka dhigtay. Shirkaasi oo uu soo xidhay, socdayna muddo laba todobaad ah waxaa ka qayb galay saddexda gole ee maamulka magac u yaalka ah ee Cali Khaliif ka kooban yahay(Golaha Isimada, golaha Xukumadda iyo baarlamaan).

 

Cali-Khaliif

Waa Markii u horaysay ee Cali Khaliif madal haldoorka dadka ku taabacsan siyaasadda Khaatumo buuxaan ka sheego wada hadalka uu Somaliland la galayo oo uu sheegay in loo magacaabi doono dadka ugu magaca dheer kooxdiisa“Fadlan hadalkaa dhegaystay, Somaliland wada hadal noo bilaamay oo meel noo marayaa ma jiro. Cidii idiinla timaada ee qof qof idiinla timaada ama qabiil qabiil idiin kula timaada waa beentood. Waan ku celinayaa ee wax wada hadal ah oo noo bilaaban, oo xataa bilaw ba ah oo khaatumo haddaanu nahay aanu Somaliland la galay ma jiraan,” ayuu yidhi Cali Khaliif.

Cali Khaliif Galaydh, ayaa shirka u sheegay inuu Somaliland la hadlayo “ Khaatumo waxay diyaar u tahay inay la hadasho meeshii xaajo ka gashaba, Somaliland baanu la hadlaynaa oo lama dhuumanayno, saddexda gole ayaa isla ogaanaya, guddi ayaanu u saaraynaa, dadka ugu fiican ee ugu khaatumaysan, ee ugu magaca dheer reer Khaatumo ayaanu u magacaabaynaa.

Kuwaaba hadda waxay leeyihiin, 9 ayay guddidaasi noqonaysaa oo 7 waa la magacaabay, waa beentood, wax la magacaabay ma jirto ee waa beentood, Illaahay baana ka jasaa’I marinaya beenta, munaafaqnimada iyo xaasidnimada ay wadaan, wali lama magacaabin, lalama dhuumanayo ee waa la magacaabi. Saddexda golena way isla ogolaan, waxaan taas ahayn oo dhaqan noo noqonayaana ma jiro,” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif, waxa uu ka digay in cid aan metelin isaga iyo kooxdiisu aanay Somaliland wada hadal la bilaabi Karin “ Waar hooy warkaasi waa ina waxba kama jiraan, Somaliland u malayn maayo inay iyaguna sheegayaan, wax qarsoomayana maaha, haddii aanay guddida aanu sheegaynaa wax la bilaabin, waar hooy nin kaligii wax wada iyo cid wax qarsanaysaa ma jirto,” ayuu yidhi Cali Khaliif.

Dhinaca Somaliland ayaan wali wax hadal ah oo arrintan ku saabsani ka soo bixin. Marar hore ayay xukumaddu sheegtay inaanay wada hadal la furayn Cali Khaliif, iyagoo ku deedafaynaya inaanay jirin cid ama bulsho uu metelo oo lagula hadlo.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories