HomeCali Khaliif Oo Mar Kale Ka Hadlay Mawqifkiisa Wada-hadalada Somaliland Iyo Khaatumo

Cali Khaliif Oo Mar Kale Ka Hadlay Mawqifkiisa Wada-hadalada Somaliland Iyo Khaatumo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost) Hoggaamiyaha Khaatumo Dr. Khali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Khatumo, waxaanu cadeeyay in markii uu dhinac walba eegay ay la noqotay inuu wada hadal la furo Somaliland.

 

cali-qaalif2

 

 

Cali Khaliif Galaydh oo khudbad ka jeediyay madal lagu caleemo saaray Garaad Maxamed Garaad Abshir oo bedelay ALLE haw naxariiste Aabihii Marxuum Garaad Abshir, ayaa farriimo u diray dad ka soo horjeeda wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “Waxaanu u baahanahay dhibaatooyinka ina haya, walee toocsi looma baahna, walina aniga taladda leh looma baahna, aniga Madaxweyne Khatumo u ah, kama maarano Golaha sare ee Dhaqanka. Barlamaanku hawsha uu leeyahayna waanu uga danbaynaynaa, Khatumo waxaan hadda bilawnay wada hadalo hadda dhan walba waanu ka rognay, oo sidaas si dhaanta ayaanu garayn weynay, ciddii hadda haysa sidaas si dhaanta,hadda wali dhaankii wali ma dhaqaaqin cidii talo haysay, walow makhayadeena aad mooda in aan Internet-ba loo baahnayn oo war suganba loo baahnayn, oo talaba aan la is weydiinayn,dib aynu iskugu noqono oo aynu tashano,waar idinkama lihin, Isimada kama lihin, Culimo-awdiinka kama lihin, Shacabka kama lihin,hadhaw baa wixii la doono la sheegaa, waar caawa waxaan halkan ka leeyahay marxalad adag ayeynu maraynaa, ee deganaasho iyo wada tashi bay inoogu badinaysaa, ee dadka aynu dariska nahay ee colaada xuni ina dhex taalo inaynu wada hadalo si ay ku dhaanto ayaanu garan weynay, waxaynu u baahan nahay, waar hooy koox kooxda iyo fardi fardi dhaq-dhaqaaqaya oo raba inuu danaysto guul kuma gaadhi karno, waxaynu xaq u leenahay ma goosan karno haddii aynaan isku dhamayn,haddii aynaan inagu is wada raacin wixii aynu isku hayno weynu iskaga iman karnaa, waar weynu isku baahanahay, Somalidu waxay tidhaahda nin hulaab xumi wax inuu qarsanayo ayaad moodaa, qolyaha hulaabta xun ee hadda inagu dhex jira waar adeerayaal tartiib u hulaabtow,aynu isku nimaadno, haddii qudhaa Buhoodle iskugu imanayno.”

 

 

Cali Khaliif Galaydh oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Inta aan heshiis lala galin cidna in la iskaga yimaado diyaar baanu u nahay, dagaalku waa khiyaamo, nimankaasi dagaal wey eegeen oo wey ina muquunin kari waayeen,hadda dhulkoo dhan maaha, qolyahaasi waxay leeyihiin oo Madaxweynuhu khudbadiisi ku akhriyey oo ninka Maxamuud Xaashi la yidhaahdo ee Madaxtooyada Wasiirka ka ah isagoo reer reer ula shiraya dadkeena uu yidhi reer reernimadii iyo wada hadaladii aanu la lahayn albaabka ayaanu u xidhnay, reer reer wax la yidhaahdo nama anfacdo,kharash badan baa nagaga baxa reerkii aanu is nidhaano wey soo xaroodeen oo waxay noqdeen dad iimaansaday Somaliland, gaalada ayaa tidhaahda Shabeelku mu rabaysmo, Libaax, Dhurwaa iyo Dacawo iyana tijaabiye,  laakiin Shabeelku ma noqdo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif

 

Waxaanu intaas ku daray “Dadkani Somaliland midiidi uma noqonayaan, iyana wey og yihiin waxay go’aansadeen inay yidhaahdeen turubkaas aynu iska baandhayno, noogu badin weyday inaynu reer reer u aragno, anagana warkay iska daa, Saleebaan Axmed Ciise halkeed ku og tihiin, walee caawa Ceerigaabo ayuu jooga, waxa laga yaaba in dadka qaar yidhaahdan muxuu  misaal uga dhiganayaa,waxaan uga dhiganayaa wuxuu Saleebaan yeeli kari waayey, oo u suurtabi weyday nin kale oo yeeli karaana ma jirto,meesha looma dhuumalaysan karo warkaasi soo dhammaa aynu u dhabar adaygno,isku nidaamno, oo waxaynu ka badin weyno oo aynu la hor tagayno oo aynu rabno inaynu wax ku goosano hadda Siyaasada ogaada, wax aad xaq u leedahay ayaa laga fara moroojiya, meel xaqii mar hore la qaaday sida aad u soo dhacsataa sahal noqon mayso, ha loo dhabar adaygo, kii aniga I rabin yeelkiisa markan se ma aniga ayaa ruuga, waayo tani Khatumo ayey idin baday, Isimadan ayey idin baday.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

 

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories