HomeCali Khaliif oo Isbahaysi la Samaystay Koox Kale oo Nabad-diid ah, Xilal...

Cali Khaliif oo Isbahaysi la Samaystay Koox Kale oo Nabad-diid ah, Xilal Bilaa Xarrumo ahna Magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

 

Hargaysa(SLpost)-Prof. Cali khaliif Galaydh oo ah Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo, ayaa magacaabay Guddiga Wada-xaajoodka Maamulkiisa u qaabbilsan oo shan xubnood ka kooban, isla markaana waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warar sheegaya in Guddigaasi bilaabayso wadahadallo Somaliland ay ku soo galayaan Hoggaanka Khaatumo.

Cali Khaliif Galaydh waxa uu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlay Kulan ay shalay isugu yimaaddeen isaga iyo Kooxda uu hoggaamiyo oo ka dhacday deegaanka Balli-cad oo ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn, halkaas oo uu kaga dhawaaqay magacyada dhawr iyo labaatan Xubnood oo Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeenno iyo Guddiyo kala duwan uu ugu macaabay, qaarna isku beddelay Kooxda uu hoggaamiyo.

Cali Khaliif Galaydh, ayaa bishii September ee sannadkan aynu ku jirno shaaciyey in Kooxda uu hoggaamiyo ee Khaatumo wadahadal la bilaabayso Xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in Somaliland wax badani ay ka dhexeeyaan, dhinacyo badan markii ay wax ka eegeenna ay ka wadi waday oo ay lagama maarmaan noqotay in Kooxdu wadahadal la furto Somaliland.

Prof: Galaydh oo ka hadlaya Guddiga Wada-xaajoodka ee uu magacaabay iyo warka laga faafiyey

“Guddiyo ayaa jira sida Dastuurku inna farayo, Guddiga ugu horreysaa waa Guddiga wada-xaajoodka, cidda qabta inay tahay wax Somaliland lagu galayo, warkaasi waa ina wax-kama-jiraan, waa been aan sal iyo raad toona lahayn. Guddigaasi waxay ka kooban yihiin; 1. Cisman Xasan Xaaji Cumar, 2. Cali Ciise Cabdi, 3. Nuur Maxamed Gaas, 4. Maxamed Cabdiraxaan Xaaji Ibraahin, 5. Cabdirashiid Macallin Faarax, bal cidda odhanaysaa annagaa intaaba ka fiican, annagaa danaha Khaatumo u dhiifoon, haad-burhaanag bannaanka ha isa soo dhigo.”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, waxa uu sheegay inay muhiim tahay inay wax isku darsadaan ama bahoobaan waxa uu ugu yeedhay Maakhir State oo meel ay ka jiraan la arag, balse ah koox dibed-wareeg ah oo sheegata inay Maamul ka dhisayaan deegaannada Bariga gobolka Sanaag ee Somaliland.

“Innaga iyo ciddan aynu walaalaha nahay ee aynu deriska nahay ee reer Maakhir bal maynu Geelasha isku darsanno? Hawshaasi muddo ayey soo socotay, inta badan wadahadallo waddanka dibeddiisa, magaalada Xamar, magaalada Nairobi muddo ayay hawshaasi socotay. Dadka qaar baa waxay leeyihiin, innagu (Khaatumo) waxaannu moodaynay inaynu dhisannahayoo, dawlad nahaye, waa maxay Jabhadnimadan dib loogu noqday, waar Jabhadnimo maaha ee waa dad wax innaga dhexeeyaan.” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories