HomeCali Khaliif Galaydh Oo Ka Hadlay Socdaalka Uu Hargeysa Ku Joogo

Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Hadlay Socdaalka Uu Hargeysa Ku Joogo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Hoggaamiyaha  Khaatumo Prof:  Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay sababta uu wakhtigan u yimi Hargeysa, halka ay marayaan wada hadaladii Somaliland iyo kooxda khaatumo, waxaanu ka faalooday horumarka ay Somaliland ku talaabsatay intii ay dhisantay oo aanu arkin. waxaanu arrimahan kaga hadlay waraysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee VOA-d.

140517153421_galeydh

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Magaaladan waxaan u imid inaan diyaarad ka raaco oo taransit aan ku noqdo sababo aanan hadda ka hadlayn ayaana igu kaliftay, diyaarad aan is lahaa ka qaado Buuhoodle ayaa suurtoobi wayday, magaaladana madaar weyn oo aad u fiican ayaa ku yaala  inaan ka faa’idaysto ayaan meesha u imi, magaaladana wakhti hore ayaa iigu danbaysay oo aad ayay u dhisantay oo aad ayay qurux badantahay, inkasta oo aanan helin wakhti badan oo aan soo warwareegaba laakiin inta aan arkay ayaa I qancisay oo hawlbadan in meeshan laga qabtay, magaalooyinka kale qudhigooda wadada ayuunbaan soo maray laakiin dhismaha iyo wadadaas Ina-afmadoobe aniga oo soo socda ayaa la yidhi waataas wadadii Ceerigoobo oo Ceerigaabo ayaa afar saacadood lagaga imanayaa, madaxweynaha waanu is aragnay, niman maamulka iyo baarlamaanka ahna waanu is aragnay laakiin nin wada hadalo iyo arimo in halkan lagu qabto u yimid ma’ihi.” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh

 

Hogaamiyaha kooxda Khaatumo oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxa ay Soomaalidu tidhaahdaa hal I sii iyo hoo hadal badan ayaa u dhexeeya, anaga iyo Somaliland waxa noo bilowday wada hadal mudo hada laba sano ku dhow oo qolo waliba iyada oo danteeda difaacan karta aanu nabad iyo dadku inay saldhigtaan maruun yool laga dhigto,dhibaato badan iyo burbur iyo colaad iyo dhiig badan oo daatayna waa uu jiraa oo waanu qorsanahay, hadana Soomaalidu waxay tidhaahdaa dani waa seeto waxii ay u muuqato inaan ka wadahadli karno oo aanu isla ogalaan karno in la oliyaa way fiican tahay. halkan waynu aragnaa oo Khaatumo iyo Somaliland uun maaha ee Somaliya iyo geeska Afrika oo dhan ayay fursado badani muuqdaan, dhibaatooyin badana ay ka taagan yihiin, raqba waa ku rageed, waxii maanta nool ayaa ay tahay in ay isaga yimaadaan oo ay ka wada hadlaan khiyaal iyo waxaan jirin in lagu wada hadlana laga fiican, waxii dan la moodo hadaanu Khaatumo nahay diyaar ayaanu u nahay inay wakhti qaadanayaan waa in lagu talo galaa, arimo culculus ayaa meesha yaala dadkani waa ay kala maqnaayeen colaad ayayna ku kala maqnaayeen haddana waxbay isku yihiin.”

Ugu danbayntii Cali Khaliif oo la waydiiyay goorta wada hadaladu furmayaan waxa uu yidhi”kulan aanu hada heshiis ku nahay oo taariikhaysan ma jirto, anigu shir hadda Nayroobi lagu qabnaayo ayaan u socdaa hadaan Nayroobi ka soo noqdana magaaladan waan soo mari doonaa si kadis ahna waan ku imi oo aanan cidna u sheegin, sidaas ayaan door mooday laakiin madaxweyniina is aragnay, wasiiro is aragnay, guddoomiye Muuse Biixi is aragnay, waxaan jeclahay markaan soo noqdana inaan isa sii aragno, laakiin goorta la shiraayo iyo halka lagu shiraayo waa arimaha ay tahay in aanu iska aragno.”

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories