HomeCali-gurey Oo Xilka Xukuumadda Ee Shantii Sanno Ku Tilmaamay Mid Lagu Hungoobay

Cali-gurey Oo Xilka Xukuumadda Ee Shantii Sanno Ku Tilmaamay Mid Lagu Hungoobay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aadee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Muj. Cali Yuusuf (Cali-gurey) ayaa si qoto dheer uga hadlay hanaanka hogaamineed ee Xukuumadda Xisbiga Kulmiye dalka kusoo hagayay Shantii sanno ee ugu dambaysay ee ay hayeen caynaanka Umadda.Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in Xisbiga KULMIYE si weyn loogu hungoobay,isla markaana aanu gayin in markale xil lagu aamino.

Dhinaca kalena,waxa uu ka hadlay Waraaqda sirta ah sida weyn looga hadalhayo guud ahaanba dalka,isaga oo sheegay in aanay Shakhsiyadiisa ula muuqan wax sidaas usii weyn,waxaana uu intaas raaciyay in Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE u muuqdo nin aan Xilkiisa garanyn.

Cali Guray oo qoraal ku baahiyay barta xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga ayaa waxa u u dhignaa sida tan: “KULMIYE mar baynu geela ku darnay oo wuxu noqday awr dhal xun. Mar kale hadii dhal xumadiisa geela ku darno waxaynu ka filaa waa ka sii xun. Kud iyo cadhaba dishay wax dib geel loogu darsado maaha dhal xumadiisa. Tan kale Somaliland ma jaadle ayay ka liidataa marka jaadkii hore oo yaala mid cusubi ka soo dul dhaco Iyaguba wixii hore quba ayay yidhaahdaane.

Bal warqadan yar inta ka hadashay eega iyo siday uga kala hadleen eega. Waxad is odhanaysaa miyaanay xukuumad keliya ahayn mise iyaga dhexdooda ayay deeradu kala dhex miranaysaa oo waxay ka dhigteen hub ay isu adeegsadaan.

 

Anigu runtii warqadan yar wax muhiim ah umaan arag. Waan rumaysanahay in qoraalka Sucuudigu isu qoray sax yahay uu jiro Laakiin heshiiska uu qoraalku ka waramay ma jiraa oo cadayn ma loo hayaa? Iska dhaafa dagaalka xidigaha ee wasiirada saaxiibka ahaan jiray ee bal ma dhegaysateen Gudoomiyaha Kulmiye iyo Af hayeenka Madaxwaynaha ee iyagu gartiiba qaaday ee midba dhinac u riday. Sua’aashu waxay tahay labada masuul ma mucaaridka arinka wadwaday bay taaga u jawaabayeen mise laba col oo gudahooda ah ayay u kala hadlayeen. Tan kale

Muse Biixi waxad moodaa in aanu xilkiisaba garanayn waayo iyada oon weli jawaab rasmi ah oo warqadan ku saabsan xukuumadaba ka soo bixin ayuu isaga oon ka tirsanayn xukuumadii jawaabta looga fadhiyay is midi roortaynayaa kana jawaabayaa wax aan isaga looga fadhiyin inu ka jawaabo. Kolay malaha jawaabta rasmiga ah ee xukuumadda waxa uun loo qaadan karaa hadalka Wasiirka Arimaha Dibadda, ama ha lagu qanco ama yaan kagu qancine; inkasta oo anigu ilaa hadda aanan maqal”.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories