HomeCali-Gurey Oo Sheegay Inuu Taageersanyahay In Cirro Kursiga Ku Fadhiyo, Balse Jeclaan...

Cali-Gurey Oo Sheegay Inuu Taageersanyahay In Cirro Kursiga Ku Fadhiyo, Balse Jeclaan Lahaa In Saleban Cali Kore Golaha Qabsado Oo Aan Baashe Cirro Lagu Bedelin

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka hadlay muranka iyo khilaafka soo kala dhex galay Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada, waxaanu tilmaamay in aanay labaduba is dhaamin, oo danta Qaranka aanay isku haynin, waxaanu si gaar ah u sheegay inuu sii jeclaysan lahaa in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdriaxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu  kursiga ku sii fadhiyo, halka uu ka iman lahaa Guddoomiye ku xigeenkiisu, waxaanu tilmaamay in haddii uu isagu iman lahaa in Xukuumaddu wax alaale wixii ay doonto ka fushanayso.   

 

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray),oo Wargeyska Geeska Afrika u wareysi gaar ah siyey ayaa sidoo kale ka hadlay Haamaha Shidaalka, “Way dhacdaa in Shirkad gaar ah  lagu wareejiyo  maamulka Hantida Qaranka,  marka ay tahay wax loogu danaynayo dalka iyo dadka, laakiin Maanta sida ay wax u dhaceen way ka duwan tahay, aniga oo diidanayn in Shirkad gaar ah lagu wareejin karo Haamaha, haddii danta Qaranka loo arko, ayaa haddana waxa diidanahay qaabka loo wareejiyey, cidda lagu wareejiyey, danta laga leeyahay,intaasba waan diidanahay, Todoba Shirkadood meel ma wada maamuli karaan,Todoba Shirkadood ayaa wada maamulayana wax caqliga gala maaha, heshiis muuqda oo cid lala galayna ma jiro, Shirkado aan jirin oo dad gaar ahi leeyihiin oo inta badana Shirkad kaliya oo gaar ah ayey u wada shaqayaan, waxaana diidanahay anigu musuqmaasuqa ilaa xadkaas ah, Shirkada HASS, waa Shirkad weyn oo aan qabo inay Haamaha maamuli karto, lala  galana heshiis cad oo muuqda sidii heshiiskii Total lala galay, anigu maan diideen, imika sida loo maamulo si wanaagsan maaha, waxaana qabaa in haddii HASS lagu wareejin lahaa in sidan si ka  wanaagsan u maamuli lahayd, dhaqaalihiina way haysataa, laakiin marka Inamo la isku geeyo, oo xigto, qaraabo qansax iyo eex noqoto oo muwaadiniintii u sinayd qaar ay noqdaan darajada kowaad, oo hantidii umadda sida la doono loo siiyo, inta badan ee kalena la yidhaahdo  ma gaydaan idinku eex bay taasi noqonaysaa, Haamaha waa la wada leeyahay, waana loo wada siman yahay”.

Cali Guray ayaa mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Xukuumaddana waan aqaana, Wakiiladana waan aqaana, waxaana walibana sii xun Wakiilada, haddii ay Xukuumaddu ciduun dhaantana cida keliya ee ay dhaanta waa Wakiilada, Mucaaradkooda iyo Muxaafidkoodu waa iskugu kay mid, qodob kaliya ayaan ilaaliya, waxaana ilaaliya in Cabdiraxmaan Cirro kursiga ku sii fadhiyo, inta ugu badan ee uu ku sii fadhiyi karana uu ku sii fadhiyo, waayo Guddoomiye ku xigeenku haddii uu ku soo fadhiisto,  sida ay doonato ayey Xukuumaddu yeelaysa, oo tooda ayaa u soconaysa, haddii ay ogol yihiin kuwan Xukuumaddu in Nin kale oo Xildhibaan ah oo wax dhawranaya sida Saleebaan Koore oo kale, waa nin dhex noqon kara , waxna dhawrsanaya, markaas Cabdiraxmaan Cirro waxa aanu ku odhan lahayn meesha ka bax.

Sida ay imika Wakiiladu yihiin waa laba casaabadood oo is dilaya, oo waxa ay ka dhigayaan inay khalad tahay in Hanti Qaran Shirkado gaar ahi maamuli karaan, waxayna taageersan yihiin kan imika jooga inuu maamulo, waxayna leeyihiina lama soo celin karo warqada, waa runtooda, oo xeerka kuma taalo in Madaxweynuhu  soo celin karo, in aanu soo celin karinana kuma taalo, wax dan qaran oo la isku hayana maaha, waxa ay isku haystaan waa xin”

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories