HomeCali Gurey Muxuu ka Yidhi Khilaafka Hoggaanka UCID?

Cali Gurey Muxuu ka Yidhi Khilaafka Hoggaanka UCID?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) Guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid mudane Cali Guray, ayaa iftiimiyay halka uu salka ku hayo muranka hogaanka xisbiga Ucid ka dhex dilaacay, waxaanu sheegay in maadaama madaxweyne Siilaanyo tanaasulay ay tahay in hogaanka musharax ee Ucid-na wax laga bedelo, lana keeno qorsheyaal kale oo laga wada tashado.

Musharax Jamaal Cali Xuseen, ayaa daboolka ka qaaday khilaaf u dhexeeya isaga iyo Faysal Cali Waraabe, kadib markii uu saxaafadda ka sheegay in xisbigu Faysal ka tashan doono ama maxakamad la gayn doono khilaafkooda.

Qoraal Cali Guray arrintan ku lafo guray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost ayaa u dhignaa sidan:-

 Berigii Seben jaahiligii mar ay jirtay colaad dhex tiil laba reer oo walaalo ah oo berigaa kala ahaa Reer Berbera iyo Reer Buloxaar ayaa niman ay xigto ahaayeen arkeen nimanka wada dhashay ee warmaha isu afaysanaya iyo iyaga oo ay colaad ba’ani ka dhexaysay reero kale oo shisheeye ahaa.

Dabeed nin ka mid ahaa ayaa gabyay isaga oo la hadlaya ninkii tumaalka ahaa ee warmaha afaynayay xigtadiisan is colaystayna u sheegaya in waxa dhex yaal aanu jirin balse faaq iyo kibir uuni isu geeyay.

Wuxu yidhi:

ABAAN KAALKA WAYN II AFEE KAARIYUU DILAYE

OO KIRIXNA SOOFAHA U MARI AWR KABAAL QABAYE

KUWAA KIMISTA DOONYAHA KU GURI KOODU HA U YIIL EH

IYAGAYSU KOOL LABE EH ANAGA NAGA KAXEE MEESHA

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen kol hadii ay warbaahinta ka wada hadleen waxan leeyahay aniga ragga aanu siyaasadda isku haynaa UCID maaha kana dhex doon dooni maayo. Anigu ma noqon karo mana noqonayo UCID UCID ISKA CELINAYA ee waxan ogolaanayaa in UCID oo dhami iga wada adkaadaan. Waayo labadayda gacmood uma qaybsami karaan in aan iskaga wada celiyo UCID iyo inta kale ee siyaasadda aanu isku hayno shakhsi ahaan iyo xisbi ahaanba.

Kolay anigu waan filayay muddo sanad ka badana way ii muuqatay in UCID u baahan yahay inu talo ka yeesho hadii PLAN A-gu shaqayn waayo waxa uu xisbi ahaan yeelayo aniga mar walba qabay in loo baahan yahay in laga sii fakaro PLAN B iyo PLAN C. Sida aan u arkayayna PLAN A waxa uu shaqayn karayay marka KULMIYE uu musharaxu madaxwaynaha yahay oo keliya. Hadii Madaxwayuhu aan musharax ahayn sideey wax noqon karaan sidee ayayse samayn ugu yeelan kartaa UCID iyada oo cidda kale ee markaa aan madaxa ku hayay ay ahayd gaar ahaan MAXAMED BIIXI YOONIS AMA MUUSE BIIXI CABDI.

Gaar ahaan Jamaal waxan arkayay ama iiga muuqatay in isaga aanay u kala soocnayn mawqif kiisuna yahay “khaliwali kuu doonaba ha noqdo aniga waa isugu kay mid sina waan ula wada tartamayaa” taas oo loo fahmi karay looma baahna “plan B”

Maanta ayay taagan tahay tii aan sanad ka hor ka sii baqayay in badan kaga hadlay UCID dhexdiisa oo Madaxwayne Silanyo musharax maaha “plan A” wuu ka baxay meesha plan Bna ma jiro. Waana run aan la dafiri karin in ay taasi saamayn teeda ku yeelan karto xaaladda UCID. Sida ay ugu yeelan karto hadda halkan kaga warami maayo lakiin waxan sheegayaa uun in marka uu madaxwaynuhu Musharax yahay iyo marka aanu ahayn ay Istraatajiyadda UCID ee doorashaduna noqonayso laba kala duwan.

Sidaa daraadeed in dhamaadka khilaafka Kulmiye uu noqonayo bilawga khilaafka UCID anigu mar walba waxay ahayd wax aan filayay.

Sidaa daraadeed dagaalka afka ee Faysal iyo Jamaal waa hor dhac wax kelena maaha ee halka uu daaran yahay waa halkaa xalkuna mar walba aniga xagayga wuu jiraa hadii si run ah loo wada tashado wakhtiga ku haboon Soomaaliduna waxay tidhaa” TALO WAA MAR AAD GARAN WAYDO IYO MAR AAD GAADHI WAYDO

Walaahu Calaa Maa

Aquulu Wakiil

Wa bilaahi Tawfiiq

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories