HomeCali Guray oo Naqdiyey Jawaabtii Madaxweynaha ee Musharaxnimadiisa Iyo Saamaynteeda Xisbiga

Cali Guray oo Naqdiyey Jawaabtii Madaxweynaha ee Musharaxnimadiisa Iyo Saamaynteeda Xisbiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha saddexaad ee Ucid, Cali Guray ayaa falanqayn ku sameeyay sababta madaxweyne Siilaanyo uga muquurtay inuu caddeeyo inuu yahay musharaxa Kulmiye ee madaxtinimo iyo inuu tanaasulay. Waxa uu Cali Guray ku dooday inay sababtu noqoto in madaxweynuhu dhawrayo khilaafka cakiran ee qaybaha Kulmiye iyo xukuumadda ka dhex jira ee ku salaysan loolanka musharaxnimada hogaanka Kulmiye.

 

 

Madaxweynaha Somaliland shalay su’aal lagu waydiiyay madaarka Hargeysa oo nuxurkeedu ahaa inuu musharax yahay iyo in kale, inkasta oo wasiiro dhawr ahi hadalka la boobeen una laqimeen inuu kagaga jawaabo wakhtigeeda ha la gaadho madaxweynuhu wuxuu ku jawaabay “taa(Musharaxnimada) wakhtigeeda ha la gaadho”.

 

 

 

Cali Guray oo arrintan ku lafo guray boggiisa Facebook wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Hadalka Madaxwaynuhu sidii muruqii laba suul ninba si ku ahaa. Muu cadayn inu isagu murashax yahay iyo in aanu ahayn. Wuxuu kaga muquurtay goorteed iyo ha la gaadho. Wuxuuse sheegay in si cadaalad ah xisbiga dhexdiisa loogu tartami doono. Yaa tartamaya? intii aan la tartanteen isaga hadii uu isa soo sharaxayo, marka si dadban wuxu u sheegay in isagu aanu musharax ahayn.”

 

 

 

Cali Guray oo ka sii hadlaya sababta madaxweynuhu dib ugu dhigay kala caddaynta inuu tanaasulay iyo inuu taagan yahay waxa uu yidhi “Sababta uu uga warwareegayo in wakhti hore cadeeyo ayaa noqon karta sababo mid ka badan iyo xaaladda cakiran ee xisbiga dhufayska isugu wada jira ee kalsoonidii hogaankiisa iyo kaadariintiisa dhexdoodu dhimatay oo hadii ay xalka keliya noqoto oo ay ku kelifto uu isaga laftiisu isa soo sharixi karo uu noqon karona murashaxa keliya.

 

 

 

Cali Guray waxa uu intaasi sii raaciyay “Markaa kaalinta odaygu waxay noqon kartaa in isagu saaxadda lagu tartamayo uu qaado masuuliyadeeda inay noqoto mid ay u gudboon yihiin tartamayaasha oo dhami kuna ilaaliyo ku dhaqanka Xeerka Xisbiga cidii wax ka baxsan la timaadana uu siidhiga ku afuufo. Taas oo keeni karta in Bamkii mudaysnaa ee dhag dhag dhag tiisa dhegaheena soo gaadhayeen uu fuyuuska ka saaro ka hor inta aanu qarxin. Waayo hadii uu ku dhex qarxo maaha in uu xisbiga uun dhexdiisa ku qarxayo ee xukuumadda lafteeda ayaan ka badbaadi doonin.”

 

 

 

Loolanka Kulmiye oo intii madaxweyne Siilaanyo dalka ka maqnaa gaadhay in saxaafadda weedho xanaf leh la isku mariyo ayaan wali la saadaalin karrin in xafiiltanku sii socon doono iyo in madaxweyne Siilaanyo keeni doono xal uu iskugu soo dhaweynayo labada garab ee is haya.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories