HomeCali-Guray oo Farriin Dhoola-tus ah u diray Saaxiibbadiisa Mucaaradka, hankiisa siyaasadeedna soo...

Cali-Guray oo Farriin Dhoola-tus ah u diray Saaxiibbadiisa Mucaaradka, hankiisa siyaasadeedna soo ban-dhigay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

mujaahid-cali-gurayHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Cali Maxamed Yuusuf, ayaa ka hadlay sida uu aragtidiisa siyaasadeed ugu taageero ama ugaga soo horjeesto xukuumadda xilka haysa iyo siyaasiyiinta ay isku mabada’ yihiin ee ged-geddoonka waayaha siyaasadeed kala-irdheeyo, isagoo soo qaatay mowqif uu iska taagay xilligii uu safka hore kaga jiray mucaaraddada Xisbiga Kulmiye wakhtigii UDUB oo siyaasiyiinta hoggaaminaysay xisbigaas ee uu ka mid ahaa ku hanjabeen inuu dagaal ka dhici doono dalka haddii aanu xilka isaga degin madaxweyne Rayaale oo xilligaas muddo-xileedkiisu dhammaaday.

Sidoo kale, waxa uu ged-geddoonka mowqifkiisa tusaale ugu soo qaatay halka uu iska taagay Hanjabaad uu Wasiir xukuumaddii UDUB ka tirsanaa immika ka tirsan xukuumadda Kulmiye ugu hanjabay Axmed-Siilaanyo oo xilligaas ahaa guddoomiyihii Kulmiye.

Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee UCID oo dhawaan ka soo horjeestay shir ay xisbiyada mucaaradka ahi ku qabsadeen magaalada Hargeysa oo lagaga hadlay xaaladda dalka iyo sidii ay mowqif midaysan uga qaadan lahaayeen muddo-xileedka dhammaaday ee madaxweynaha, ayaa hadalkiisani farriin hal-xidhaale iyo hoga-tusaalayn ah u yahay Xisbiyada Mucaaradka ah ee uu ka tirsan yahay oo ay ku kala afkaar duwanaadeen shirka ay qabsadeen oo uu ku tilmaamay mid aaanay natiijo wax ku ool ahi ka soo baxayn.

Haddaba, Guddoomiye Cali Yuusuf, waxa uu arrimahan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook isagoo ka jawaabaya Sawir lagu baahiyey Facebook-ga oo ka godliyey inuu arrimahan ka faalloodo. Sawirka uu Cali Yuusuf ka dareen-celiyey ayaa ka kooban isaga iyo Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran oo laysku dhejiyey, waxaanu qofkii sawirkaas baahiyey jawaab uga dhigay inaanu ahayn shakhsi leh isla markaana u darban hanka hoggaamineed ee ay u badheedheen saddex masuul ee sawirka kula jira.

Qoraalka uu Cali Yuusuf ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan:- “Waar ninkan I dalacsiiyay ee ugu daray ragga doonaya inay Madaxwayne ka noqdaan Somaliland fiicanaa mise waa mid aan aqoon ii lahayn. Waar anigu kuwa xilalka ku fadhiya ee mudo xileed yadoodi dhamaadeen ee diiddan inay baneeyaana kuma jiro, kuwa sharraxan ee doonaya inay beddelaana kuma jiro. In aan madaxwayne noqdo Illaahay maan waydiisan oo waan ka ducaystaaye kuma ducaysto. Haddii aanan xil-diid ahayn kolay xil-doon ma ihi. Fikir kayguna ama sax ha noqdo ama qalad eh waxan hadlaa kaskayga cidna kama baryo cidna kuma qasbo. Waxa intaa ii dheer haddii aan qaldanahay in la I saxo waan ogolahay.

wewSawirka uu soo dhigay waa Bishii March 2008-dii maalmo yar ka hor dhamaadkii muddo xileedkii Madaxwayne Rayaale. Waxaan ahaa KULMIYE oo ku hanjabay kuna celceliyay Haddii 15 March la gaadho Dahir Riyaale madaxwayne maaha kursigana ku fadhiyi maayo dibadda ayaanu ka soo dhigaynaa. Hanjabaadii Kulmiye waxay baqdin gelisay shacbigii oo u qaatay in 15ka March haddii la gaadho ay xabaddu afka ka baxayso mar kalena ay qixi doonaa. Aniga oo Kulmiye ah ayaan warbaahinta la hadlay oon idhi, ‘Waxan shacbiga u sheegayaa in aanay jirin cid suurtii yoomal qiyaamaha afuufaysa 15ka March Riyaalena wuxu noqonayaa madaxwayne uu muddo xileedkiisa dhamaaday oo kursiga ku sii fadhiya inta doorashada la gaadhayo. Anigaa idin idhi ee ku seexda oo ku soo toosa’.

Aniga oo Kulmiye kabaxay oo Af hayeenka UDUB ahna nin imika xukuumadda Axmed Silanyo ku jira oo aanu UDUB wada nahay, wasiir ku xigeenna ahaa ayaa yidhi, ‘Axmed Siilaanyo khiyaamo qaran buu galay kama soo degi karo Madaarka Hargeysa. Aniga oon cidna kala tashan ayaa warbaahinta la hadlay oon idhi, ‘intuu ka soo dego ayaa dad daayoo ciidduna dhaqaaqi hadalkaaga awgii’.

Markaa qof I yaqaan iguma wareero waxanse leeyahay qofna igama helo in sax iyo qaladba aan ku raaco. Markaa waa halkii AHN eh Qaasin eh;

MIISAANA IMA SAARI KARO NIN I MALEEYAAYE

NIN WALBAAN HAKAAD MAAGANTEY MUHATO LAABTAADU

EE AANAD MADADAALO DEED IGALA MAARMAYNIN

ISKA SOO MAR WAA KUU MUBAAX MARINKAD DOONTAAYE,” Sidaas ayuu Cali Yuusuf ku yidhi Qoraalkiisa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories