HomeCali guray iyo Faysal intay Xirsi iyo Talo Qaran ku...

Cali guray iyo Faysal intay Xirsi iyo Talo Qaran ku mashquulsan yihiin malaha waxa uga faaido badnaan lahayd maaraynta mushkilada xisbigooda UCID

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Ugu horayn Salaanta Islaamka akhristayaal iga gudooma(ASC), Bacdigeed waxaan qalinka u qaatay inaan u caqli celiyo nin aad moodo inuu ooda goostay xayadii iyo xishoodkiina ka tegay, xilka uu hayo iyo xanafta, xajiinta iyo af-xumada xiqdiga iyo xurmo la’aanta huwan ee uu shubayona aanay isu miisanayn.

Gudoomiyaha 3aad ee Xisbiga UCID Cali Guray ayaad moodaa in diiradii siyaasadeed kaga dhegtay mid shakhsi arag ah, oo reer nacayb salka ku haysa, sida uu u hadlayana marnaba aanad moodayn siyaasi inuun damac kaga jiro inuu xil qabto qaran, xataa kuu hayo hada ee xisbiga ah uu kaga didinayo shacbiyad badan iyo masuuliyiin la safnaaba.

Markaad siyaasi tahay inuun damac kaga jiro inuu majaraha u qabto dalka ama masuul culus ka noqda waajibka saarani waa wallaalaynta bulshada, wadaninimaduna waa taas waayo iyagaa dadku qiimaynaya qofka ama siyaasiga inuun wax u qaban kara hadaad u haysato ardaagaaga oo keliya inaad wax ku noqonaysana gudcur baad gudaysaa ee u doono iyaga mansab suldaanimo.

Ugu danbayn Cali guray hadaladii uu sadexda wasiir ee isku haybta ah ku weeraray ee uu hadalada fawaaxishka ah ku faaleeyey waxaan qabaa in Cali intaasiba isaga ku cad yihiin oo uu bulshadana kaga caan yahay.

Cali guray iyo Faysal Cali waraabe intay Xirsi iyo Talo  Qaran ku mashquulsan yihiin malaha waxa uga faaido badnaan lahayd maaraynta mushkilada xisbigooda UCID, oo maanta laba garab oo weliba kala xoogan u kala fadhiya, Keligii Saxane (Faysal) iyo adigubana (Cali guray) waxaan qabaa ragiinaas UCID wadi kari waayay inaydaan dal iyo dadna isku wadi karin, oo hadaad sidan ku sii socotaana lafihiina aan idiinku baqayno hadaanu shacabkii reer Somaliland nahay, oo waxaan filaynaa inaad dejin iyo nasin u baahan tihiin.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waa hal-abuur hawlkar ah oo qarankan baal dahaba kaga jira Taariikhduna xusi doonto adigoo kalena aanad hiigsan karin, Maxamuud Xaashina Mahadnaq iyo Bogaadin buu mudan yahay dedaal badan baaanu ku jiraa ilaahay ha ku guuleeyee  ee uma baahna xagxagasho iyo xumaan reer nacayb ah oo lagula dul kufo.

Eebe Khayrka hayna waafajiyo

Dr. Cabdi Jamac

Hargeeysa Somaliland

00252-63-4819838

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories