HomeCalawiyiinta Suuriya Oo Ka Horyimi Gaboodfalyada Asad Sheegayna In Aan Calawiyiinta Loo...

Calawiyiinta Suuriya Oo Ka Horyimi Gaboodfalyada Asad Sheegayna In Aan Calawiyiinta Loo Tirin Karin Waxa Uu Gaysto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Suuriya(Slpost)-Talaabo aan hore looga baran, ayaa qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha firqada calawiyiinta ee Suuriya ee uu ka tirsan yahay madaxweyne Bashar Al Asad waxay shaaciyeen dokumenti ay BBCduna heshay oo ay isaga fogaynayaan rajiimkiisa.

Waxay caddeeyeen nooca mustaqbal ee ay la rabaan waddanka, ka dib 5 sano oo uu ku jiray dagaal sokeeye.

Hogaamiyeyaasha mujtamaca iyo kuwa diinta ayaa sheegay inay rajaynayaan inuu iftiin u bidhaamo calawiyiinta, wax ay ku tilmaameen wakhti muhiim ah, ka dib muddo dheer oo lagu jiray in wax kasta ay sir ahaadaan.

Laba ka tirsan hogaamiyeyaasha Calawiyiinta Suuriya oo dalbaday in aan la magac dhabin oo ah ragga qoray documentiga, ayaa BBC da u sheegay inay goosteen inay ka soo saaraan warbixintan ku saabsan aqoonsigooda, maadaama oo Calawiyiin badan lagu laayay Suuriya sababtuna ay tahy caqiidadooda.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay muhiim tahay in aan Calawiyiinta la saarin dambiya ay xukuumadda talada haystaa ku kacday.

Kala qaybsanaanta mad-habtu waa mid ka mida waxyaabaha ugu waawayn ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda hurinaya.

blankImage copyrightSANA

Hogaamiyeyaasha Calawiyiintu waxay qoraalkan ku sheegeen in ay haystaan Mad-hab saddexaad oo Islaamka ka mida.

Waxayna sheegeen in Calawiyiintu aanay haysan mad-habka Islaamka, Shiiciga ah ee lagu sheego, isla markaana ay ka go’antahay la dagallanka collaadda mad-habaha ee ka socda Suuriya.

Waxay caddeeyeen in ay aaminsanyihiin mabaa’dida sinnaanta, xorriyadda iyo wadaniyadda waxaanay ku baaqeen in mustaqbalka Suuriya laga dhaqan geliyo nidaam cilmaani ah oo ay ka suurto gasho in Islaamka, Masiixiyadda iyo diimaha kale ku sinnaadaan.

Inkasta oo Calawiyiintu u badnaayeen dowladda Suuriya iyo laamaha nabad gelyada xukunkii Bashar Al-Asad iyo Aabihii Xafid al-Asad in ka badan afartan sannadood, haddana qoraalkani wuxuu qiray in xukunka jiraa yahay mid sharci ah, sida ay dhigayaan bay yiraahdeen mabaadii’da dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aasaasiga ahi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories