Home"Cagajuglaynta Garsoorku ku hayo Qareenada Somaliland waxa ay Wiiqaysaa Sarraynta Sharciga"- Baaq...

“Cagajuglaynta Garsoorku ku hayo Qareenada Somaliland waxa ay Wiiqaysaa Sarraynta Sharciga”- Baaq ku socda Guddiga Sare ee Cadaaladda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Macadka Horizon oo fadhigiisu yahay magalaada Hargeysa, ayaa ka deyriyey hab-dhaqanka garsoorka Somaliland kula dhaqmo Qareennada madaxa-bannaan ee ka hawl-gala Maxkamadaha dalka.

Horizon Institute waxa uu ugu baaqay guddiga sare ee Cadaaladda Somaliland inuu baadhitaan ku sameeyo go’aan ka soo baxay Maxkamadda gobolka Maroodijeex, kaas oo shaqada lagaga joojiyey garyaqaanno ka hawl-gala maxkamadaha dalka.

Baaq uu u soo saaray Horizon Institute oo lagu faahfaahiyey arrintan, ayaa u qornaa sidan:- “Maanta, Horizon Institute waxa ay ugu baaqday Gudida Sare ee Caddaaladda Somaliland, oo ah hay’adda ka masuulka ah anshax marinta garsoorka, waa in ay u baadhaan sida ugu wanaagsan, iyagoon dibu uga dhacayn laba go’aan ee uu soo saaray Garsoore Cabdi Qawdhan Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa.

Cagajuglaynta Garsoorku ku hayo Qareenada Somaliland waxa ay Wiiqaysaa Sarraynta Sharciga, Horizon sidoo kale waxa ay ka codsatay Gudidu in ay ka qaadaan xayiraada uu saarey Garsoore Cabdi Qawdhan Cabdi laba qareen, oo ah in liisanka laga joojiyo Xamse Maxamuud Xassan iyo waaranka qabashada ee Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Burhaani), Agaasimaha Talosan Law Firm and Legal Services.

Labada go’aan ee ay riday Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo qaabka loo gaadhay go’aankaas, waxa ay abuurayaan su’aalo culus oo ku saabsan xaaladda garsoorka. Go’aanadaasi waxa ay xakamaynayaan xorriyaddii qareenadu ay kaga hadli lahaayeen arrimaha danta u ah bulshada, in ay maxkamadda sharciga ah ku matalaan dadka ay u adeegayaan iyo in ay cabbiraan fikirkooda, xuquuqdooda kuwaas oo dhammaantood ay illaalinayeen Dastuurka iyo Xeerarka Somaliland

Haddii hoggaanka garsoorku ka doonayaan dadweynaha, iyo qareenadu in ay rumaystaan in caddaaladi ka jirto Somaliland, isla markaa la ixtiraamayo Dastuurka iyo xeerarka, waa in ay xaqiiqadan ku muujiyaan tallaabooyinka, go’aanada iyo xukunada ay gaadhayaan.Labadan go’aan ee ay gaadhay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ee ay indhaha ka qarsatay xuquuqda dastuuriga iyo xuquuqda sharci ee qareenada iyo dadweynaha, waxa ka dhalanaya hadaf dhab ahaantii ka soo horjeeda kii la doonayey in la gaadho. Saameynta ay leedahay waa in lagu abuuro cabsi, laga niyad jabiyo dadka in ay maxkamadaha u adeegsadaan goob ay si nabdoon ugu xalliyaan khilaafaadkooda, waxana ka dhalanaysa in ay u arkaan in Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex dhab ahaantii uuna rumaysnayn sarraynta sharciga.

Gudida Sare ee Caddaaladdu waxa ay u baahan yihiin in ay qaadaan tallaabo cad oo degdeg ah si ay farriin culus ugu diraan dadweynaha in garsooreyaasha aan loo ogolayn in ay indhaha ka qarsadaan Dastuurka iyo Xeerarka Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay baaqa ka soo baxay Horizon Institute.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories