HomeCadowgaaga Dhabta ah Garo

Cadowgaaga Dhabta ah Garo

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

bileMarkii ay rabshaduhu ka socdeen waddanka Kosofo (Kosovo), sanadihii sagaashanaadkii ayaa dawladaha waaweyn ee dunidu ka sameysteen saldhigyo waddanka Albaaaniya (Albania). Saldhigyadaa waxa lagu diyaariyey raashin, gogol iyo agabkii ay u baahan lahaayeen qaxootiga la filayo iney ka soo qaxaan dalka Koosofo oo ka soo yaaci doona dagaalka sii xoogeysanaya. Sidii diyaar garowgaa loogu jirey ee caalamku iskugu diyaarinayey iney Albaaniya noqoto meesha lagu marti gelin doono 2 malyuun oo qof oo Koosofo ka soo qaxa, ayaa Albaaniya lafteedii burburtey oo dadkeedii qaxooti noqdeen. Waxa aan lagu xisaabtamin in Albaaniya lafteeda ay heysteen dhibaatooyin badan oo hoose oo siyaasadeed, shaqo la’aan iyo rajo xumo la soo gudboonaatey dhalinyaradii. Waxa lagu mashquulsanaa uun intii hore dagaalka muuqda ee Kosofo ka socda ee hoosba looma eegin dhibaatooyinka heystey shicibka Albaaniya. Waxa meeshii ka dhacdey dadkii oo Albaaniya ka qaxa, dagaal cusub oo ka bilaabma iyo dhibaato hor leh. Dibaatada uugu weyn ee Albaaniya ka dhacdey waxa horseedey farsamo xumo ay dawladeedu isku qufushey uun dhibaatada ka taagan Kosofo, balse aaney hoosba u eegin in dhibaatooyin nooc kale ihi ay ka taagan yihiin dalka gudihiisa, loona baahanyahay in hoos loo eego.

Sideedaba hoggaamintu kama soo hadho odoroska mustaqbalka iyo inuu qofka hogaamiyaha ihi karti u yeesho inu sii maleyn karo ama ogaan karo waxa ku soo socda. Waxa maanta taagan waa wax soo bilaabmey wakhti tegey oo an iminka arkeyno uun natiijadii. Waxa berri dhici doona iyo xaaladda lagu sugnaan doonaana waa wax maanta bilaabmey ama bilaabmaya.  Haddii kartidaado la heer noqoto waxa markaa taagan, waxa ay la macno tahey inaadan umad u horseedi karin barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

 Dibaatada u weyn ee Somaliland la soo gudboonaan karta maaha in Muqdisho iyo koonfuri soo weerari doonaan oo ay dalka qabsan doonaan. Mana aha in cid kale oo sadeexaadi ay xoog ku muquunin doonto. Dhibka koowaad ee Soomaaliland ka hor iman doonaa waa mid ay abuurtey xaalad iyo dhibaato mujtamac oo haddaan iminka laga hor tegin dhowr sanadood dabadood qarxi doonta.

Hadaf umadi yeelato oo ay higsato waxa uugu muhiimsan HORUMAR ku saleysan Cadaalad, Sinaan iyo Madaxbanaani. Horumarku waxa uu keenayaa in dhaqaaluhu kor u kaco, nolosha mujtamucu  wanaagsanato oo ay heer sareeya gaadho, aqoonta, farsamada iyo tignoolojiyadu sarreyso, caafimaadku wanaagsanaado, dadka wax soo saarkiisuna kor u kaco. Waxa kale oo uu keenayaa in daku, gaar ahaan dhalinyaradu hesho shaqooyin u qalma. Haddii horumar sareeya la gaadhi waayo, waxa badanaya jahliga, dadka xanuunsanaya ayaa iyana kordhaya, shaqo la’aanta ayaa badaneysa oo keeneysa in wax soosaarku yaraado, waxaana adkaaneysa inad dalkaaga ka difaacdo gardaro ku timaadda maadaama itaalkaaga iyo dhaqaalahaaguba hooseeyaan.

Haddii intaa an kor ku sheegey sax kuula muuqato, muxuu markaa yahay cadowgaagu? Jawaabtu waa horumar la’aan la soo gudboonaato dalka iyo ummadda oo ay keentay shaqo la’aan iyo awooddii dadka oo aaan laga faa’iideysan, niyad jab jiilba jiil la dul fadhiisto iyo is nac.

Dawladaha ay xukumaan digtaatooriyiinta, gaar ahaan kuwii shuuciga ahaa, ayaa waxa ay shacabkooda ku mashquulin jireen in cadawga umaddu yahay isticmaarka iyo imbiriyaaladda (imperialism) iyo dhiigmiiratada oo ay ka wadaan dadka lacagta leh. Shacabkii ayaa colaad loo gelin jirey dawladaha hore u marey iyo dadka lacagta leh, oo looga dhigi jirey  iney iyagu mas’uul ka yihiin dib u dhaca ku yimid dalkooda iyo nolol xumada. Dawaladaahaasi waxa ay meel kasta ka faafin jireen iney dagaal kula jiraan isticmaarka, waxaaney caruurta iskuulada iyo shaqaalaha u akhriyiyaan khudbado ay ku abaabulayaan oo ay uugu sheegayaan inay dagaal isu diyaariyaan. Waxaas oo borobagaanda ah waxa ay uugu talo galeen iney dadka kaga indho tiraan in dhibaatada heysata iyo horumar la’aanta ay uugu wacanyihiin dawladahan hore u marey iyo dadka lacagta leh.

Waxa inta badan aad warbaahinta ka maqleysaa iyada oo la leeyahay cadowga Somaliland ayaa sidaa yeeley iyo cadowgii ayaa ka naxey iyo cadowgii Somaliland ayaa sida fiinta uga qeyliyey arrinkaas. Cadowgaa la sheegayaa waxa looga jeedaa Soomaliya iyo dadkeeda iyo dawladeeda.

Dabcan, taariikh dheer ayaa jirta oo dagaal iyo dulmiba ku jiro oo laga tirsanayo dawladdihii Soomaaliya ka jirey, waana ta keentey in Somaliland ka tashato oo maamulkeeda sameysato dalkeedana dib u dhisato. Xitaa marka dib loogu noqdo taariikhda, cadowgu muu aheyn Somaliya iyo dadkeeda, mana aha iney iyana yihiin dad xun inana dad wanaagsan. Cadowga runta ihi wax uu ahaa talo xumo horseedey horumar la’aan iyo burbur mujtamac, dhaqaalihii iyo xukunkii oo inaga wareega.

Haddii la rabo in laga hor tago si aaney mar danbe wixii la soo marey mar kale u dhicin, waxa haboon in cadowga rasmiga ah laga hor tago oo aan lagu jaha wareerin dhaleeceynta iyo ku mashquulka Somaliya oo teedii heysato.

Hargeisa iyo Muqdisho waxa hor guuleysan doona labada tii dhaqaaleheedu sareeyo ee u horumarka ay sameyso uga faa’iideysata in dadkeeda gaar ahaan dhalinyartu shaqooyin hesho iyo adeegga bulshadu kor u kaco. Maalinta Somaliland iyo Somaliya isasoo hor fadiistaan ee wada hadal yimaado, waxa talin doona oo tiisa la maqli doonaa hadba dhinicii dhaqaalaha badan, dhinaca dadkiisu aqoonta sareeyo, dhinaca dhalinyartiisu baraarug sareeyaan ee ay ka qeyb qaadanayaan talada dalkooda. Haddii dhalinyarta dalku ay shaqo la’yihiin oo aaney si mug leh talada uuga qeyb qaadan, ama aaney heysan rajo wanaagsan oo ay mustaqbalka ku higsadaan, wey adkaaneysa inad ka fisho in ay dalkooda fadhiyaan oo horumarkiisa si buuxda uga qeyb qataan.

Inanka iyo inanta ka tahriibaya Burco iyo Boorama ee u badheedhaya badaha waaweyn kama ordayaan weerar kaga iman doona xamar, balse waxa la soo gudboonaatey shaqo la’aan iyo iyaga oo rumeysan in qurbaha ay taalo nolol wanaagsan. Sidaa darteed, cadowga koowaad waa iyada oo mar labaad dagnaan lagugu qabto adiga oo aan dhaqaalahaagii kor u qaadin, adiga oo aan sameysan gaashan dhig adag oo ad umaddaada ku difaacdo iyo adiga oo aan shaqo gelin malaayiinta dhalinyarada ah ee miyi iyo magaalaba iska joogta ee jaha wareersan. Macno sameyn meyso colaad iyo naceyb umad gasha oo u gasha umad kale. Waxa iyana nuqsaan ah inad la tartanto qof kaa liitaa oo isaga laftiisu dulman, oo ad ku doodo inaga ayaa koonfur ka fiican. Somaliland 20 sanadood oo Soomaaliya dhib iyo dagaalo ku jirtey ayay dawlad laheyd.Faa’iido malaha inad la baratanto qof gurguuranaya adiga oo 20 sanadood orod ku jirey. Tartanka waa inaad la gashaa qof qeyrkaa ah oo 22 jir ah. Maha inad 3 jir la tartanto.

AQOONTA U ADEEGTADA BULSHADA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories