HomeCaddaalad-darrada weriyeyaal qaadashada idaacadaha VOA SOMALI iyo BBC SOMALI (Eeg liiska) -...

Caddaalad-darrada weriyeyaal qaadashada idaacadaha VOA SOMALI iyo BBC SOMALI (Eeg liiska) – W/Q: Cali Coomay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...
Cali Coomay
Cali Coomay

Labadan idaacadood ee ka tirsan laamaha dalalka maraykanka iyo ingiriiska idaacadooda, waxa la kala aasaasay BBC somali 1957-kii iyo VOA somali 2007-dii. Ujeedada labadan lamood waa inay wax u sheegaan dadyowga af-soomaaliga ku hadla ee degan geeska afrika iyo waliba kuwa aduunka u haajiray. Dadyowga degan geeska afrika ee af-soomaaliga ku hadlaa waxay rabaan in laga wertibiyo noloshooda iyo waayahooda. Waxa kale oo ay rabaan weriyeyaal ku hadla af-soomaaliga ay fahmayaan, oo ku hadla luuqad la wada fahmi karo. Maadaamo oo labada tifaftire ay yihiin reer muqdisho waxay shaqaalihii ka qaateen muqdisho. In kastoo yusuf-garaad ka tegay shaqada hadana kuwii uu keenay ayaa weli shaqeeya.

Liiska weriyeyaasha.

Weriyeyaasha VOA SOMALI ee Washinton jooga

Magaca                                                                       Deegaankiisa

  1. Ibraahin Xasan Daandurey…………….. Banaadir
  2. Haaruun Macruuf ………………………… Banaadir
  3. Maxamed sandheere……………………. Banaadir
  4. Falastiin maxamed……………………….. Banaadir
  5. Idil maxamed cismaan………………….. Banaadir
  6. Caasha cuud………………………………….Banaadir
  7. Daa’uud Aways………………………………Banaadir
  8. C/casiis sadaam……………………………. Banaadir
  9. Maxamuud mascade………………………Banaadir
  10. C/laahi nuur maxamed Kolombo……..Ceelbuur
  11. Maxamed Xasan Colaad……………………Ceelbuur
  12. Sahra ciidle nuur……………………………Hargaysa, waa keligeed wax dad kale ah.

Weriyeyaasha BBC SOMALI ee london jooga

   Magaca                                                                      Deegaanka

  1. Max’ed maxamuud-cade…………………           Galguduud
  2. C/rahmaan koronto…………………………          Hiiraan
  3. Max’ed ibraahim macalimow………….           Banaadir
  4. Axmed cabdi nuur…………………………..           Ceelbuur
  5. Max’ed maxmuud-dhoore……………….           Galguduud
  6. Yusuf Xasan………………………………….             Galguduud
  7. Farxaan max’ed jimcaale………………..           Hiiraan
  8. Kaati Ciise…………………………………….            Galguduud
  9. C/nuur Sh. Isaxaaq………………………..             Puntland
  10. C/laahi Xaaji………………………………….           Puntland
  11. Yoonis Cali Nuur…………………………..             Hargaysa
  12. C/risaaq X. Max’ed-siraad……………               Hargaysa

 

Af-soomaaliga ay isticmaalaan

Weriyeyaasha ka hawlgala istuudyaha labadan idaacadood waxay ku hadlaan Af-soomaali lagaga hadlmuqdisho oo dadyowgii kale ee geeska afrika deganaa ee soomalida ah aanay fahmayn. Waxay warbaahintii soomaalida ku soo kordhiyeen af-soomaali qalloocan oo soomaalidii ay jahawareer ka qaadeen. Waxay dadkii ku khasbayaan af-soomaali muqdisho lagaga hadlo.

 

Af-soomaaliga qalloocan ee VOA iyo BBC isticmaalaan                  Afka toosan

= Warkan waxa soo diray weriyeheena………………………………..      weriyahayaga.

= Saddex qofood……………………………………………………………….        saddex qof

= Looga diley……………………………………………………………………         lagaga diley

=Lagu duugay………………………………………………………………….          lagu aasay

= Qadka tilifoonka…………………………………………………………..          saaka

= Qiyaano……………………………………………………………………….          khiyaano

= Aqris……………………………………………………………………………          akhris

=Qaasatan………………………………………………………………………          khaasatan

= la weysan yahay…………………………………………………………..           la waayey

= ulajeedo……………………………………………………………………..           ujeedo

= maantay……………………………………………………………………             maanta

= xiriir………………………………………………………………………………… xidhiidh

 

Fiiro gaar ah:

Markii af-soomaaliga la qorayey, ayaa la isku qabtay labada eray ee”R” iyo “dh”. Bal ka la isticmaalayo. Guddigii af-soomaaliga ayaa laba kooxood oo isku haystay labadan eray soo kala dhexgalay. Ka dib waxa la yidhi “ waar kooxdan wadata “R” bal isticmaala eraygan oo waxaad tidhaahdaan “gabar” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, oo waxay noqotay “gabrro”. Ka dib waxa lagu yidhi gabrro waa cay dhinaca waqooyiga soomaaliya (somaliland). Kuwii watay “dh” ayaa yidhi”gabadh” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, waxay noqotay” gabdho”. Markaa waxa halkaasi lagaga adkaaday kuwii watay erayga “R” oo waxa la isla qaatay in erayga “dh” dhammaan warbaahintu isticmaasho. Markaa weriyeyaasha reer muqdisho waa inay ku hadlaan erayga “DH”  oo erayaga “R” ay iska iloobaan.

 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories