Home“Cadawga Somaliland ee Dalka Guddihiisa Jooga, Ka Aamusnaanta Xukumadda iyo marti-gelinta Akeedamiyadddu...

“Cadawga Somaliland ee Dalka Guddihiisa Jooga, Ka Aamusnaanta Xukumadda iyo marti-gelinta Akeedamiyadddu Maaha wax la qaadan karo”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa, gaar ahaan intooda ku hawlan adeegyada ururrada Bulshada, ayaa wax laga xumaado ku sifeeyey in xukuumadda iyo hay’adaha ammaanku feeginaan gaar ah u yeelan waayaan shakhsiyaad ay ku tilmaameen inay dhabar-jab ku yihiin jiritaanka dalka, kuwaas oo qaar ka mid ahi sifooyin iyo dano-gaar ahaaneed oo sharciga baalmarsan ku joogaan dalka.

Xubno ka tirsan aqoonyahanka iyo dhalinyarada Jaamacada dalka oo shalay qoraal kooban ka soo saaray Hargeysa, ayaa Akedemiyadda Nabadda iyo Horumarinta iyo Laanta Socdaalka ku canaantay sababta ay bulshada ugu fasiri waayeen ujeeddada socdaalka uu magaalada Hargeysa ku joogo.

CABDIRAXMAAN CAYNTE
CABDIRAXMAAN CAYNTE

Qoraalka ayaa u qornaa sidan: “Muddo dhawr maalmood ah waxa waddanka gudihiisa joogey Agaasimaha Guud ee Maxadka Cilmi-baadhista iyo siyaasadda ee la yidhaahdo Heritage Foundation, Cabdiraxmaan Caynte, oo fadhigiisu yahay waddanka Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Maaha markii koowaad ee uu waddanka yimaaddo isaga oo sifooyin aan nidaamka waddanka waafaqsaneyn tiraba dhowr jeer  ku yimi waddanka. Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay inta cadawga weyn ku ah gooni isu taagga Somaliland, isaga oo aad ugu ololeeya midnimada Somali weyn, waana astaanta ugu weyn ee uu u taagan yahay Ururkiisu.

Qof waliba waa u madax banaan yahay aragtidiisa sida Cabdiraxmaan oo kale, hasayeeshee waxaan meesha qaban in ujeeddooyinka uu xambaarsan yahay uu been iyo waxaan jirin ka sheego ummad dhan oo tashatey. Waxa dadweynaha reer Somaliland ay isweydiiyeen joogitaankiisu waxa uu daaran yahay? Sababta ugu weyn ee akaadeemiyada Somailand ay u magangalisey? Workshopka uu ka qeyb galayaa danta ugu jirta Somaliland? Waxase jawaab waafi ah loo waayey arrintaasi. Waxa looga yeedhey usbuucan xarunta laanta socdaalka, waxase arrintaasi galley oo ka dhigey biyo kama dhibcaan Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo uu dabada galiyey, markii arrintu jiq ku noqotey odeyga. Waxa aan marna la qaadan Karin in laanta Socdaalku inta ay Maansoor hotel kula kulanto aaney taallaabadii ay qaadey ay dib uga noqoto. Cabdiraxmaan iyo maxadkiisu waxa ay qoreen qoraallo badan oo lid ku ah waddanka iyo qaranimada oo aan ku fadhiyin xaqiiq iyo run. Waxa ay mar walba la taagan yihiin in aan Somaliland la aqoonsan Karin, waxa kale oo xusid mudan in qoraal  kasta oo ay sameeyaan oo dhinac u xaglinaayo.

Akhriste waxa caddeyn inteeda leeg kugu filan haddii aad booqato barta ay internetka ku leeyihiin oo aad ka heli karto dhammaan qoraalladaasi (Heritageinstitute.org) waxa aad ka heli doontaa macluumaad badan oo ka fog runta oo ay ka qoreen Somailand

Si kastaba ha ahaatee, waxa arrintani ay tahay mid ceeb ku ah laanta Socdaalka ee Somaliland oo war cad ay ka sugayaan sababta ugu weyn ee cadawga Somaliland ugu naaloonayaan waddanka guddihiisa, waliba ku darso akhriste waxa uu waddanka u yimid ayaa ah arrin siyaasad ku lug leh, waaxaannu ka qeyb galayaa dood, ama shir siyaasadeysan oo lagaga doodi doono arrimo beriga afrika iyo Somalidaba taabanaya.

Haddii aad eegto, waxayaabaha ugu waaweyn ee ay ku doodayaan Caynte iyo kooxdiisu waxa aynu ka xusi karnaa qodobadan hoose, oo dhammaantood lid ku ah waddankeenna Somaliland

  • Inaan la aqoonsan Somaliland, oo beesha caalamku aaney tix galin waddan ay reero maamulaan
  • In laga noqdo dhammaan heshiisyadii aan galney, oo xoogga la saaro sidii dadka reer Somaliland u dhashey ee Somaliya xilalka ka hayaa waddanka u iman lahaayeen
  • Xagga waxbarashada oo ay ka qoreen in tayo xumo badani ka jirto Somaliland waxbarashadeeda ka Muqdisho iyo Putland-na ay dhaamaan
  • Waxa ay beesha caalamka u sheegaan in dagaallo ba’ani ka socdaan gobollada Sool, Sanaag, iyo Awdal, kuwaas oo ka fog xaqiiqooyinka dhabta ah ee jira

Haddaba guntii iyo gunaanadkii waxa isweydiin leh, sababta ay u difaacayaan Akaadeemiyaddu, ay xukumadduna uga aamusan tahay iney dhabar jab weyn ku tahay dalkan loo soo marey halganka weyn.  Maxaa laga dagaalamaayey, maxaa laga doonayaa citiraaf haddii waddankeennii sidii la doono laga yeeli karo. Waxaannu talo ugu soo jeedineynaa cidda ay khuseyso in sida ugu dakhsiyaha badan arrintaasi talaabo looga qaado, akaadeemiyaddana looga dhigo waxa ay waddo, haddii kale ha sheegato iney Somali weyn qeyb ka tahay. Waxaanu leenahay Cadawga Somaliland ee Dalka Guddihiisa Jooga, Ka Aamusnaanta Xukumadda iyo marti-gelinta Akeedamiyadddu Maaha wax la qaadan karo.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories