HomeCadarrada Lagu Tirtiro Urta Dhididku Waxa Ay Jidhka Ka Dilaan Awoodda Iska...

Cadarrada Lagu Tirtiro Urta Dhididku Waxa Ay Jidhka Ka Dilaan Awoodda Iska Difaacidda Cudurrada

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Washington (Slpost)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in isticmaalka cadarrada iyo xaydha lagula dagaalamo urta dhididka iyo dhididka qudhiisuba waxa ay dilaan Jeermi ku nool kilinkillada iyo meelaha kale ee jidhka ah ee ay gaadho, laakiin waa jeermi uu sida magaca ka muuqata jidhku caafimaad ahaan u baahan yahay.

Marka uu qofku dhidido waxa uu yeeshaa ur isaga u gaar ah oo aanay dadku isaga ekeyn. Sababtuna waxa weeyo Jeermigii ku jiray meelaha diirran ee dhidida sida kilikillada ayaa urtan yeesha. Marka la isticmaalo wax-yaabaha dhididka lagula dagaalamo oo samayskooda lagu daro macdannta Aluminum oo si toos ah u weerarta joojinta dhididka iyada oo si toos ah u weeraraysa qanjidhka dhididka keena si uu u joojiyo. Hormuudka Cilmibaadhistan, Julie Horvath oo ah agaasimaha Shaybaadh takhasuskiisu yahay cilmiga Jenooma iyo Bakteeriyada, oo ka tirsan Maxadka Sayniska dabiiciga ah ee woqooyiga Carolina, dalka Maraykanka isla markaana baresare ka ah jaamacadda gobolka North Carolina ayaa iyada oo dhibta tan ka dhalanaysa sii sharraxaysa, waxa ay tidhi, “Marka jidhku uu joojiyo dhididka, bakteeriyada ku beeran meelaha aynu soo sheegnay ayaa waayeysa cunto ay quudato, markaas ayaa uu jidhku urta joojinayaa” waana sabataas ta ay cadarrada buufinta iyo Mariska ah ee dhididku u joojiyaan urta dhididka. Laakiin dhibta arrintani keenayso ayaa ah in maaddooyinkan ay ka samaysan yihiin cadarrada buufinta iyo Mariska ah ee dhididka ee joojinaya dhididku in ay sidoo kalana dilayaan Bakteeriyada urtani ka imanaysay.

Khubaradu waxa ay sheegeen in dadka aan isticmaalin cadarradani ay badbaadiyeen bakteeriyada lagu magacaabo Corynebacterium oo ah t an urta keenta, laakiin leh faa’idada ah in ay jidhka ka caawiso iska caabinta cudurrada. Julie Horvath markii ay daraasaddan ku ogaatay natiijadan dhiillada leh, waxa ay durbadiiba joojisay isticmaala cadarrada iyo marisyada uu ku jiro curiyaha Aluminum (Aluminam), laakiin mar ay la hadashay, iyo kuwa dawo ahaanta dadka qaar loogu qoro, laakiin mar ay la hadashay wargeyska TIME oo uu Geeska Afrika soo xigtay waxa ay shegtay in daraasaddani u baahan tahay sii ballaadhin iyo in si gaar ah loo eego noocyada bakteeriyada ku nool kilinkillada iyo kuwa ay cadarrada dhididku aad u dilayaan.

Waxa kale oo iyaduna khatartan la mid ah leh maadadda Ethanol, waxa aanay ku adkaysanayaan in ay jiri karaan cadarro iyo maaddooyin loo adeegsan karo tirtiridda urta ay dadku nacayaan iyada oo aan dhididka la joojinayn.

Waxaa muhiim ah in qofku marka uu iibsanayo cadarradan uu eego maaddooyinka ay ka samaysan yihiin, isasga oo ka taxaddaraya kuwa leh maaddooyinka aynu kor ku soo xusnay oo inta badan warshadda samaysay ay dusha weelka ay ku jiraan kaga soo qorto Antiperspirants oo u dhigma macne ah Dhidid-joojiye (Liddi ku ah dhididka).

Xigasho Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories