Home“Cadaalad Daro Waa Xuquuqul Insaankii Oo La Dhawri Waayay" - Qalinkii: Prof...

“Cadaalad Daro Waa Xuquuqul Insaankii Oo La Dhawri Waayay” – Qalinkii: Prof Jeeke Osman Cigeh ~ Lecturer, Amoud University

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

photo0045Haddii marka hore aan bal fahano waxa uu yahay Xuquuqul Insaanku waa sinaan iyo cadaalada uu helo Bani aadamku taasi oo dhamaan Bani aadamku xaq u lee yahay in uu helo  taasina way ku cadahay Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo Sunihii Rasuulkeena Suuban ( NAXARIIS IYO NABAD GALYO KORKIISA AHAATO).
Hadaba hadii aan eegno Xuquuqul Insaanka Aduunka u yaala oo dhamaantii laga soo xigtay Diinta Islaamka, kaasi oo manta Aduunku ku kala socdo ama ku degan yahay maxaa yeelay hadii la helo sinaan ama la dhawro Xuquuqul Insaanka Bani aadamka horumar ayaa la gaadhayaaa.
Si kastaba ahaatee waxaa laanta Xuquuqul Insaanka Aduunka la aas aasay Dec, 10 1948, oo ay samaysay Qaramada midoobay sobobta loo sameeyayna ay ahayd markii la ogaaday dhibaatooyinkii dagaaladii Aduunka gaar ahaan dagaalkii labaad ee Aduunka oo dhib badan soo gaadhsiiyay ummadii Aduunka oo dhan ama lagu xad gudbay xaqii dadku lahaa ayaa Qaramada Midoobay samaysay laanta Xuquuqul Insaanka Aduunka  oo afka qalaad lagu yidhaahdo ( UNIVERSAL DECLARATION OF HUMAN RIGHTS) waxaana hada ka soo wareegtay 65 sanno oo hada manta loo dabaal dagayo sannad guuradii 65 sanno ee Xuquuqul Insaanka aduunka oo manta Dec, 10 waa maalinta Xuquuqul Insaanka Aduunka.

Hadii aan eegno hadaba Xuquuqul Insaanka marka dadku maqlaan waxay markaaba u qaataan wax lid ku ah diinta islaamka ama ka hor imanaya laakiin hadii aan wax ka sheegno aas aaaska ama qodobada Xuquuuqul Insaanka ee aduunku isku raacay dhamaan wax lid ku ah diinteenu ma jirto dhamaantood diinteenu way inoo ogoshahay. bal hadii aan eegno qodobo ka mid ah ama kugu ugu muhiimsan Xuquuqul Insaanka mid walba diinteena ayaa ina faraysa eeg bal qodobadan soo socda:

  1. In qofwalba xor yahay oo ay ummadu isku mid tahay
  2. In qofku uu noolaado ilaa wad eebe mooyee, nabadna uu ku noolaado
  3. In qofku la adoonsan Karin ama lagu adeegan Karin
  4. Qofna looma takoori karo jinsiyada, qabiilka iyo dhaqankiisa
  5. Dadkuna waa siman yahay xaga sharciga
  6. Qofkasti xaq ayuu u leeyahay in doorto waxna doorto, codkiisana xor ayuu u yahay
  7. Qofna laguma samayn karo jidh dil ama tacadi ka dhan Bani aadamtinimada
  8. Qofkasti in uu waxbarasho helo xaq ayuu u leeyahay
  9. Qofkasti wuu cabiri karaa fikirkiisa

10. Qofkasti xaq ayuu u leeyahay in uu samaysto qoys ama in uu guursada
11. Qofku xaq ayuu u leeyahay in uu doorto meesha uu ku noolaanayo ee uu ka helayo nabad iyo sinaan
12. Qofkasti waa masuul naftiisa, diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisaba
13. Qof xaq uma laha in uu dilo qof kale si cad
14. Qofkasti waa in uu ixtiraamo qofka kale fikirkiisa iyo shaqsiyadiisa
15. Qofkasti arimihiisa sirta ah wuu qarsan karaa
16. Qofna laguma xad gudbi karo sharaftiiisa iyo shaqsiyadiisa

Intaasina waa qodobo ka mid ah qodobada qofku xaq u leeyahay ee u baahan in la dhawr diinteenuna way ogoshahay in dhawro dhamaantood
Hadaba hadii si guud wax uga taabano Xuquuqul Insaanka waa mid muhiim u ah Ummada in la ilaaliyo xaqooga iyo sharaftooda hadii la dhawro insaanka oo dhamaan helo qodobada kor ku qoran waxaa la gaadhayaa horumar waarta oo xag walba ah. Laakiin Ummadu Xuquuqul Insaanka waxay inta badan u haystaan in lagaga hadlo uun ciyaalka iyo haweenka laakiin aad ayuu u balaadhan yahay lkn labadani waxay yihiin kuwa ugu nugul ee u baahan in la dhawro inta badan, hadana qofkasti wuxuu u baahan yahay in uu xaq wixii u leeyahay sameeyana wixii lagu leeyahay ee waajib ku ah.
Mida kale hadii aan iftiimiyo qodobada u ah saldhiga Xuquuqul Insaanka ama Aduunku ku heshiiyay waa sagaal qodob ama heshiis iyo sadex heshiis oo ay leeyhiin sadex Qaaradood Sida Africa, America iyo Europe. Waxayna dhamaan sheegayaaan in la helo sinaan iyo cadaalad waarta, halkaa hadii aan hal qodob idiin cadeeyo waxa jira Qodob ama heshiis si gaar ah uga hadla haweenka oo la yidhaahdo afka qalaad (CONVENTION ON THE ELIMINATION OF ALL FORMS OF DISCRIMINATION AGAINST WOMEN (CEDAW). Heshiiskani wuxuu sheegayaa in laga ilaaliyo dhamaan wixii lid ku ah dhib ah ama fuquuq ku keenaya haweenka in laga joojiyo wuxuuna ka kooban yahay 30 articles lkn ma jirto article oo leh way siman yihiin haweenka iyo raggu maxaa yeelay waa lab iyo dhidig. Aduunka dhami waxay isku raaceen in ay haweenka iyo raggu ku siman yihiin Cadaaladadiinteenuna ogoshahay in haweenka iyo ragguba la ilaaliyo cadaaladna loo sameeyo oo weedh ayay Aduunku qaateen oo odhanaysa Sinaantu waa cadaalad (Equality is Equity)
Hadaba Aduunku in badan way sameeyaan ilaalinta Xuquuqul Insaanka laakiin bal aan u noqono dalkeena waa sideee Xuquuqul Insaanku manta maxaa yeelay waxa aan ognahay hadii la ilaaliyo Xuquuqul Insaanka horumar ayaa la gaadhayaa. Waa sidee Xuquuqul Insaanku dalkeena waxaan odhan karnaa waa Zero maxaa yeelay wali ma jirto wax horumar ah oo la taagan karo dalkeena oo waxaa wali jirta dagaalo iyo cadaalad daro meelkasti gaadhay.
Hadaba hadii aan rabo dalkeena hooyo in uu gaadho horumar iyo dhaqaale wanaagsan waxa loo baahan yahay in dadku helaan wixii xaq u lahaayeen Ummaduna sinaan iyo cadaalad hesho maxaa yeelay cadaaladu waa furaha nabada iyo horumarka dalka oo dhan meelkasti oo dalkeena ka mid ah waxay heli horumar iyo nabad waarta.
Markaa hadalkayga waxaan ku soo koobayaa qaybtayda koobaad waxaan ognahay wadankeenu wali ma laha wax aqoonsiya hadii aan rabo in aan helo aqoonsi buuxa waxa loo baahan yahay in la dhawro Xuquuqul Insaanka maxaa yeelay hadii Bani aadamku helo dhamaan wixii xaq u lahaa waxa dhalanaysa midnimo iyo aqoonsi buuxa taasina waa saldhiga u noqon kara in la helo cadaalad iyo sinaan buuxda oo meesha ka saaraysa QABYAALADA IYO CADAALAD DARADAmeelwalba taal ee keentay dagaalka aan dhamaynayn iyo gaajada joogtada ah ee ummada haysta dhamaanamayso ilaa qofkasti helo wixii xaq ilaahay u siiyo in loo ogaado lana dhawro sharaftiisa iyo karaamadiisa ee ilaahay ku manaystay ee dalka iyo dadkaba ha la ilaaali wixii xaq uu u lahaa. Dadkuna ha u helo sinaan iyo cadaalad waarta

La soco qaybtii labaad

                                                                  Mr. JK Osman Egeh

                                                                    Lecturer: Amoud University

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories