HomeCadaadiska Xukuumaddu ku hayso Kooxda Xiddigaha Geesku saameyn ma ku yeelan doontaa...

Cadaadiska Xukuumaddu ku hayso Kooxda Xiddigaha Geesku saameyn ma ku yeelan doontaa Xoriyada Fanka? Faallo – Wariye: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Abwaanka Xiddigaha Geeska, Hogaamiyaha Koox-fanneedka sanadahan dambe aadka u soo baxay ee Xasan Dhuxul Laab-saalax, ayaa cambaareeyay qaabkii Telefishanka Caalamiga ah ee UNIVERSAL u baahiyay Barmaamuj uu ka diyaariyay Maalmihii ciidal-fidriga ka horeeyay.

Hawl-waddeeno ka tirsan Telefishanka Somaliland ka xayiran ee UNIVERSALTV ayaa ciiddii,iyagoo aan wax ogolaanshiyo ah waydiisan dawladda Xayirtay TV-gaas, Barmaamuj dhanka fanka ah kaga diyaariyay Xiddigaha Geeska, taasoo muran iyo isqabqabsi ka dhex abuurtay Kooxda iyo Wasaaradda Warfaafinta oo ay Maamul ahaan hoos yimaadaan, qaarkoodna ay Mushahar-ba ka qaataan.

Saleebaan kalshaaleHadaba, Abwaan Xasan Laab-saalax oo isagu samaynta Barmaamujyada ciiddii kooxdu duubtay, qayb weyn ka qaatay, ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in Universal qaab aan wanaagsanayn u baahiyeen Barmaamujka, ugana faa’idaysteen arrimo siyaasaddeed.

“aadbaanu cambaareynaynaa in Universaltv Barmaamukii ay naga duubeen dhex geliyaan Kartoons ay ku aflagaadeynayaa Madaxweynaha Somaliland”ayuu yidhi Xasan oo hadlay.

Abwaanka ayaa sii yidhi “ arrintaas raali gelin ayaanu ka siinaynaa dhamaan Taageerayaasha Xiddigaha Geeska. Umadda Somaliland oo dhan guddo iyo dibad-ba, waxa kale oo aanu ka raali gelinaynaa wasiirka Warfaafinta oo Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse”. “Wasiirka amarkiisa waanu u hogaansanahay waana wasiirkayagii”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Abwaanka ayaa sheegay inay Barmaamujyo Heeso ah sanadkan u qabteen ugu yaraan shan Telefishan oo uu ka mid yahay Telefishanka Qaranka Soomaaliya.

 

Cadaaddis la saaray Xiddigaha Geeska

Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ay hoos ka tuurmo weyni ka dhaxayso Universaltv, ayaa la sheegay inuu cadaaddis badan saaray Kooxda, isagoo ku dhaleeceeyay waraysiga ay siiyeen ciddii.

Cadaaddiska Cukuse ayaan ahayn mid sharciyad ku dhisan, balse dadku u arkaan diidmo aan qiil lahayn oo uu Fannaaniinta kula kacay, marka la tego Xayiraada universaltv saaran oo aanay ku koobnayn eedda uu uga soo jeediyay Barmaamujyada Fanka ee ay baahiyeen Telefishanka Soomaaliya SLNTV.

 

Daneeyayaasha Suugaanta oo walaacsan

Qorraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe, oo ka hadlay khilaafka ka dhashay Barmaamujyada laga duubay Xiddigaha Geeska ayaa ku tilmaamay buuqa la geliyay Fanka Kooxda mid ujeedo laga leeyahay “Kooxda Xiddigaha Geeska Fankoodu soomaali oo dhan ayuu u dhexeeyaa, TV-ga Nigeria haday waraystaan iyo haday kuwa Soomaaliya waraystaan waa isku mid, wax u diidayaana ma jiro”ayuu yidhi.

 

Cukuse oo Tacsi u diray Xiddigaha

Laakiinse Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse ayaa isagu sheegay “Waxaan umadda Reer Somaliland oo dhan ka tacsiyadaynayaa falkaa foosha xun ee ay Fannaaniinta Xiddigaha Geesku ka galeen dalkooda, arrintaa waxaan u arkaa mid nasiib daro ah oo ay qaranka u geysteen Fanaaniintaasi, waanan ka tacsiyadaynayaa, anigoo ugu baaqaya inaanay iyaga iyo kuwa kale ee sida xun u fikiraa dib ugu kicin”ayuu yidhi Cukuse.

Doodda Xukuumadda ayaa la dareemayaa in cabudhin iyo cago juglayn badani ka muuqato, waxaanay Xiddigaha Geesku maalmo ka hor fuliyeen rabitaankii xukuumadda ee ahaa inay Raali gelin bixiyaan.

dadka la socday Muranka Xukuumadda iyo Fannaaniinta ayaa qaarkood aaminsanyihiin in talaabada lagu cabudhinayo Fanleydu saameyn ku yeelan karto Xoriyada Fanka oo ka mid ah waxyaabaha ay wadaagaan, una kala xaddeysnayn Dadka Soomaalida oo dhan guddo iyo dibad-ba.

laakiinse xaddidaada Xukuumadda Somaliland saartay Fanka Kooxdan oo aan hal mar ahayn, balse mar horena xadhig loogu geystay xubno ka mid ah kooxda Socdaal ay ku tageen Magaalada Muqdisho ee soomaaliya, laguna khasbay raalin gelin noocan ah,ayaa ah arrin ugub ku ah nidaamka dawliga ah.

 

Akhristeyaal sidaad u aragtaan Sheekaddan?

 

Fadlan ka soo dhiibta aragtidiina..

 

Email: curad1986@hotmail.com / editor@gobanimonews.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories