HomeCabsida Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan oo Isu-soo-dhaweeyey Sucuudiga iyo Israa’iil oo Shuruudo is-weydaarsaday

Cabsida Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan oo Isu-soo-dhaweeyey Sucuudiga iyo Israa’iil oo Shuruudo is-weydaarsaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sucuudiga oo Ogolaaday in Hawadooda Sare ay isticmaali karaan Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil weerar ay ku qaadaan Dalka Israa’iil marka loo baahdo

Brussels (SLpost)- Barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iran, ayaa u muuqda mid ku qasbaya Waddamada Sucuudiga iyo Israa’iil oo cadaawad fogi ka dhaxayso, inay isaga soo dhawaadaan sidii hore, sida ay lagu sheegay warbixinno ay daabaceen warbaahinta dalka Israa’iil qaarkood.

israel fightersSida uu baahiyey Telefishanka Channel 2 ee dalka Israa’iil oo soo xiganaya sarkaal Sare oo ka tirsan Midowga Yurub, dalka Sucuudiga, ayaa dawladda Israa’iil u oggolaaday inay diyaaradahoodu isticmaalaan Hawada Sare ee dalkaas markii loo baahdo inay weerar ku qaadaan dalka Iiraan, iyaga oo Sucuuudiga tan kaga beddeshay Israa’iil in natiijo wax ku-ool ah laga gaadho wada-hadallada nabadeed ee Falastiiniyiinta.

“Maamulka Boqortooyada Sucuudigu waxa ay si dhammaystiran uga wada-socdaan Israa’iil Arrimo kasta oo ku saabsan Iiraan,”sidaa waxa yidhi Sarkaal sare ee ka tirsan Midowga Yurub oo Telefishanku soo xigtay.

Isticmaalka Hawada Sare ee Sucuudiga, ayaa micno weyn ugu fadhiya dalka Israa’iil, taas oo ka dhigan inay diyaarada Cirka ee Israa’iil helaan dariiq ka dhow oo ay ka weeraraan Iiraan, iyaga oo aan u baahnayn inay ka soo wareegaan dhinaca Gacanka Beershiya.

Waxa kale oo telefishanku warbixintiisa ku sheegay in labada Waddan ee Yuhuudda iyo Dalka ugu weyn dunida Carbeed ay iska kaashadaan dhinaca Sirdoonka ku wejahan barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, iyaga oo labada waddanba ka wer-wersan natiijada ka soo bixi doonta wada-hadallo magaalada Geneva uga socda Iraan iyo Reer Galbeedka oo ku wejahan barnaamijkeeda Nukliyeerka iyo ujeeddooyinka ay dawladda Iiraan ka leedahay.

In kasta oo aanu jirin xidhiidh dibloomasiyadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo Sucuudiga, haddaba waxa jira hadal-haynta warar aan la xaqiijin oo sheegaya inuu jiro suurta-galnimada Iskaashi iyo wada-shaqayn ay ka leeyihiin arrimaha Nukliyeerka Iiraan.

Waddamo kale oo Carbeed, kana mid yihiin Masar, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ka walaac ka muujiyey Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, kaas oo iyaduna ay ku dooddo inuu yahay mid nabadeed oo xagga tamarta looga faa’idaysanayo.

Warbixinta laga sii daayey Telefishanka Channel 2, ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay jirto xiisad sii kordhaysa oo u dhexeysa Maraykanka iyo Israa’iil oo iyadu saluugsan mowqifka xukuumadda madaxweyne Obama ka taagan yahay barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

Raysalwasaaraha Yuhuudda, Netanyahu, ayaa tiraba dhowr jeer ka digay in dalka Iiraan loo oggolaado awoodda Nukliyeerka, halka xukuumadda Tehran ay kaga doodayso in barnaamijkeeda Nukliyeerku yahay mid nabadeed.

Xogo ku duugan macluumadyo ka fekeday Sirdoonka Yuhuudda oo dibadda u soo baxay, ayaa daboolka ka qaaday in reysal-wasaare Netenyahu uu marin-habaabiyey isla markaana warbixin khaldan uga sheegay Golaha Ammaanka barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, isaga oo ka digay in hal sanno oo kaliya uga hadhsan tahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan hanashada Hub Nukliyeer ah, iyada oo ujeeddada hadalka raysal-wasaaraha Yuhuuddu ahaa mid uu sabab iyo qiil uga dhiganayo inay Israa’iil xaq u leedahay weerar milatari oo ah ku qaaddo Iiraan marka loo baahdo.

Shanta Waddan ee joogtada ka ah isla markaana iska leh awoodda Diidmada Qayaxann ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka oo uu weheliyo Waddanka Jarmalka, layskuna yidhaahdo P5+1, ayaa wada-hadallo kula jira Dawladda Iiraan, iyaga oo ku cadaadinaya inay gebi ahaanba muddo 10 sanno ah fadhiisiso isla markaana ay xidho wershadaheeda Nukliyeerka iyo tayaynta Macdanta Uranium ee laga farsameeyo Nukliyeerka, waxaanay taas beddelkeeda u ballan-qaadeen in laga qaado cuna-qabataynta xagga Dhaqaalaha ka saaran dalka Iiraan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories