HomeCabsi laga qabo Hakad ku yimaadda baadhista Shidaalka gobolka Togdheer - W/Q:...

Cabsi laga qabo Hakad ku yimaadda baadhista Shidaalka gobolka Togdheer – W/Q: Maxamed A Ciise

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa beryahan gobolka togdheer ka taagnaa muran u dhexeeya shirkadaha shidaalka baadhaya iyo bulshada degaanka oo ka cabanaya in aan wax wada tashi ah lagala yeelan dhulka ay degan yihiin ee la rabo in shidaal laga baadho. Waxa na soo gaadhay in shalay dhibaato iyo iska hor imaad ka dhici gaadhay duleedka magaalada Sanyare oo ay shirkadaha shidaalku rabeen in ay shaqadii ka bilaabaan iyo dadkii dhulka deganaa oo arintaa ka gadooday.

Waxa iyana maalmahanba magaalada Burco odayada Beelaha dhulkaa degaa ka wadeen waan waan iyo bal in shirkadaha shidaalku ogolaadaan wada hadal oo laga wada hadlo xuquuqda dadka xoolo dhaqatada ah ee boqolaalka sano dhulkaa degana.

Waxa hadaba runtii wax laga xumaado ah inaan wada hadaladaasina ilaa hadda wax natiijo ahi ka soo bixin oo weliba la leeyahay badhasaabka Gobolka togdheer ayaa ku hanjabaya in uu ciidamo isticmaali doono si shirkaduhu khasab ugu qotaan dhulka ay rabaan iyadoo aan dadkii deganaa laga talo gelin.

Hadaba waxa is waydiin leh badhasaabku marka uu sidaa u hadlayo ma shirkadda ayuu wax la rabaa oo uu danteeda wadaa mise fashilinta mashruucan iyo shirkadan ayuu ka shaqaynayaa? Waa la fahmi karaa in uu badhasaabku rabo in uu dawlada u tuso inuu waxay rabto fulinayo, laakiin dawladu in caqli lagula shaqeeyo ayay rabtaaye in ceeb iyo dhibaato loo soo jiido miyay rabtaa? Dawladu ma waxay rabtaa in mashruuca shidaal baadhista la fashiliyo mise in la garab istaago? Hadii la rabo in mashruuca shidaal baadhistu guulaysto waa in la qadariyaa rabitaanka iyo baaqyada ka soo baxaya dadka degaanka ah oo laga qayb geliyaa wixii faaido ah ee laga helo dhulkooda, waa in ay qayb libaax ka helaan fursadaha shaqaalaynta iyo mashaariicda yarayar ee soo baxa. Waa in ay dareemaan in mashruucani uu yahay mashruucoodii ee aanay u dareemin in lagu soo duulay oo khayraadkii dhulkooda la boobayo, noloshoodiina la baabiinayo.

Waxa aan xasuusinayaa Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo in ay masuuliyadiisa tahay in la ilaaliyo xuquuqda iyo amaanka bulshada reer Somaliland. Wixii dhibaato ah ee meeshaa ka yimaadana waxa lagula xisaabtami doonaa dawladda Somalialnd ee uu madaxmweynuhu hogaamiyo, iyo shirkadaha shidaalka doonaya inay xoog iyo khasab ku baadhaan. Bulshada degaanku hada in badan ayay ka digtay dhibaatada halkaa ka soo socoto, jawaabta rasmiga ah ee ay heleena waxa weeyaan ciidamo ayaa la raacinayaa shirkada oo khasab ayaa lagu qodayaa.

Waxa kaloo aan xasuusinayaa Wasiirka arimaha gudaha Mudane Cali Warancadde oo ay hoos yimaadaan badhasaabka gobolka Togdheer iyo ciidamada amaanku in ay musuuliyadiisa koowaad tahay in uu ilaaliyo xuquuqda muwaadinka oo ka horaysa danaha dhaqaale ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qaarkood ajaanibka yihiin.

Waxa is weydiin leh maxaa loo diidayaa in wada hadal iyo heshiis lala gaadho dadka dhulkaa la baadhayo degan ee loogu hanjabayaa? Waa maxay faaiidada dawlada ugu jirta in shirkadahan private ka ahina 100% faaiidaan oo waxay rabaan xoog lagu socodsiiyo oo ciidanka qaranka loo adeegsado, dadka deegaanka ah ee reer Somalialndna 100% khasaaraan oo la barakicyo, xuquuqdooda lagu tunto oo la duudsiyo? Side ayayse u suurtoobaysaa in dhul dadkii deganaa aanay ogolayn shirkado ajanabi ah la dejiyo oo layidhaa baadhitaan ayay ka smayanyaan, miyaanay masuuliyad daro iyo xiisad abuur ahayn? Hadii aan sida hada wax u socdaan laga bedelina runtu waxay noqonaysaa in wax la sahaminayaa uu yahay khasaare iyo dhibaato ee aanu ahayn shidaal iyo barwaaqo Soamaliland u soo baxda.

Waxaan ku soo geba gebaynayaa xikmada tidhaahda, “Isu tanaasulku waa markaad fahanto in jeex rooti ahi ka fiicanyahay rooti la’aan, madax nimaduna waa markaad fahanto in jeex rooti ahi ka fiicanyahay xabad rooti ah” xikmadan oo macnaheedu yahay, isu tanaasulku wuxuu keenaa in cid waliba wax faaiido, halka tanaasul la’aantu keento in cidwaliba khasaarto ama qaddo. Madaxnimaduna waa marka aad fahanto inaad dadka wax u reebto oo aanad waxa meesha yaalba adigu xoog iyo khasab ku wada qaadan, waayo dhaqankaasi maaha dhaqanka madaxda iyo dawladnimada.

Alaa Mahadleh

Mohamed A Issa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories