HomeCabsi ka taagan Burburka Dayax-gacmeed Maraykanku leeyahay oo Jimcaha ku soo aaddan...

Cabsi ka taagan Burburka Dayax-gacmeed Maraykanku leeyahay oo Jimcaha ku soo aaddan dhulka iyo halka uu ku dhici doono oo aan la garanayn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankNew York, (SLpost)- Laanta sahaminta hawada sare u qaabilsan dalka Maraykanka ee NASA ayaa si cad u shaacisay in dayax gacmeed ay leeyihiin oo gaboobay isla markaana hawl gab ahaa, uu maamulkii gacmahooda ka baxay dhulkana ku soo beegan yahay maalinta jimcaha ah ee soo socda, inkastoon la garan karayn meesha uu ku dhici doono. Dayax gacmeedkan oo lagu magacaabo (UARS) waxa la diray 20-sanadood ka hor, waxaanu u shaqaynayay sidii xarun baadhitaan oo hawada sare ah, waxa loo xil saaray markii hore inuu sahamin buuxda ku sameeyay qaybta oogada sare ee dhulka iyo wixii cilmi baadhis ah ee la xidhiidha. Hasa yeeshee waxa u hawl gab noqday sanadkii 2005-tii inkastoo la awoodi karayay maamulida iyo hagitaankiisa dhulka lagu wado. Haddaba sida NASA sheegtay waxa uu dayax gacmeedkani gabi ahaanba hawada ka baxay wakhti hore, laakiin wuxuu ku sugnaa qaybta hawada sare ee aan cuf-isjiidadka lahayn, halkaas oo halista uu ku hayo dhulku aad u yarayd, wakhtiyada qaarkoodna la helayay signalkiisa. Sida Laanta sahaminta hawada sare dalka Maraykanka u qaabilsan ee NASA sheegtay waxa gabi ahaanba go’ay xidhiidhkii iyaga iyo dayax gacmeedkaa u dhexeeyay, waxaanu ka soo baxay qaybtii sare uu ammaanka ku ahaa, sida khabiirada NASA sheegeen dayaxgacmeedkan ayaa in badan oo ka mid ahii waxa ay ku burburtay hawada sare, laakiin waxa gibilka sare ee oogada dhulka soo gaadhaya hal tan iyo dheeraad, kuwaas oo meel ay ku beegan yihiin aan la sii saadaalin karin, sida NASA cadaysayna la ogaan karo uun laba saacadood ka hor marka uu hawada dhulka soo galo. Xawaaraha uu ku socdo ayaa aad u sareeya sida injineerada NASA sheegeena halkii ilbidhiqsi waxa uu jarayaa xawaare dhan 5Mile oo u dhiganta (8-km). arrinta kaliya ee la cadeeyay ayaa ah in burburka dayax gacmeedkaasi dunida ku soo beegan yahay maalinta jimcaha ama 24-ka September, lana ogaan karo marka laba saacadood ama wakhti ka yari uga hadhsan yahay inuu ku habsado meeshii uu ku dhici lahaa. Laanta sahaminta hawada sare ee dalka Maraykanka (NASA) ayaa xogo laga helay sheegayaan in uu ku beegan yahay inta u dhaxaysa 57-digrii oo waqooyiga dhul badhaha ah, ama 57-digrii dhinaca koonfureed ee dhul badhaha aduunka ah, tilmaamahaas oo ku kala beegan gobolka Alaska ee dalka Maraykanka iyo koonfurta qaarada Amerika gaar ahaan dalka Chile. Si kastaba ha ahaatee burburkan ayaa meesha uu ku habsado ku keeni kara khasaare naf iyo maalba leh haddii uu ku dhaco meel dad degan yahay. Waxa kale oo jira cabsi laga qabo kumayaal wasladood oo burburkani u kala faliidhmayo ka hor intaanu ku habsan meesha uu ugu danbaynta ku dhacayo, wasladaha oo mid walba qiyaas u gaar ah leedahay, waxa suura gal ah in meelo aad u kala durugsan oo dunida ay ku kala dhacaan, isla markaana gaysan karaan, dhibaato degaanka iyo noolahaba halakaysa. Burburka qaybaha uu u kala Jajabo burburkani ayaa ah sida NASA sheegtay hanti dawlada Maraykanku leedahay oo aan dano gaar ahaaneed loo isticmaali karin, waxaana meesha uu ku dhaco haddii aanay cidi ku waxyeeloobin dawlada dalkaasi ku bixin doontaa Balaayiin dollar oo lagu nadiifinayo burburka iyo qashinka ka dhasha. Inkastoo dayax gacmeedkani aad uga yar yahah kii sanadkii 1979-kii dalkaas ka burburay ee ku dhacay xeebaha dalka Australia, haddana waxay ay dawlada Maraykanku ka cabsi qabtaa inuu ka galaafan doono ama dalkooda loo qabsan doono balaayiin doolar oo mag-dhow naf iyo maalba leh haddii uu ku dhaco meel aan wadankooda ahayn.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories