HomeCabdullaahi Borleh Oo La Aaminsanyahay Inuu Yahay Ruuxii Isku Qarxiyay Dayuurada Oo...

Cabdullaahi Borleh Oo La Aaminsanyahay Inuu Yahay Ruuxii Isku Qarxiyay Dayuurada Oo Noqday Macalin Caan Ah

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Muqdisho(SLpost)-Cabdullaahi Borleh waxaa uu ahaa macallin aad looga yaqaan woqooyiga Soomaaliya. Wakaaladda wararka Ap waxay sheegtay in lagu yiqiin inuu yahay nin diineed laakiin uusan ahayn xagjir.

Baarayaasha qaraxii dayuuradda waxay sheegayaan in bomb-kii sababay qaraxa dayuuradda uu ku jiray boorso computer-ka dhabta la saarto oo Borleh uu dayuuradda la fuulay, ayna u badan tahay inuu gacan ka helay dad ka shaqeeya garoonka dayuuradaha si aan loo arkin.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka ammaanka ee garoonka dayuuradaha oo lagu arkay camero-yinka TV ee garoonka ku xiran, ayaa waxaa uu ka mid yahay ugu yaraan 20 qof oo loo qabtay shilkaasi dhacay.

Video-gaas waxaa ku jira sarkaalka iyo nin kale oo la kulmaya nin 3aad, oo la aaminsan yahay inuu yahay Borleh, oo isagu shay ka guddoomaya raggaas. Kaddib markii uu qaraxu ka dhacay dayuuradda, meyd ayaa laga helay meel u dhow caasimadda Muqdisho, kaas oo la rumaysan yahay inuu dayuuradda ka soo dhacay.

Warbaahinta Soomaalida qaarkeed waxay sheegeen in qoyska Borleh ay meydkiisa garteen, waxayna sheegeen inuu u socday waddanka India si loogu soo daaweeyo.

Natiijooyinka baaritaanka weli lama soo saarin, ilaa iyo haddana saraakiisu daboolka kama qaadin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Borleh iyo dagaallamayaasha al-Shabaab oo iyagu sheegay inay ka dambeeyeen weerarkaas.

Hay’adaha dowladdu wixii markaasi ka dambeeyay waxay kordhiyeen tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka gudaha iyo agagaaraha garoommada dayuuradaha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories