HomeCabdiweli Faarax Jaamhiir: Haldoor ka Baxay Saxaafadda Somaliland (Shakhsiyadda iyo taariikhnololeedka Marxuumka...

Cabdiweli Faarax Jaamhiir: Haldoor ka Baxay Saxaafadda Somaliland (Shakhsiyadda iyo taariikhnololeedka Marxuumka oo kooban)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Allaah ha u naxariistee Suxufigii weynaa ee Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa galabta ku oo ay bishi tahay 6-da bisha 8-aad ee sannadka 2014-ka ku geeriyooday Cusbitaalka New Hargeysa ee magaalada Hargeysa oo uu toddobaadyadii ugu dambeeyey u jiifay Xanuun.

cabdi weli jaambiirAllaah ha u naxariistee, Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa ahaa mid ka mid ah dadka aqoonta Saxaafadda leh ee muddada ka soo shaqaynayey Warbahainta kala duwan ee dalka Somaliland, isagoo ka soo shaqeeyey Wargeysyada Jamhuuriya, The Repuplican, Telefeshinkii ugu horreeyey ee Somaliland laga hirgeliyo ee Somaliland TV oo markii dambe magiciisa loo beddelay Somaliland Space Chenal, waxaanu markii dambe illaa 2006-dii ka shaqaynayey Wargeyska Ogaal oo uu abuuray Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir, kaasoo uu markii dambe Guddoomiye ka noqday, iyaga oo Wargeysyadaasi dhammaantood ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Cabdiwali Faarax Jaambiir waxa muddada uu Saxaafadda Somaliland ka shaqaynayey lagu bartay soo saarista Barnaamijyo xiiso badan oo taariikhda Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM iyo sidii ay Somaliland ku xoreeyeen, isla markaana waxa kale oo uu caan ku ahaa baahinta iyo diyaarinta Barnaamijyo Taariikhda dalalka Caalamka ah, Turjumaadda Buugaag kala duwan oo aad loo jeclaysan jiray wakhtigii uu waday iyo Curinta Sheekooyin Dhab ah oo uu qori jiray.

Waxa kale oo uu Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir caan ku ahaa oo uu ka mid ahaa Macallimiinta aqoonta badan leh, isla markaana soo saaray Jiilal badan oo kala dambeeyey, waxa uu wax ka dhigi jiray Iskuullada dawliga ah bilawgii 2000, waxa kale oo uu kaga sii magac iyo milgo weynaa Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Nuura-diin, Dugsigii Waaberi, Aflax iyo kuwo kale oo uu ka dhigi jiray Luuqadda English-ta (Ingiriisida), isla markaana Arday badani ka aflaxeen, aadna ay Ardaydu u jeclayd wax dhigistiisa iyo fahansiinta casharrada, maaddaama oo uu Hodan ku ahaa Luuqadaha Ingiriisida iyo Soomaaliga.

Allaah ha u naxariistee waxa uu Cabdiwali Faarax Jaambiir hirgeliyey ama sida Ugxanta ama Beedka u dillaaciyey dhalinyaro kala duwan oo maanta ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinta kala duwan ee dalka iyo Warbaahinta caalamiga ah, sida Idaacadaha BBC-da, VOA-da, TV-yada kala duwan, Wargeysyada iyo Website-yada ama Shabakadaha wararka ee Somaliland, kuwaasoo uu si weyn oo hagar la’aan ah u soo gacan-qabtay muddadii uu Bahda Saxaafadda Somaliland ka tirsanaa.

Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa ahaa nin Dabeecad furfuran oo kaftama, isla markaana dadka u fiicnaa, inkasta oo uu dhawrkii sannadood ee u dambeeyey xanuunsanayey oo aanu aad uga dhex-muuqan Warbaahinta, waxa ay tiisii noqotay Allaah ha u naxariistee maanta oo uu ku geeriyooday Cusbitaalka New Hargeysa oo ku yaalla Xaafadda New Hareysa oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee Caasimadda Hargeysa. Waxaana la aasi doonaa Berri oo ah maalin Khamiis ah oo ay bisha siddeedaad 2014-ka tahay 7, sida uu noo xaqiiyey Muuse Faarax Jaambiir oo ay Marxuumka Walaalo yihiin, waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha Naasa-Hablood ee Duleedka Waqooyi-Bari ee Hargeyssa.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxa uu muddadan dambe u jiifay Xanuunka Joonis-cadka (Hepitits B), kaasoo uu maanta u geeriyooday. Marxuumku wax Carruur ah ifka kagama tegin, waxaanu guursaday laba Xaas oo ay midkood kala-tageen, Haweenayda labaad-na ay hadda wada-joogeen. Hase-yeeshee, Cabdiwali waxa lagu xasuusan doonaa waxa uu ku tabcay oo uu soo saaray dad badan oo weliba u badan dhalinyarada reer Somaliland ee kacaamay bilawgii sagaashamaadkii, kuwaasoo ay wax-barashada isku soo gaadheen.

Isla markaana aqoon, dhiirrigelin, gacan-qabasho iyo wax la-qabashaba uu ugu deeqay. Waxa uu ahaa ruux qalbi wanaagsan oo jecel in qofkastaa horumar gaadho, isla markaana aad u dhiirrigeliya oo si weyn ula talin jiray dhalinyarada uu arkay inay dedaalayaan, kuwa dedaalkoodu kooban yahayna kula talin jiray inay dedaal muujiyaan oo ay higsadaan kuwa hadba muraayadda ama hormuudka u ah ee iyaga ka horreeyey, isaga oo si cilmiyan ah ugu sheekayn jiray dadka uu wax u sheegayo.

Illaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxaannu haddaannu nahay Bahda Warbaahinta Somalilandpost.net ALLAAH uga baryeynaa Cabdiwali inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland. Aammiin…..Aammiin….Aammiin. Innaali-laahu Wa-innaa-ileyhi Raajucuun. Allaah baa innoo sheegay in Nafkastaa ay dhadhamin doonto geerida malain ka mid ah maalmaha ay adduunyada ku sugan tahay.

Xigasho: Aftahan news

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories