HomeCabdirisaaq Khaliif oo Iska Casilay Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

Cabdirisaaq Khaliif oo Iska Casilay Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta shaaciyey inuu iska casilay xilka Guddoomiyaha iyo xubnimada Golaha Wakiillada oo uu muddo laba sanno ku dhow hayay.

Cabdirisaaq Khaliif oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood, waxa uu sheegay inuu iska casilay xilkaas, xubinimadii Golaha Wakiillada iyo Sidoo kale Xubinimadii uu ka hayay Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa toddobaadkan Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Golaha Wakiillada u gudbiyay dacwad ka dhan ah Cabdirisaaq Khaliif oo lagu eedeeyey inuu ku kacay fal-dambiyeed ka dhan ah Qaranka kaddib markii uu la soo saftay malleeshiyaadka nabad-diidka ah ee gacanta ku haya magaalada Laascaanood, kuwaas oo dagaal kula jira Ciidanka Qaranka Somaliland.

Maxkamadda Sare ayaa Golaha Wakiilllada ka codsatay inay muddo 7 maalmood ah kaga soo jawaabaan dacwadda lagu eedeeyey Cabdirisaaq Khaliif, waxaanay tani sababtay in mudaneyaasha Goluhu u ballamaan fadhi ay go’aan kaga gaadhayaan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillad oo intooda badani ayidsan yihiin dacwadda lagu soo oogay Cabdirisaaq Khaliif.

Cabdirisaaq Khaliif oo muddo dhowr bilood ah fadhiyey Laascaanood kaddib markii uu shaaciyey inuu taageersan yahay go’aamo ka soo baxay Garaaddada Laascaanood oo go’aamiyey inay samaysanayaan maamul ka madax-bannaan Somaliland, iyagoo ku baaqay in ciidanka Qaranku isaga baxaan gobolka Sool.

Cabdirisaaq Khaliif oo ka soo baxay Xisbiga Waddani oo uu gobolka Sool u metalayey, ayaa xilka guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doortay 3-dii August, 2021-kii kaddib loolan adag oo dhexmaray Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo Xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool Doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo dalka ka qabsoontay bishii May 2021-kii.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa siyaasadda Somaliland ku soo biiray sannadkii 2010-kii kaddib guushii Xisbiga Kulmiye ee uu gadh-wadeenka u ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu ka mid noqday Golihii wasiirrada ee ugu horreeyey xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, isagoo noqday Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu soo qabtay Xilka Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta oo uu hayey ilaa sannadkii 2015-kii wakhtigaas oo isaga iyo xubno kale ay iska casileen Golihii Wasiirrada ee Xukuumaddii Siilaanyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories