HomeCabdiraxmaan Cirro oo Toban sanno kaddib markii la doortay sheegay inay isaga...

Cabdiraxmaan Cirro oo Toban sanno kaddib markii la doortay sheegay inay isaga & Naftiisu Su’aalo iska weydiinayaan sii-fadhiga iyo ka kicista Kursiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, ayaa sharraxaad ka bixiyey Su’aalo uu sheegay in Naftiisu weydiisay iyo waxa uu ugaga jawaabay naftiisu qodobbada ay isa su’aashay, isla markaana waxa uu farriin u diray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu ku dooday in Naftiisu weydiisay in Xildhibaan Golaha Wakiillada ah loo doortay 2005-tii muddo shan sano ah illaa maantana uu fadhiyo, waxaanu sheegay inuu ugu jawaabay in sannadkan gudihiisa uu diyaar u yahay inuu doorashada galo, isla markaana aanu u fadhiyin muddo-kordhin dambe in uu ku sii joogo Kursiga uu shantii sano ee la doortay iyo shan kale oo muddo-kordhin ku yimi ku fadhiyey.

cirro“Naftayda waxaan leeyahay waxaa laguu doortay Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada September 2005-tii. Muddo-xileedku wuxuu kaa dhammaaday September 2010-kii. Naftaydu waxay iigu jawaabay inay arrintaas u diyaar tahay oo aanay rabin Muddo- korodhsi dambe. Naftaydu waxay leedahay muddadii laguu kordhiyey ee shanta sano ahayd waxay kaaga egtahay 26-June 2015. Naftaydu waxay I leedahay waxaan diyaar u ahay in doorashadii la qabto 26-ka June 2015, haddii la qaban waayana Golaha halla kala diro.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad ay Isbahaysi-siyaasadeed ku samaysteen labada Xisbi Mucaarad ee UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga Somaliland oo lagu qabtay Hageysa.

Cabdiraxmaan-Cirro oo sii watay hadalkiisa, isla markaana Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo farriin u diraya, waxa uu yidhi; “Eray waxaan leeyahay Madaxweynaha, waxaan jecelahay inaan Madaxweynaha u mahad-naqno, mar kasta wuxuu ku celiyaa inuu doorashada diyaar u yahay wakhtigeediina la qabanayo.Waxaan xusuusinayaa Madaxweynaha doorashadii Madaxtooyada iyo tii Wakiilladuba inay tahay 26-ka June 2015, markaa Madaxweyne waxay Shacbigu kaa sugayaan inaad ku dhawaaqdo maalinta doorashada la qabanayo.”

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu ka sheekeeyey Sheeko aad u qosol iyo xiiso badatay markii uu jeedinayey oo uu Xukuumadda talada haysa is-bahaysiga ay ku dhawaaqeen-ba ugu duur-xulay, waxaanu yidhi; “Waxaan jecelahay inaan Sheeko yar oo aan meelin dhawayd meel ka soo bawsaday ka yara horraysiiyo dardaarankayga, waxay ku saabsanayd; Nin arkay Daba-qallooc Biyo ku dhucay, dabadeedna wuxu is-yidhi biyaha ka badbaadi, Qaniinyo kulul buu gacanta kaga dhuftay, dabadeedna wuu qayliyey, haddana wuxu arkay Daba-qalloocii oo sii qarraqmaya wuxu is-yidhi Badbaadi, mar labaad buu biyihii gacanta la galay haddana qaniinyo kulul buu ku dhuftay, isagoo aad u xanuunsanaya ayuu arkay bahalkii oo sii dhimanaya, mar saddexaad buu biyaha gacanta geliyey oo uu is-yidhi badbaadi mar saddexaadkiina waa qaniinay.”

“Dabadeedna nin kale ayaa yidhi; ‘waar Dub-qallooca Abaalkiisu waa Qaniinyo! Ee waxaan kugula talin lahaa ha iska dhintee iska iska daa. Dabadeedna Ninki wuxu yidhi; ‘waxaan ka baqayaa inaan yeesho dhaqanka Daba-qallooca, kolkaa bahalkan waan badbaadinayaa buu yidhi ama ha I qaniino ama ha iska daayee.! Markaa, waxaan leeyahay Axsaabta iyo Madashada yeynaan yeelannin Dhaqankaas Daba-qallooca, laakiin aan yeelanno dhaqankaa badbaadinta ee ninkaasi doortay.” Sidaa ayuu yidhi Cirro.

Waxaanu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo u sii gondo-degaya ujeeddada iyo nuxurka uu ka lahaa sheekadan uu yidhi; “Xukuumadda Somaliland waxay iyadu yeelatay dhaqanka Bahalkaa aynu sheegayno ee Daba-qallooca ah. Awdal Qaniinayey tirsanaysaa, Sool iyaduna qaniinyey tirsanaysaa, Sanaag qaniinyaa ku maqan, Saaxil baa ugu dambaysay oo taaheedi baxayaa maanta. Waxaanan rumaysnahay in Isbahaysigani u samaysmay inaynu Qaranka badbaadinno, waxaynu doonaynaa inaynu Qaranka badbaadinno oo ay dhaqankeennu noqdo dhaqan badbaado.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu Shacabka reer Somaliland u soo jeediyey oo yidhi; “Waxaan Shacbiga Somaliland u sheegayaa malaha ma ogee inay leeyihiin awoodda ugu badan ee dalka, waxaan u sheegayaa inaynu nabadda wada ilaalinno, waxaanan leeyahay ha isku eegina Isbahaysiga Mucaaradka iyo Xukuumadda ee ka Qaranka badbaadinaya taageera.”

Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera hirgelinta geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha doorashooyinka ku baxa inta badan, ayuu Cabdiraxmaan-Cirro Baaq u diray, waxaanu yidhi; “Beesha Caalamka waxaan leeyahay innagoo dhammaanteen u mahad-naqayna inay gacan buuxda innala barbar-istaagaan si loo sameeyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories