HomeCabdiraxmaan Cirro oo shaaciyey inuu mar kale u tartamayo Jagada Guddoomiyaha Xisbiga...

Cabdiraxmaan Cirro oo shaaciyey inuu mar kale u tartamayo Jagada Guddoomiyaha Xisbiga Waddanni

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta shaaciyey inuu yahay murashax mar kale u tartamaya jagada Guddoomiyaha xisbigaas marka uu furmo shirweynaha xisbiga Waddani oo loo muddeeyey dhammaadka bisha October ee sannadkan.

cabdiraxmaan cirroGuddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo shirweynihii 3aad ee Golaha Dhexe oo bishii March ee sannadkan ku qabsoomay Hargeysa markii saddexaad loogu doortay murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga, ayaa hore u ballan-qaaday inuu jagada guddoomiyaha Xisbiga ku wareejinayo siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdiqaadir Jirde.

Guddoomiye Cirro ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Waxa aan maanta oo Jimce ah si rasmi ah u iclaaminayaa in aan ahay Murashax u taagan Jagada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aan ka dhex tartami doono Shirweynaha Xisbiga oo qabsoomi doona 30-31 Oktoobar 2021. GUUL.” Sidaas ayuu guddoomiye Cirro ku sheegay qoraalkiisa.

Shirweynaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo qaban-qaabadiisu ka socoto magaalada Hargeysa, ayaa lagu wadaa inuu dhawaan furmo, waxaana la saadaalinayaa in shirkaasi uu ka duwanaan doono shirarkii hore maadaama oo Guddoomiye Cirro mar kale u tartamayo jagada guddoomiyaha Xisbiga oo ay quud-daraynayaa siyaasiin miisaan leh oo saamayn xooggan ku leh gudaha Xisbiga, isla markaana cudud taageero ku kordhiyey Xisbiga.

Siyaasiyiinta hore ballan-qaadka loogu sameeyey, hunguriga siyaasadeedna u hayo inay gacanta ku dhigaan jagada guddoomiyaha Xisbiga waxa ka mid ah Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xilligan ku maacaabaninuu yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories