HomeCabdiraxmaan Cirro oo ku baaqay Kacdoon Shacbi, is-casilaaddiisana Shuruud ku xidhay

Cabdiraxmaan Cirro oo ku baaqay Kacdoon Shacbi, is-casilaaddiisana Shuruud ku xidhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa soo jeediyey in la kala diro xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isla markaana xukuumad ku-meel-gaadh ah la soo dhiso haddii aan talo-qaran oo loo dhan yahay laysaga iman, go’aan cadna laga qaadan haddii wakhtiga doorashadu dib uga dhacdo 26-ka bisha June ee sannadkan oo qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada hore loogu muddeeyey.

cirroCabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inaanay jirin duruuf khasbaysa dib-u-dhac ku yimaadda doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilladda Somaliland iyo muddo-kordhin Xukuumadda loo sameeyo, waxaanu taas ku tilmaamay xil-gudasho la’aan Xukuumaddu ku kacday dib u dhac kasta oo ku yimaadda Xukuumadda, isagoo intaas ku daray inaanay WADDANI ahaan aqoonsan doonin Xukuumadda marka muddada sharciga ah ee Madaxweynuhu dhammaato.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa uu shacbiga ugu baaqay inay horjoogsadaan tallaabo kasta oo lagu suurto-galinayo muddo-kordhin xukuumadda loo sameeyo, isaga oo dhinaca kale Golaha Guurtida ugu baaqay inaanay xukuumadda u horseedin muddo-kordhin ay xilka ku sii hayso wixii ka dambeeya 26-ka bisha June.

Cabdiraxmaan Cirro oo maanta ka hadlayey munaasibad Munaasibad Xisbiga WADDANI ku qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ugu horeyn ka hadlay mowqifka xisbiga Waddani ee doorashooyinka, waxaanu yidhi, “Xisbiga WADDANI, waa daneeye muhiim ah oo u taagan in la qabto doorasho Xor ah oo Xalaal ah oo xilligii Dastuuriga ahaa ku dhacda. Xisbiga WADDANI, wuxuu ku guubaabinayaa daneeyeyaasha doorashada, inaan marnaba laga leexin yoolkoodii ahaa in doorashooyinku wakhtigoodii dastuuriga ahaa ku qabsoomaan. Waxa kale oo Xisbiga WADDANI ku boorrinayaa daneeyeyaasha doorashada in Madaxweynaha iyo Xukumaddiisa lagala Xisaabtamo wixii dib-u-dhac ah ee ku yimaadda doorashooyinka.

Xisbiga WADDANI, wuxuu qabaa inay xaqiiqo tahay dib-u-dhac kasta oo ku yimaadda doorashada, inaanay ahayn arrimo farsamo, balse uu ku yimid Siyaasad ula-kac ah iyo Istaraatijiyad Madaxweynaha iyo Xukumaddiisu wataan.”

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu baaq u jeediyey Shacabka, Golaha Guurtida Somaliland iyo beesha Caalamka, waxaanu yidhi, “Xisbiga WADDANI, waxa uu si adag ugu baaqayaa in Golaha Guurtidu ka waantoobo muddo-kordhin aan Dastuuri ahayn, oo lagu asturayo Madaxweyne, Xukuumad iyo Gole Xilalkoodii Dastuuriga ahaa gabay oo doorasho xilligeedii ku qaban waayay.”

“Xisbiga Waddani, wuxuu Shacbiga ugu baaqayaa inay Is hortaagaan Talaabo kasta oo loogu Hollado in la hor istaago Xaqooda Dastuuriga ah, oo ah inay Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ku bedelaan sanduuqa Codbixinta balse aan lagu bedelin Muddo-kordhin Cid aan xaq u lahayni samaysay.”

Xisbiga WADDANI, waxa uu Bulshada Caalamka iyo Shacbigaba ugu baaqayaa in Cidkasta oo Carqaladaysa ama is-hortaagta doorashooyinka loo aqoonsado fidmo-wade. Qodobkani wuxuu si toos ah u saamaynayaa Xisbiyadda Qaranka, Waddanina ha noqdee,Xukuumadda, Madaxtooyada iyo Goleyaasha xeer dejinta.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Haddii Xukuumadda iyo Madaxtooyada Somaliland, si badheedh ah oo qaawan u hor-istaagaan in doorashooyinku ku dhacaan Xilligoodii Dastuuriga ahaa, lana helin Xal lagu heshiiyay ka hor 26-ka June, wuxuu Xisbiga WADDANI soo jeedinayaa in Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada la kala diro, lana dhiso doorasho xilkeedu yahay inay doorasho xor ah oo xalaal ah dalka gaadhsiiso wakhtiga ugu gaaban ee suuro galka ah.”

Guddoomiye Cirro oo daba-socday hadal-hayn ku saabsan xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Wakiillada oo la sheegay inuu iska casilayo, waxa uu sheegay, “Baryahan waxaa la is waydiinayay Guddoomiyuhu miyuu iscasilayaa? Waxay ila tahay taasi su’aal maaha ee waa Hal-xidhaale, waxaanan ka jawaabayaa marka Madaxweynaha Somaliland Digreeto ku soo saaro xillliga doorashada la qabanayo,” Sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories