HomeCabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi oo Safar ujeeddooyin kala duwan xambaarsan ugu...

Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi oo Safar ujeeddooyin kala duwan xambaarsan ugu baqoolay Dalka Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay si wada-jir ah ugu socdaal ujeeddooyin kala duwan xambaarsan ugu kicitimay dalka Itoobiya.

gudodomiyeyaashMa jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ujeeddada socdalka labada guddoomiye oo shalay ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, masuuliyiintuna kama hadal waxa uu daarran yahay socdaalkoodu, haseyeesheee ilo-wareedyo si dhow ula socday socdaalka labada masuul, ayaa noo xaqiijiyey in socdaalkoodu isugu jiro arrimo siyaasadeed iyo mid gaar ahaaneedba.

Ilo-wareedyada aanu soo xigannay, waxa ay intaas ku dareen inay labada guddoomiyo kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin aan la carrabaabin oo ka tirsan dawladda Itoobiya iyo marti-qaad ay ka heleen maamul mid ka mid ah jaamacadaha ku yaala magaalada Hargeysa, balse xaruntooda koowaad ku taalo Addis Ababa, halkaas oo ay kaga qayb-geli doonaan munaasibad qalin-jabin ah oo ay qayb ka yihiin arday reer Somaliland ah oo dalka Itoobiya waxbarasho u joogta.

Safarka labada guddoomiye ujeeddooyinka kala duwan ugu baqooleen magaalada Addis Ababa, ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii ay dawladda Itoobiya shaaca ka qaadday inay dib-u-furtay xuduudka ay la wadaagto Somaliland oo muddo bilo ah u xidhnaa sababo dhinaca ammaanka ah.

Waa markii labaad muddo bil gudaheed ah oo labada guddoomiye ay si wada-jir ah u wadaagaan socdaal dibadeed ugu baxaan waddamada deriska ah, waxaanay sidan oo kale dabayaaqada bishii hore si wada-jir ah safar ugu baxeen dalka Jabuuti oo ay kaga qayb-galeen munaasibad loo sameeyey Meherka gabadh uu dhalay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo masuuliyiin labadoodu ka mid ahaayeen marti-qaad u fidiyey.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories