Home"Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali-waraabe.waa halyeeyo qaran-dhis ah oo doonaya inay qaranka...

“Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali-waraabe.waa halyeeyo qaran-dhis ah oo doonaya inay qaranka kor u qaadaan oo ay kaliya kala fikir duwan yihiin xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa” Madaxweyne Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si waafi ah bulshada ugu sharraxay muhiimadda ay leedahay kala duwanaanshaha afkaarta iyo ra’yi-yada siyaasiyiinta   dhexdooda ah, waxaana uu tilmaamay inaanay jirin colaad dhex taalla oo warwar gelisa bulshada inteeda kale.

IMG_9478Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay madal lagu xusayey sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku sugnaayeen madaxweyneyaal, iyo ku xigeeno  hore oo dalka soo maray iyo hoggaanka axsaabta mucaaridka iyo muxaafidka ee dalku, ayaa sheegay in aanay jirin wax colaad ah oo u dhaxaysa siyaasiyiinta ku legdamaya hoggaaminta qaranku, “Xafladda Maantu waxa ay muujinaysaa inay Somaliland tahay qaran Dimuqraaddi ah oo ku socda wada-tashi iyo is-tixgelin, dadka qaarkiina way la yaabaan Dimuqraaddiyadda dhibteeda, waxaana ay u qabaan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda ama marka la gelayo doorashooyinka Erayada iyo doodaha la is-weydaarsanayo waxa ay u qaataan colaad iyo kala-tag, dad badan baana yidhaahda waxan dalku uma baahnee hallaga daayo, sidaa ma ahee xaqiiqadu waa mucaaraddada, afkaarta kala duwan iyo qaybsanaanta ra’yiga iyo dooddu waa quruxda iyo dhismaha ay Somaliland ku dhaaftay qayrkeed, Somaliland-na waxa ay aaminsan tahay kala duwanaanshaha ra’yiga iyo Aaraa’da la isku khilaafayo, doodda adag iyo saxaafadda madaxa bannaan ee raadinaysa qaladkii aad gashaba ay tahay waxa aynu ku dhaafnay dalalka qayrkeen ee Afrika oo dhan oo maanta la inagu majeernayo innaga oo aan cidina ina ictiraafin, cidina wax ina tarin heerka aynu soo gaadhnay maamul-wanaageenna, Dimuqraaddiyadeena iyo is ogolaanshaheenna,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biiixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay Dimuqraadiyadda iyo wada-jirka ka jira gudaha Somaliland tahay mid heer lagu faano gaadhay, isla markaana bulshada reer Somaliland oo dhammi ka midaysan tahay horumarka qaranka Somaliland, waxaana uu yidhi, “Ma jiro dal Afrika ah oo ay sidan oo kale isugu wada yimaadaan madaxweynihii, madaxweyneyaashii hore, kuwii SNM hoggaaminayey ee madaxda u ahaa, xisbiyadii mucaaridka ahaa iyo dhammaan qarankii oo dhammi, marka ay danta guud tahayna inaynu mid nahay bay ku tusaysaa oo aynu cadowga meel uga soo wada jeedno, dhammaanteenna aynu doonayno dhismaha iyo horumarka qaranka Somaliland.”

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u carrabaabay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, waxaana uu ku sifeeyey halyeeyo dhismaha qaranka heegan u ah, balse ay xagga fikirka ku kala duwan yihiin xisbiga talada haya ee KULMIYE, “Guddoomiyaha WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, labaduba waa halyeeyo qaran-dhis ah oo doonaya inay qaranka kor u qaadaan oo ay kaliya kala fikir duwan yihiin xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa, balse ay qaranka u siman yihiin wanaagiisana ay doonayaan, marka ay qaran tahayna loo midaysan yahay, laakiin marka ay  kala duwanaanshaha fikradaha iyo in la is dhaliilaa waxa ay u jeedda tanaa toosan iyo tanaa toosan, dadkana waxan u sheegayaa inaanay jirin cadowtinimo iyo meel lagu kala maqan yahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland ku dhaadanayso isku duubnideeda, isla markaana ku faanayso ha’yadaha kala duwan ee  qarankeedu shaqooyinka ay hayaan iyaga oo u madax-bannaan hawlahooda shaqo, isaga oo bulshadana ka codsaday inay isku duubni iyo wada-jir kaga baxaan caqabadaha kala duwan ee qaranka soo wajaha, waxaana uu yidhi, “Waxaanu ku  faanaynaa ra’yi-yada kala duwan, waxaanu ku dhaadanaynaa xisbiyadayada qaranka, waxaanu ku dhaadanaynaa saxaafaddayada xorta ah ee na raad-guraysa ee xumaantayada toosinaysa, waxaanu ku dhaadanaynaa labadayada aqal ee Guurtida iyo wakiillada ee xukuumadda xakamaynaya ee ka qabanaya qaladka ay galaan, waxaanu ku faanaynaa garsoorkayaga madaxa bannaan ee madaxweynaha maxkamad saari kara ee qofkii qaldamaba dambigiisa ku qaadi karta, dhammaanba hay’adaha qarankana waxaan ka codsanayaa inaynu ku dedaalno caddaaladda iyo inaynu ku dedaallo inaynu hore u marino dawlad-wanaagga oo aynu dhammaanteen u wada guntanno dhibaatooyinka dalkeena haysta.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories