HomeCabdiraxmaan Cabdulqaadir tolkiisu waa Qaranka Somaliland ee maaha qabiil - W/Q: Sayid-Axmed...

Cabdiraxmaan Cabdulqaadir tolkiisu waa Qaranka Somaliland ee maaha qabiil – W/Q: Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Maankaagu yuu noqon maqal lagula leeyahay, yaan toban muftaaxiyo lagu furan masaabiir”

In aad dareenkaaga cabbirtaa, waa wax loo baahanayahay oo nolasha la xidhiidha. Inta badan dhibaatada inna haysataa waa mid soo noq-noqota, waa mid had iyo jeer, ka hadalkeedu maran-habaabiyo halka qaladku ku jiro. Indhawayd waxa aynu aragtiyaheenna kala jaadka ah ku soo bandhig-naa Mareegaha/internetka. Waxaa se nasiib darro ah, qoraalada intooda badan waxa aad ka dheehanaysaa, aragti kala kaxaynaysa dadka wada dhashay, ee dan wadaagta ah, ee dal wadaagta ah. Hordhacaygaa, akhristuhu wuu fahmayaa, halka aan tilmaamayo. Bal se aan u soo daadego ujeedadayda qoraal ee maanta. Markay taariikhdu ahayd 15/04/2012, waxa socday shirweynihii Xisbiga KULMIYE, waxa maalintaa dhacday arrin dhaawac ku ah Somaliland iyo geeddi socodka wadatashiga Somaliland. Iyadoo markhaati laga wada yahay wixii dhacay, ayaad mooddaa in qofba siduu doono u fasirtay. Mid isleh waxaad u hiilinaysaa Cabdiraxmaan Cabdilqaadir, balse ka kaxaynaya qaranimadii uu u taagnaa oo ku sii ridaya hog qabiil. Mid kale, oo malaa ay isku aragti yihiin kaa hore oo isaguna difaacaya qabiil kale oo aanan garanyn danbiga ay galeen. Dhibaatada ku dhacday Cabdiraxmaan Cabdilqaadir  iyo dhaawaca soo gaadhay waa mid dhammaanteen soo gaadhay.

Qoraallo kooban ayaan ilaa hadda arkay oo abbaaray halkii loo baahnaa. Waxa ka mid ah Maxamed Baashe Xaaji Xasan—wuxuuna tilmaamay wax farabadan. Waxa isaguna si fiican wax uga iftiimiyey ruugcaddaaga, caanka ah Rashiid Sh Cabdilaahi (Gadhweyne) waxa aan qabaa ha la taageero qoraalada qumman ee aan dadka kala kaxaynayn. Haddii aad u hiilniyaso dalka iyo dadka, abbaartaadu ha ahaato mid wax dawaynaysa ee yaanay noqon–Maankaagu yuu noqon, maqal lagula leeyahay, yaan toban muftaaxiyo lagu furan masaabiir, maalkaagu yuu noqon mid masaajid lagu gubo…..waxa erayadaasi ka mid ahaayeen dhaxalkii uu innooga tegey Ilaahay ha u naxariistee Ibraahin aw-Saleebaan (Ibraahin Gadhle).

Maxaa dhacay maalintaas?

Waxa dhacday arrin aan lagu tilmaami karin erey ama laba erey iyo toban erey toonna. Waxa aad isweydiinaysaa, haddii ay ahayd in lagu soo oogo denbiga uu Cabdiraxmaan ku eedaysnaa, ma waxa ay ahayd in sidaa loo maamulo? Maya– ma ay ahayn, waxa eedaysnaa waa nin xil sare ka hayey xisbiga waxa ay ahayd in marka eedda iyo dacwadda lagu soo oogo, xisbiga dhexdiisa ay jirto guddi arrinkaa maamusha oo la xidhiidha Cabdiraxmaan una kala dab qaadda xubnaha guud iyo shirguddoonka. Haddii taasi suurageliweyday oo loo maaro waayey arrinkaas, waxa dhici lahaa shir albaabadu u xidhanyihiin oo shirweynuhu yeesho–loona oggolaado Cabdiraxmaan in uu iska difaaco eedaymahaas golaha dhexe dhexdiisa oo ay dhegeystaan dhammaan xubnuhu. Ka dib loo codeeyo–iyaga oo labada dhinacba ku qanacsan ayey hawshaasi dhammaan lahayd. Xataa  haddii shirka buuq ka dhici lahaa, waxa ay u gaar ahaan lahayd oo dhammaysan kari lahaa xisbiga gudihiisa. Waxaana ka xaaraan ah in la adeegsado xoog—haddii aan gacan ka hadal dhicin. Waxaase maalintaa dhacday, wax dhici kara marar kale oo soo noqnoqon kara. Waxa maanta la adeegsaday waa xooggii qaranku lahaa oo u kala eexday xisbi isagu gudihiisa is haya oo murmaya. Sidaa awgeed in loo midoobo arrinkaas oo kale waa waajib inna wada saaran.

Ujeedadu maaha Cabdiraxmaan baa saxsanaa ama qaldanaa! Dhaawaca gaadhay Cabdiraxmaan waa mid qaranka gaadhay. Dawladda maanta joogtana waa mid looga fadhiyo, sixitaankeeda. Qaylo-dhaanta beelaysani meel inna gaadhsiin mayso ee waxbay dumisaaye, ma rabnaa in aan wax saxno oo wax wanaagsan dhisno. Dugsi maleh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane IHN waa dhaxalkii Cabdilaahi S Timacadde. Kolba shaadh ha loo tolo qabyaaladi waa uun qabyaalad—dadka way kala kaxaysaaye, ha laga daayo qabiilka wax qaranimo lagu heli karo—suldaan hebel baa sidaa yidhi, meel inna geynmayso ee adiga ayaa suldaan ah ee maankaaga ka shaqysii.

Wa Billaahi Tawfiiq

Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)

Sweden

Gacanlibaax2001@yahoo.se

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories