Home“Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Karka Kulayl Baa Ka Keenay!”

“Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Karka Kulayl Baa Ka Keenay!”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dr. Maxamed Cismaan Fadal

blankHargeysa (SLpost)- Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland, ayaa ku tilmaamay in guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir  uu gar u leeyahay dhallilihii uu dhawaanta u jeediyey Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, isla markaana waxa uu kula taliyey inay xukuummada Silaanyo la gudboon tahay  in ay umadda si xaqsooran ay xilalka kooban ee dalka  ugu qaybiso oo ay samayso caddaalad beeleed.

Digtoorku waxa uu sidan ku sheegay qoraal uu arrintaa ku qodobeeyey oo uu maanta ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo u dhignaa sidan: “1. Cabdiraxmaan gar buu leeyahay oo wuxu la hadlayaa madaxweynihii iyo dawladdii uu ugu yaraan 8da sanadood u soo halgamayey in uu kursiga keeno.

Markii madaxwenihii iyo dawladdii Kulmiye isku hubsatay kursiga, Cabdiraxmaan wuxu arki waayey wax fa’iida ah uu ay isga iyo beeshiisa mid hoose iyo mid guudba ay u soo kordhisay. Cabdirahmaan isagoo Xisbiga Kulmiye hormuud uga ahaa beeshiisa iyo ta guud ee Habaryoonisba waxa aynu wada ognhay in la dhaafiyey xilalkii wasiirnimada ee cid waliba ogeyd in uu xaq u lahaa.

2. Waxa intaa u dheer in beeshii uu matilayey iska daa wax dawladda Kulmiye u soo kordhiso oo ay ka safaysay shaqooyinkii dawladda. Shaqaalii hoose ee aan siyaasadba ku shuqul lahayn ayaa dibedda looga soo tuurayey oo lagu tumanayo xooqoodii shaqaalanimo iyo kii muwaadinba. Tuhun baa halkaa imanaya

in beeshii dhamayd lala dugaadheeyey siyaasinyiintii la is hayey.

3. Haddaba cidda mar walba laga sugayo in ay beesha xaqooda ugu dooddo waa cidda dawladda xilka uga haysa. Ilaa maalintii dawladda Kukmiye dhisantay tabashada beeshu way soo kordhaysay, waxayse u deysay cidda xilku ka saarnaa in ay wax ka qabato oo ah ciddii toos xil fulneed u haysay. Haddaba maadaam oo aan kursi fulineed maanta jirin waxay arrintaasi ku soo baxsatay Cabdirahmaan oo xilka Guddoomiye-xigeenka 1aad ka haya xibiga Kuliyme ee talada dalka haya; waxay dhawaaqistiisu ka tarjumaysaa qarax milil muddo dusha laga dhayayey.

4. Maxaa la gudboon dawladda Axmed Silanyo? Kow: Mar hadday dooratay in ay beelo wax-ku-qaybiso oo ay iska barbar martay sida dunidu ku shaqayso oo ah qof walba in awoodiisa aqooneed iyo kartiyeed wax lagu siiyo iyo in tartan furan wax lagu kala helo, waa in ay umadda si xaqsooran ay xilalka kooban ee dalka  ugu qaybiso oo ay samayso caddaalad beeleed.

Laba: dib ha isugu noqoto oo ha u soo celiso xilaka dawladda ee fulin iyo kuwa maamul ee ay xaqqa u leeday beeshu. Saddex: Ha turxaan saarto oo ha la wada hadlo oo ha la daweeyo waxa kulaylkan keenay. Beel xaqdarro tirsanaysa haddii la iska dhegatiro danta guud baa sadhoobaysa. 5.Maxaa la gudboon beesha:  in ay beeshu sidii ay weligeedba ugu shaqayn jirtay nabadda  iyo danta guud in ay sii xoojiso;  in ay xaqeeda dimuqraadiga ah ku doonato iyadoo isla markii ka duulaysa danta beesha guud ee Habar Yoonis iyo tan dadka gobolada ay degtoba ay la wadaagto. Waxa kale oo beesha la gudboon in ay la xisaabtanto siyaasiyiinteeda iyo ciddii xil u haysaba oo ay ku qiimayso midhaha ay hogaamintoodu u keentay ilaa hadda.”

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Hargeysa, Somaliland


Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories