HomeCabdiraxmaan Cabdilqaadir: Yaa U Aanooba Godobtiisa! – W/Q: Maxamed Baashe X. Xasan

Cabdiraxmaan Cabdilqaadir: Yaa U Aanooba Godobtiisa! – W/Q: Maxamed Baashe X. Xasan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Maxamed Baashe X. Xasan

“Dheeshan laygu giirtee

Gefka lagu heshiis yahay

Mee garsooraheedii?”

Inta aan laga garniqin xilka Cabdiraxmaan Cabdilqaadir Faarax  ma laga qaadayaa iyo lagama qaadi karo, yaa, marka hore, bannaynaya in gacanta loola tago oo la jujuubo oo khasab dibedda loogu tuuro sidii nacweyni iyo

axmaqnimadu ku dheehnayd ee aynu arkayney  isaga oo ka mid ah madaxda xisbiga Kulmiye ugu sarraysa. Arrintani waxa ay nalka ku daaraysaa maasha iyo mililka; ceebaha iyo foolxumooyinka ku huursan ee dhex hurda hab-dhaqanka axsaabta siyaasadda iyo hannaanka geeddi-socodka dimoqraaddiyadda curdinka ah ee Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdilqaadir, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Kulmiye. Loollankii siyaasadeed ee Kulmiye xukunka ku raadinayey, waxa uu ka soo qaatay kaalin foolaad iyo hormuudnimo togan ah. Dhaawaca maanta la damqay ee lafdhabarta iyo luquntiisa ku sidkani waa mid ka soo gaadhey loollankaas. Madaxweyne Axmed Siilaanyona waxa ay ahaayeen saaxiibbo aad isugu dhow muddo dheer oo ku siman ilaa SNM.

Dad fara-ku-tiris ah oo Cabdiraxmaan Cabdilqaadir ka mid yahay, waxa hab-dhaqankooda nololeed laga dheehdaa ilbaxnimo ka tallowsan dhaqanka iyo hiddaha tolaysiga ku salaysan ee dadka intiisa badani sida dullinnimada ah ugu dabran yihiin heerka fagaarayaasha iyo falaadyada siyaasadeed hawadintooda. Qarannimada iyo ummadnimada xoojinteeda ayaa dadka noocaas ah kala sarraysa oo kala weyn ardaaga qabaliga ah ee ay ku abtirsadaan. Wuu jiraa xagal-dhaac dadka qaar ku yimaadda mararka qaar oo jidgooyo ku noqda aragtidoodii korraysey ama gaashaanqaadday. Cabdiraxmaan Cabdilqaadir kama badbaadin kufaa kac noocan ah oo soo foodsaara, gaar ahaan xilliyadan dambe markii uu iska dhex waayey dawladdii Kulmiye ee uu wax ka dhaliyey sida rag badan oo kaleba ku dhacday.

Si kastaba wax ha u jireene, waa gef iyo qallooc aan la dembabesi karin falka jujuubka  iyo cabbudhinta ah ee Cabdiraxmaan Cabdilqaadir lagula kacay. Godobtiisa waxa u aanoobeysa; marka hore;  intii kulanka joogtey ee laga waayey in ka hortimaadda oo ku-dhac u yeelata diidmo in xooggaas loo adeegsado Cabdiraxmaan oo la wada ogaa inuu lafta dheer ee dhabarka iyo luqunta dhowaan ka dhaawacmay xilligii loollanka Kulmiye oo aanu geyin in far la saaro oo jidhkiisa la taabto. Marka labaadna waxa  aanadiisu guudka ka saaran tahay dawladda Axmed Siilaanyo iyo mas’uuliyiinta xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Dhinaca xil-ka-xayuubinta iyo sida cabbudhinta iyo bah-dilka ah ee madashii shirka kulmiye laga arkayey waa farriin taban iyo dhiillo culus oo ku socota urrarada cusub ee siyaasadda ee hadda uun abuurmaya, taas nuxurkeedu yahay in axsaabtii siyaasadda ee hore (Ucid, Kulmiye iyo Udub) ay ku guuldarraysteen in ay noqdaan axsaab leh hannaan iyo hab la raaco oo banyaal ah ama daahfuran oo ka turjumaya waxa ay sheeganayaan: Axsaab siyaasi ah oo dimoqraaddi ah!

Saddexda xisbiba uma qalmaan xisbinnimadooda, waayo kuma jiro xisbi haddii uu xitaa samaystay kuba dhaqmay ama ku dhaqma oo ka hirgeliyey dhexdiisa xeerar iyo qawaaniin dejisan oo lagu maareeyo hawadinta iyo hawlaha xisbiga. Waxoodu waa gacan-ku-rimis u xayndaaban dano shakhsiyeed iyo muraaddo kooxeed oo markii ay doonaan iska reerooba oo hargo shabeel inoo soo huwada!

Waxyaalahan oo kale waa ka mid isirrada luxudka ka soo kiciya ee soo nooleeya fidmooyinka bulshada aan ka korranayn u dabranaanta hannaanka tolaysiga ee ay ku liidato ama kaba maqan tahay aragtida ummadnimadu. Saw innagaa durba ku dhego-barjowney ee arkayna inta sida taban u bu’aysa ee muusannaabaysa ama sida foororta ee gurracan isugu boodda dhiganaysa ee carta iyo wirta la gebidhacaysa. Waxa aynu arkaynaa inta erey galoof ah iyo tuuryo gabno ah dhinacyada ka soo yeedhaysa maalmahan dambe ee arrintan Cabdiraxmaan Cabdilqaadir ku xidhiidhsan; tu la sokeeyennimo safan iyo mid ka tolliimo safanba!

Dulmiga iyo caddaalad darrada jira ayaa dadka ka indhasaabaya wax aan taas ahayn. Kala safasho qolaysi ah oo indho iyo dhego la’! Halka soo dhicinta qofka xaqiisa lagula eeran lahaa oo laga durraaman lahaa hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka, ayaa lagula cararayaa oo ciirsi la bidayaa geedka qabyaaladda sunta iyo waabeeyada hoostiisa ku huursan in la maqan galo, taas oo keenta in xaqii qofkuba tasooba, kuwa kalena xaqdarro cusub lagula dul ciiro. Waa dulmaneyaal is-dulmaya iyo nafsado is-diiddo dhex taallo!

Halkan waxa ku god gelaya oo iilka loo jiidayaa doorka mas’uuliyaddii dawladnimo; haybaddeedii, maamuuskeedii, milgaheedii, shuruucdeedii, xeerarkeedii iyo jiritaankeediiba. Waxa la garanwaayayaa oo sawrac doorsoomaya ciddii mas’uuliyadda waxa dhaca yeelan lahayd ee lagala xisaabtami lahaa aanada iyo aafooyinkeeda. Qof gar leh iyo  mid garandaran ayaa la isku milayaa. Kii dembiga laga galay iyo kii ka galay ayaa la isku maydhaamayaa. Waa taas muranka iyo is-maandiidku ka aloosmayaan wixii dhacaba ee la la’ yahay halbeeggii qadafka iyo qummanta kala saari lahaa ama xumaha iyo samaha kala soori lahaa. Nasiib darradaasi waxa shillalka macagnimo maanta u saaran oo warmo gardiid ah iyo garasho gablool ahi si iska horjeedda guudkiisa isku mar ugu wada kulmaan Cabdiraxmaan Cabdilqaadir Faarax. Hebello kalaa yaas berrito u qoolan haddii aan hadda Cabdiraxmaan indho caddaaladeed iyo garasho xaqsoor lagu dhaahin, sharcigana la marin mas’uuliyiintii ka dambaysey waxyeellada gaadhey.

 “Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli!” – Hadraawi

Maxamed Baashe X. Xasan

rasheedbaashe@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories