HomeCabdirashiid Xasan Mataan oo Xukuumadda ku eedeeyey inay Xaalad-abuur ka waddo gobolka...

Cabdirashiid Xasan Mataan oo Xukuumadda ku eedeeyey inay Xaalad-abuur ka waddo gobolka Awdal

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

murashaxBoorama (SLpost)- Murashaxa madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay hab-dhaqanno maamul oo uu sheegay inay nabadgelyo-darro kaga abuurayso gobolka Awdal, isagoo si gaar ah u tilmaamay culays dheeraad ah oo ciidamada ammaanku saareen gobolkaas.

Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sheegay in badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ka been-abuuray hub dhowaan uu guddoomiyuhu shaaciyey in ciidamada ammaanku haw-gal ku soo soo qabteen, kuna tilmaamay mid halis ku ah ammaanka Somaliland iyo waddamada deriska ah.

“Markii u horeysay maaha, hore ayuu yidhi Hub khatar ku ah mandaqadda ayaanu qabannay, wax jira oo raadkiisa la hayona muu ahayn, malaha wuxuu isleeyahay gobolka ku xumee, laakiin ma oga inuu dacaayadaynayo guud ahaan nabadgelyada dalka, taasina wax-qabad maaha,” Sidaas ayuu yidhi Aqoonyahan Cabdirashiid oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama.

Waxa uu badhasaabka gobolka Awdal ku eedeeyey inuu ammaan-darro ka wado gobolka Awdal, waxaanu yidhi, “Ramaax wuxuu meejiyey dacaayado fara-badan muddadii uu gobolka joogay, waxaanad mooddaa in loo soo diray inuu gobolkan ku abuuro qas iyo kicin, waxa la xidh-xidhaa dad safar ah ama suuqyada iska jooga oo lagu sheego jabhad, waxa la sameeyey kaantaroolo dadka lagu baadho oo Caanaleyda iyo Dadka magaalada u imanaya adeegga waddada loogu joogsado, waxa qalad ah in culays intaas le’eg la saaro gobolka. Waxaad mooddaa in laga raadinayo arrin an loo baahnayn oo xukuumaddu abuurayso.”

Isagoo hadalkiisa sii waday, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Annaga hadday taayada noqotana, siyaasad cad baanu ka yeelan doonaa, waxaanu gaadhsiin doonaa in badhasaabka gobolka la doorto ee aanu noqon mid la keenay meel aan la garanayn.”

Xukuumadda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojisay hawl-gallada ciidamada ammaanka ee gobolkaas, kaddib markii ay soo-ifbaxeen malleeshiyo-beleedyo deegaanno ka tirsan gobolkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo liddi ku ah ammaanka gobolka, kuwaas oo ka amar-qaadda Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo ku dhawaaqay inuu ka soo horjeedo jiritaanka Somaliland.

Malleesiyo beeleedkaas oo inta badan ka hawl-gala gudaha dalka Itoobiya, ayaa tiraba dhowr jeer weerarro aan khasaare badan geysan ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Awdal iyo sidoo kale gudaha magaalada Awdal ee xarunta gobolkaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories