HomeCabdirashiid MS Ducaale Oo Sharraxay Doorka Shirkadda Dahabshiil Group Ka Qaadato Taakulaynta Bulshada

Cabdirashiid MS Ducaale Oo Sharraxay Doorka Shirkadda Dahabshiil Group Ka Qaadato Taakulaynta Bulshada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Maamulaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group Md Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa faahfaahin ka bixiyay doorka shariifka ah ee Shirkadaha Dahabshiil ka qaataan taakulaynta bulshada xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka sida fatahaadda daadadka, abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee bulshada la soo dersa.

blank
Maamulaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale

Mudane Cabdirashiid Dahabshiil oo qayb ka ahaa barmaamijka Bandhigga VOA oo ku saabsana doorka hay’adaha iyo shirkadaha gaarka ah ay kaga jiraan, gargaarka bani’aadannimo ee goobaha ay ka howlgalaan wuxuu sheegay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan, islamarkaana la dareen yihiin bulshada mar kastana safka hore ka galaan taakulaynta iyo gurmadka la fidinayo.

Marka dhibaatooyin dhacaan lama oga oo lama sii qorsheeyo in sanadkan fatahaadi khasaare intaas leeg keenayso ama abaari taas ma sii cabirno ama ma sii qiyaasno ee marka dadka dhibaato soo gaadho haddii aanu Dahabshiil nahay go’aan baanu qaadana anaga oo eegayna hadba baahida taalla iyo halka ay ka jirto, mar walbana waxaanu tixgelina umadda dhibaataysan halka ay joogaan anaga oo aan qabiil eegaynin, siyaasad eegaynin waxaanu mar walba ka shaqayna dadkaa dhibaataysan waayo dhibaatada dadka soo gaadha way saamaysa, tusaale bal ka waran qof  xanuunsanaya ama daad ku dhacay oo gurigiisii waayay ama gabadh qoys ah oo caruurteedii dhibaato soo gaadhay, dad xanuunsanaya ama dad gaajoonaya, marka aanu arrimahaa eegno ee wakiilladayada dalka gudihiisa jooga warbixintaa na soo siiyaan, Dahabshiil ahaan dhibaatada dadka soo gaadhay waa wax anagana na soo gaadhay waayo umadda ayaanu u shaqayna, taas ayuu magacayagu ku xidhan yahay sidaas ayay tahay in markasta xoog iyo waxaanu awoodnaba ka qaadano,” Sidaas ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.

Md Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu intaasi raaciyay siyaabaha shirkaddu u bixiso taakulada “Dhibaatooyinka qaarkood wakiilladayada iyo shaqaaluhu iyaga lacag iska ururiya oo ka qayb qaata shirkadduna gaarkeeda ayay uga qayb qaadata,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo tilmaamay in arrimaha samafalka ee shirkaddu ka qayb qaadato aanay ku jirin Sakada oo ay iyadana bixiso taas oo aanay wax faahfaahin ah ka bixin maaddaama ay waajibaad saaran tahay.

Maamulaha guud ee Dahabshiil waxa uu sheegay in siyaabaha ay uga qayb qaataan tabarucaadka ay ka mid tahay in ay adeegyada ay bixiyaan ka dhigaan lacag la’aan, “Anagu marka aanu aragno dadka dhibaatadu gaadhay oo laga yaabo in qaarkood macaamiishayada yihiin qaarna aanay ahayn ba, markaas ayaanu go’aan qaadana siyaabaha aanu uga qayb qaadana waa in aanu lacag kaga qayb qaadano, mashaariic kaga qayb qaadano, mararka qaarkoodna adeegga aanu bixino aanu bilaa lacag uga dhigno, hay’adaha qurbaha ee Soomaalida iyo dadka qurbejoogta ah ayaa lacag soo dira oo Dahabshiil soo mariya, boqol iyo dhawr iyo labaatan waddan ayaanu Adduunka ka shaqayna oo Dahabshiil ku leeyahay meel lacagaha laga soo diro dhammaana bulshadu way soo marisa lacagta waanan ku dhiiri gelina in ay bulshada caawiyaan. Dad badan oo dhallinyaro ah ayaa qurbaha jooga oo is xilsaara marka ay arkaan dhibaato gaadhay bulshadooda oo dadaala oo lacago ururiya dee khasab marka ay noo yimaaddaan wixii aanu la qaban karayno waanu la qabana,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com
editor@somalilandpost.net
Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories