HomeCabdirashiid DAHABSHIIL oo Faahfaahiyey Doorka Shirkadaha Isu-gudbinta Lacaguhu ku Leeyihiin Horumarka

Cabdirashiid DAHABSHIIL oo Faahfaahiyey Doorka Shirkadaha Isu-gudbinta Lacaguhu ku Leeyihiin Horumarka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Maamulaha guud ee DAHABSHIIL oo ka qayb-galay Kulanwaynaha Caalamiga ee horumarka maalgelinta oo ku qabsoomay Addis Ababa

Addis Ababa (SLpost)-  Maamulamaha guud ee shirkadda DAHABSHIIL Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa faahfaahin ka bixiyey doorka shirkadaha ka shaqeeya isu-gudbinta lacaguhu ku leeyihiin horumarka dalalka iyo bulshooyinka la gaadhsiiyo.

Cabdirashiid iyo wasiirka maaliyadda KenyaMaamule Cabdirashiid oo isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan shirkadda Dahabshiil ka qaybgaleen kulan-doceed ay qabanqaabiyeen ururka IGAD, hay’adda UNDP iyo dawladda Itoobiya oo lagaga hadlayey arrimaha isu-socodka lacagaha, kaas oo qayb ka ahaa shirka saddexaad ee maaliyadda iyo horumarka (Third International Conference on Financing for Development) oo ah mid caalami ah oo dunida oo dhami isugu timi muddo saddex maalmood ah oo uu ka socday magaalada Addis Ababa (13-kii ilaa 16-kii July 2015), waxa uu Cabdirashiid uu ka hadlay qodobada lagu falanqeeyey kulankaasi oo ay ugu muhiimsanaayeen kaalinta horumarka ee lacagta la isku diraa u leedahay ee dhinacyada cuntada iyo ammaanka ee dalalka Gobolka Geeska Afrika oo inteeda ugu badani soo gaadho.

Cabdirashiid waxa uu xusay in shirkani muhiimad aad u wayn leeyahay, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee dhinacyada lacagaha la isu diro sida wasiirrada lacagaha ee dalalka IGAD, waddamada qurbaha ee inta badan lacagaha laga soo diro iyo shirkadaha ka shaqeeya isu-socodsiinta lacaguhu meel isugu yimaadaan, lagana wadahadlo arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarka ay ka qaybqaadato lacagtaasi iyo sidii loo wada ilaalin lahaa sii shaqaynteeda.

“Sidaynu la soconno lacagta dibadda laga soo diraa waxay qayb ka qaadataa horumarka dhinac walba ee waddamada Geeska Afrika ka jira, waxaannay wasiirrada dalalka IGAD ee ka hadlay shirkani dhammaan qireen in dadka dalalkooda u dhashay ee qurbaha ku nool Yurub ama Maraykan ee isticmaala shirkadaha sida Dahabshiil oo kale ee lacagta soo dirayaa inay ka qaybqaataa horumarka waddamadan ee dhinacyada ammaanka, cuntada iyo guud ahaan nolosha, isla markaana wax allaale iyo wixii looga baahan in shirkadahaa lagu taageero, wixii kale ee sharciga sii hagaajinayana la sii xoojiyo,” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid oo u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee idaacadda VOA-da.

shirka xawaaladahaShirkan waxa lagu sameeyey gole ka wada shaqeeya arrimaha isu-socodka lacagta ee dalalka lacagaha laga soo diro iyo kuwa loo diro ee qurbaha, waxaanna Maamulaha Dahabshiil oo arrintaasi ka hadlayey uu yidhi, “Runtii go’aamada ka soo baxay shirka ee la odhan karayo waa go’aamo wanaagsan oo u dan ah dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee gobolkaba waxa ka mid ah in lagu dhawaaqay ama horeba dhawaan loo sameeyey gole ay isugu imanayaan dad ka kala socda waddamada lacagtu ka imanayso ee sida Maraykan iyo Yurub iyo kuwa ku yaal gobolkan Geeska Afrika, kaas oo ay ku faaqidayaan wax allaale iyo wixii hubinaya in lacagtu si joogto ah u soo gaadho waddamadan Geeska Afrika oo aanay marnaba istaagin, isla markaana dhinac walba dalalka lacagtu ka imanayso iyo kuwa ay imanaysaaba ku qanacsan yihiin inay si ammaan ah oo waadax ah u soo gaadhay, iyadoo markaa sharciyadii loo baahnaana la ilaalinayo.”

“Waxa kaloo la islaqaatay in waddamada lacagta ay ka soo dirayaa dadka qurbaha joogaa inay bangiyada iyagoo shirkadaha sida Dahabshiil oo ka mid tahay isticmaalaya soo maraan, waayo haddii kale lacagtu suuqa-madow galayso oo taasina aanay waddamada qurbahana dan u ahayn, kuwan kale ee Geeska Afrikana aanay dan u ahayd oo mar walba ay doonayaan inay marto sharciga. Annagu haddii aannu DAHABSHIIL nahay mar walba waanu soo dhawaynaynaa wixii sharciyada caalamku ay khasbayaan si dadka ay u socotaa mar walba masaariiftooda u helaan,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories