HomeCabdikariim Xuseen Guuleed oo sheegay in Rejada Dowladnimada Somalia ku xidhan tahay...

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo sheegay in Rejada Dowladnimada Somalia ku xidhan tahay Xalka Qadiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Sahan ee ka dhisan Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin isla markaan hirgeli doonin dowladnimada Soomaaliya inta aan meel lagu tiirin qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Galmudug oo maanta gaadhay magaalada Muqdisho oo lagu soo dhaweeyey, waxa uu dhaliilo u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuu meesha ka saaray wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, taas beddelkeedana uu cadaawad iyo culaysyo siyaasadeed kula dhaqmayay Somaliland muddadii uu xilka hayey.

blankCabdikariim Guuleed waxa kale oo uu dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ku eedeeyey inay ku kacday siyaasad ay ku kala fogeynayso shacabka ku dhaqan Somaliland halkii ay ahayd inuu isu-soo-dhawaansho iyo xasiloonida ka shaqeeyo.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo sidoo kale soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha DFS ee xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku dhaliilay damicii uu ku doonayey inuu ku tago magaalada Hargeysa kaddib kulankii Somaliland ku dhexmaray magaalada Addis Ababa oo Raysalwasaaraha Ethiopia uu labada hoggaamiyo isugu keenay marti-qaad uu u fidiyey.

Cabdikariim oo markii lagu soo dhaweeyey garoonka Muqdisho warbaahinta la hadlay, waxa uu ku dhaliilay Farmaajo damaca uu ku doonayey inuu kulan laba saacadood oo kali ah socday midha-dhalkiisa ku hantiyo inuu socdaal ku tago magaalada Hargeysa.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga Sahan

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories