HomeCabdicasiis Samaale oo shaaciyey inaanu Mansab Dambe ka Qaban Doonin Xukuumadda Siilaanyo,...

Cabdicasiis Samaale oo shaaciyey inaanu Mansab Dambe ka Qaban Doonin Xukuumadda Siilaanyo, tuhunna geliyey cidda Xilka ka Beddeshay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa dabooka ka qaaday sababta uu ugu gacan-saydhay xilka Wasaaradda Waxbarashada ee Madaxweynuhu u magacaabay, isaga oo kaga dhawaajiyey inay jiraan shirqool hoose oo madaxweynaha laftiisu aanu ka war-haynin oo sabab u noqday in xilka wasaaradda Maaliyadda laga beddelo.

Isku-shaan-dheyn xambaarsan Xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo Magacaabis cusub oo Madaxweyne Siilaanyo habeen hore ku sameeyey golihiisa Xukuumadda, waxa uu Wasiirkii hore Maaliyadda Cabdicasiis Samaale u beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaraddda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, halka wasiirkii wasaaraddaas Samsam Cabdi Aadan lagu beddelay booska Wasiir Samaale.

SamaaleWasiir Cabdicasiis Samaale oo xalay gurigiisa ugu warramay qaar ka mid ah warbaahinta, waxa madaxweyne Siilaanyo uga mahad-celiyey muddadii ay soo wada-shaqayneyey ee uu hayey xilka wasaaradda Maaliyadda, isla markaana uu wali u hayo kalgalkii iyo saaxiibnimadii ka dhaxaysay, balse waxa uu meesha ka saaray inuu wax xil ah oo dambe ka qabto xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, xilka wasaaradda maaliyadda ee hayeyna uu si deg-deg ah u wareejin doono. Waxa kale oo Md Samaale ka hadlay saamaynta go’aankiisani ku yeelan karo hankiisa siyaasadeed.

“Aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay madaxweynuhu, xilkaa maan aqbalin, mana aqbalayo, diyaarna uma ihi inaan xil danbe ka sii qabto xukuumada uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, waanan uga mahad-naqayaa muddada aanu wada shaqaynay ee aan xilka wasaaradda Maaliyada hayey. Arrintaasina arrin aan aqbalayo maaha,” Sidaas ayuu yidhi Md Samaale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horeyn ka hadlayey sababta ugu gacan-saydhay go’aanka madaxweynaha iyo xilka loo magacaabay, waxa uu sheegay inaanu ahayn wax u filayey beddelka madaxweynuhu ku sameeyey maadaama uu ku gudo-jiray kormeer uu ku marayey gobollada Bari ee dalka gaar ahaan ilaha dakhli-ururinta ee wasaaradda Maaliyadda, kaas oo uu sheegay inay ka wada-socdeen madaxweynaha.

“Wefti wasaaradda ka tirsan oo ka kooban aniga iyo Agaasimaha guud iyo afar agaasime waaxeed ayaa safar ugu maqnaa gobolada dalka, madaxweynaha waan u sheegay, waananu ka wada soconay safarkaasi, habeenkii ka horeysay habeenka ay hawshani dhacday, waxaan u sheegay inaanu Laascaanood ka soo noqonay oo aanu Burco ku suganahay, maalinta Sabtida haddii alle yidhaahdo inaanu u kicitimi doono magaalada Ceerigaabo, sidaasi ayuu madaxweynuhu safarkayga ula socday,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Kalgacal iyo wanaag baanu isku ogeyn, si lama filaan ah ayey arrintani u dhacday. Markaa, runtii xilka qof waa laga qaadi karaa, qofna waa loo dhiibi karaa, laakiin waa in la tixgaliyo dareenka iyo rabitaanka qofka iyo sida uu wax u arkayoba, markaa anigu waxaan u arkaa arrintan arrin dareenkayga iyo saaxiibtinimadii iyo wixii aanu soo wada marnay inaanu qiimeyn.”

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sababaynayey go’aanka uu ku qaaddacay wasaaradda uu madaxweynuhu u beddelay, waxa yidhi, “Qadiyadduna maaha labada wasaaradood oo ma kala duwana oo farqi uma dhexeeyo, sidaa la ajligeed xilka cusub ma qabanayo, xilka wasaarada Maaliyadana waxaan jecelahay inaan si dhekhso ah u wareejiyo, Madaxweynaha waan uga mahad naqayaa wada-shaqayntii wanaagsanayd ee naga dhexaysay, waxa qalloocsamay ee qaldamayna waxaan filayaa inuu madaxweynuhu ogaan doono.”

Wasiir Samaale oo la weydiiyey inuu Madaxweynaha arrintan kala xidhiidhay maadaama ay ahaayeen Saaxiibbo isku-dhow, waxa uu ku jawaabay, “Runtii imikaba madaxweynaha waanu isku dhawnahay balse waxaan arkayaa in wax hadda qarsooni ay jiraan oo soo bixi doona, anigase madaxweynuhu waa madaxweynahaygii oo walaaltinimadii iyo kalgacalkii naga dhexeeyey waa sidoodii waxaanan u hayaa kalgacal aad u weyn,” ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Samaale oo la weydiiyey in go’aankiisani wax ka beddelay hankiisa siyaasadeed ee mustaqbalka, waxa uu ku jawaabay, “Sidii ayuu hankaygu yahay iyo si ka sii saraysa, mawqifka aan qaatayna waxaan qabaa inuu wax tari doono hankii aan lahaa, waxaanan aaminsanahay inuu hankaygu sidii iyo si ka sii wanaagsan uu yahay,” ayuu yidhi Md Cabdicasiis Samaale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories