HomeCabdicasiis Samaale oo markii ugu horreysay ka hadlay Xilka Cusub ee...

Cabdicasiis Samaale oo markii ugu horreysay ka hadlay Xilka Cusub ee loo magacaabay, Masuuliyaddii uu hore umadda ugu hayey iyo Shakhsiyadda Wasiirka uu xilka kala wareegayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 17 March, 2012 (SLpost)- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dareenkiisa ku aaddan xilka loo magacaabay, isbarbardhigga xilka cusub iyo masuuliyaddii uu hore u hayey.

Md. Samaale oo khudbad ka jeediyey golaha ka hor intii aanu goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixin xilkiisa wasiirnimo, waxa uu xusay in xilka loo magacaabay uu mansab ahaan ka hooseeyo masuuliyaddii uu hore u hayey, balse uu ku aqbalay xilka cusub maadaama, sida uu sheegay, looga maarmi waayey, “Xilka la ii magaacabayna waxaan u ahaysta inuu ka hooseeyo kii hore ee aan hayey, hase-yeeshe xil lagu gartay iyo masuulidyad lagu gartay oo lagaga maarmi waayey. Waxaad ku khasbantahay inaad aqbasho sidaankii horeba aan illahay dartii aan ugu hayey ayaan kaa danbana illahay dartii u aqbalay, waxaana illahay ka baryayaa in illahay ii fududeeyo,” ayuu yidhi Wasiirka Cusub ee Maaliyaddu.

Wasiir Samaale waxa kale oo ammaan u soo jeediyey Wasiirka uu xilka kala wareegayo Md. Maxamed Xaashi Cilmi oouu ku tilmaamay shakhsi ay walaalo yihiin oo hawshiisa ka soo baxay, isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi, “Wasiirkii iga horeeyay xilka waxa uu ahaa Wasiir aanu wallaal-nahay oo aan xilkaas ku amaanayo ayuu ahaa, waana ka xumahay in anigu aan noqdo shikhsigii isaga beddelilahaa.”

Sidoo kale, waxa uu Md. Samaale uu dareen adag ka muujiyey culayska uu leeyahay xilka loo magacaabay isaga oo ballan-qaaday inuu xilkiisa si daacad ah u gudan doono isla markaana uu xidhiidh fiican kula shaqayn doono Golaha uu ka tirsanaa, Golaha Guurtida iyo Shacabka Somaliland-ba, “Waxaan naftayda iyo naftiina xasuusinayaa waa xil culus oo aad iyo aad u culus oo sanawaadka iyo dhulkaba ku culus, lakiin bila’aadanku uu qaado jahli iyo dulmi uu ku sugan yahay awgeed, waxaan illahay ka baryayaa inaynu noqono kuwa xilka ay khadaan inay illahay dartii ay ugutaan oo waxaan balan qaadayaa inaan Golaha aan ka tirsanaa inaan siwacan ula shaqayn-doono iyo Golaha guurtidaba, Ummadda reer Somaliland-na waxaan ugu shaqayn doonaa sidaacada xilkaas lay magacaabayna waxaan ugu shaqayn doonaa sidaacada inta awoodayda ah,” ayuu yidhi Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ka hor intii aan codka loo qaadin ansixinta wasiirnimadiisa wakhtigaas oo intii ay Codayntu socotay uu golaha dibadda uga baxay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories