HomeCabdicasiis Samaale oo Hanjabaaddii ugu Cuslayd u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo (Daawo Muuqaal)

Cabdicasiis Samaale oo Hanjabaaddii ugu Cuslayd u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo (Daawo Muuqaal)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu meesha ka saaray doorashooyin dalka ka qabsooma iyo tartan xalaal ah oo dhex-mara murashaxiinta ku loolaymsa Xisbiga Kulmiye, kaddib markii sida uu sheegay uu ku go’aan ku gaadhay inuu si badheedh ah ula saftay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Cabdicasiis Samaale oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynimo ee gudaha Xisbiga Kulmiye looga dhex-taramayo, waxa uu sheegay inuu madaxweynuhu ku tuntay nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland isal markaana uu doonayo inuu nidaam kali-talisnimo ah oo hog madow ku ridaya rejada shacabka ku maamulo dalka.

SamaaleWasiirkii hore ee maaliyadda oo goor-dhawayd warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay go’aanka uu taageeradiisa kula bar-bar istaagay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu ku sheegay go’aan ay kula taliyeen dad aan nasteex u ahayn madaxweynaha.

Hadalka Cabdicasiis Samaale ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta ay xukuumadda Siilaanyo iska casileen 11 masuul oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku-xigeenno iyo Agaasimeyaal siyaasad ahaan ay isku feker yihiin is-bahaysiga Murashaxiinta Kulmiye oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe oo saddexdoodu shaaciyey inay u taagan yihiin murshaxnimada Kulmiye.

Cabdicasiis Samaale oo muddo dhowr sanno ah hayey xilka Wasiirka Maaliyadda, ayaa horaantii sannadkan iska casilay wasaaraddaas kaddib markii madaxweynuhu u magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories