Home“Cabdi-weli dawladdiisa iyo xuduudkiisa waannu soo dhowaynaynaa… Siilaanyo-na ku taageeri mayno” –...

“Cabdi-weli dawladdiisa iyo xuduudkiisa waannu soo dhowaynaynaa… Siilaanyo-na ku taageeri mayno” – Guddoomiyaha Waddani ee Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Sanaag, Daadey Jaamac Xasan, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan Maamulka Cabdiweli-Gaas ee Puntland, isla markaana ay bulshada gobolka Sanaag ugu baaqaan shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsadaan aayahooda iyo wada-noolaanshahooda.

DaadeyDaadeyDaadey Jaamac oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Ceerigaabo, waxa uu sheegay inaanany jirin wax colaad iyo nacayb ah oo u dhaxaysa bulshada Reer Sanaag iyo Dawladda Cabdi-weli (Puntland).

Isaga oo arrimahaas ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Aflagaaddada dadka derisyada annagu haddaannu nahay reer Sanaag raalli kama nihin, haddaanu nahay Xisbiga Waddani, waanu ka duwannahay gobollada kale raalli ka noqon mayno. Inaadeerkay Faysal Cali Waraabena waxan leeyahay godob nin kale leeyahay waxba ha isku gudbin.

Cabdi-weli dawladdiisa iyo xuduudkiisa waannu soo dhowanaynaa waayo dhiig, dhaqan, ganacsi iyo walaaltinnimoba way naga dhexeeyaan, wax cadaawad oo naga dhexaysaana ma jirto.
Hadday Hargeysa u haysato inay Puntland col la tahay annagu haddaannu nahay Ceerigaabo lama col nihin…waa war cad, Siilaanyo-na ku taageeri mayno.”

Guddoomiyaha  Xisbiga Waddani ee gobolka Sanaag waxa uu sidoo kale halkaas ka sheegay in xilligan nabadgelyo xumo ka jirto gobolka Sanaag isla markaana ay ku baaqi doonaan shir-weyne beelaha Sanaag kaga tashan doonaan nabadgelyada iyo wada noolaanshahooda. Isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxu yidhi, “Gobolka Sanaag maanta amni darro ayaa ka jirta mushaharo la’aan baa ka jirta nabadgelyadooduna ma aha mid maanta la isku hallayn karo oo la odhan karo nabadgelyaa ka jita ciidammo dhan oo la qarameeyey oo tababbar kazoo baxay ayaa mushaharo la’ bulshadiina way kala wadajeeddaa. Waxannu ku baaqi doonnaa shir weyne beelaha Ceerigaabo oo aannu kaga tashan doonno nabadgelyadayada iyo wada noolaanshahayaga iyo wanaaggayaga shacabkayaguba maanta waa soo jeedaa isku dir iyo hebel baa mushaharkii idinka joojiyey iyo waxyaabaha socda aqbali mayno.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories